Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

0
Tuesday March 03, 2026 - 13:10:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah oo ay yeesheen Puntland iyo xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 

Shirka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Garowe waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee Federaalka oo ku sugan magaalada Muqdisho uga qayb galeen habka fogaan aragga.

Shirka wadatashiga ayaa Puntland iyo xildhibaannada Federaalka waxay ka soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka dastuurka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

"Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012, wax kasta oo laga bedelo oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xigasho:-radiorisaal.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip