Iran oo ku hanjabtay in la garaaci doono markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo Hormuz

0
Tuesday March 03, 2026 - 06:50:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iran oo ku hanjabtay in la garaaci doono markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo Hormuz

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Iran ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta shidaalka ee ku sugan Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ugu yeertay in ay ka fogaadaan Marinka Hormuz, haddii kalena ay bartilmaameed noqon doonaan.

Maalin ka dib, markii uu dagaalku qarxay, Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay in uu xiran yahay Marinka Hormuz, kaas oo ah midka ugu weyn ee gobolka ee ay isticmaalaan maraakiibta shidaalka.

Ebrahim Jabbari oo la taliye u ah Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa xalay sheegay in Iran ay dab qabadsiin doonto markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo marin biyoodka Hormuz.

Sarkaalkan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in marinku uu xiran yahay, wuxuuna maraakiibta uga digay in ay jawaab adag la kulmi doonaan, haddii aysan isaga fogaanin.

Waxa kaloo uu digniin adag u diray maraakiibta kale ee gobolka u imaneysa in ay shidaal ka qaadaan.

"Waa inaysan imaanin gobolkan. Waxaa hubaal ah inay la kulmi doonaan jawaab adag oo naga timaada.” Ayuu yiri Ebrahim Jabbari oo intaasi ku daray "Marinka Hormuz wuu xiran yahay.”

Mr. Jabbari ayaa sheegay in Mareykanku ay u ooman yihiin saliidda gobolka, isla-markaana aanay Iran ogolaan doonin in dhibic saliid ah laga dhoofiyo gobolka. Jabbari ayaana ka digay in xitaa ay bartilmaameed noqon karaan dhuumaha saliidda ee gobolka.

Shirkadaha maraakiibta ganacsiga ayay u badan in ay si dhab ah u qaadan doonaan digniinta Tehran, sababtoo ah waa in dagaalku uu yahay mid furan oo wejiyo badan leh.

Shirkadaha maraakiibta ayaa u baahan in ay si dhow ula socdaan xaaladda Bariga Dhexe, illaa iyo inta colaadda ka taagan ay dhinac u dhaceyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip