
Sarkaal NISA ka tirsan oo lagu qarxiyay magaalada Muqdisho
,
Qarax xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay xaafadda Buula-xubeey ee degmada Wadajir.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in qaraxa lagu xiray gaari nooca Surf ah oo uu watay sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in sarkaalkaasi uu ka badbaaday qaraxa.
Qaraxan ayaa muujinaya in dib u soo cusboonaadeen falalka qaraxyada lagu xiro gawaarida, kuwaas oo muddooyinkii dambe yaraaday.
Sidoo kale, warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa mooto Bajaaj oo maraysay meel u dhow halka qaraxu ka dhacay.


0 




Sarkaal NISA ka tirsan oo lagu qarxiyay magaalada Muqdisho
,