HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 11 FEB-2026

0
Wednesday February 11, 2026 - 08:45:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 11 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaare Xamza lama aqbali karo in dadka soomaaliyeed cabasho ka muujiyaan adeega dowlada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, si uu qiimeeyn ugu sameeyo heerka adeeg yada kala duwan ee loo fidinayo bulsha da Soomaaliyeed iyo sida ay u shaqe ynayaan hay’adaha ka hawlgala garoon ka.

Ra’iisul Wasaaraha, oo u kuurgalaya habsami u socodka adeegyada muhiim ka ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka soc daalka, amniga, iyo howlaha kale ee la xiriira dhoofinta iyo soo-dhaweynta rakaabka, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tayada adeegyadaasi, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka garoomada diyaaradaha.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhageystay cabashooyinka iyo tallooyin ay la-wadaa geen qaar ka mid ah shacabka safafka ugu jiray helidda adeegga garoonka, isa ga oo faray maamulka iyo howlwadeen nada garoonka in ay muujiyaan masuuli yad dheeri ah, isla markaana mudnaan ta siiyaan fududeynta adeegyada loo ha yo dadka rakaabka ah, gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha adag ee u baahan tixgelin iyo daryeel gaar ah.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku boorriyey dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka in ay labanlaa baan dadaalkooda ku aaddan u adeegid da bulshada, ilaalinta sumcadda garoon ka, waxa uu xusay in Garoonka Aadan Cabdulle, uu yahay albaabka koowaad ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid ka tarjumaya horumarka iyo haybadda Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dhagaysanaya tallooyinka bulshada ee ku aaddan adeegyada ay bixiyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, ayaa ballan-qaaday in aan la aqbali karin in dadka Soomaaliyeed ay caba sho ka muujiyaan xarumo dowladeed haddii ay dhacdana ay Xukuumaddu tal laabo ka qaadi doonto ciddii ku lug-yeelata,isaga oo xusay in kormeerradii uu hore u sameeyay kadib la xalliyey cabashooyin badan oo ka jiray garoonka.

Maxaa kasoo baxay kulankii shalay ee BF Soomaaliya?

Xildhibaannada labada Gole ee Baarla maanka Federaalka Soomaaliya oo sha-lay kulankoodii caadiga ahaa ku yee shay magaalada Muqdisho ayaa sii wa day doodooda ku aadan wax ka beddal ka Dastuurka kumeel gaarka ah, xilli ay weli ka taagan tahay xiisad culus.

Kulankan oo uu guddoomiyay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax ka beddalka qodobada 61aad ilaa 69aad ee cutubka 5aad, kawaas oo mudnaanta ugu wayn siinaya Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaan Awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dooda cutubka shanaad ee Dastuurka ay sii socon doonto, isla markaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga.

Labada Gole ee Baarlamaanka aya dorraad soo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana sii kala fogeyneysaa dhinacyada isku hayo arrimaha doorashooyinka.

Waxaa kale oo arrintan ay kusoo aadey saa, iyada oo haatan la filayo in madax da dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha Jubba land iyo Puntland ay ka shiraan xaalad da taagan, si heshiis looga gaaro is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xilli ay socdaan diyaar-garow ballaaran oo la xiriira shir siyaasadeed oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay mas’ uuliyiin hore, xildhibaano ka tirsan Baarl amaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka safarka Saciid Cabdullaahi Deni ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb galka shir weyn oo lagu wada balansan yahay inuu ka dhaco caasimadda, kaas oo ay isugu imanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, madaxda dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mucaaradka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka jira, hannaanka dowlad-dhiska, Dastuurka, doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, iyadoo la filayo in dood adag iyo is-afgarad siyaasadeed ay ka soo baxaan.

Imaatinka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanaya kadib markii daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo isna ka mid noqon doona hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya shirkaasi.

 

Wasiir Fiqi oo socdaal ku jooga Sucuudiga oo booqday Xarunta la dagaalanka xagjirka ee OIC

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa shalay booqday xarunta Isbahay siga Wadamada Islaamka ee La-dagaal lanka Argagixisada (IMCTC), halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada, iyo xoojinta wadashaqeyn ta labada dhinac.

Booqashada waxaa Wasiirka ku wehli yay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdir axmaan Xasan, Wakiilka IMCTC u fadhi ya Soomaaliya, Sareeye Guuto Cabdira -xmaan Turyare, iyo masuuliin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo la-dagaallanka kooxaha burcad-badeedda iyo argagixisada.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Ciidanka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka XDS iyo ka go’naashahooda ku aaddan ciribtirka argagixisada.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo gaaray heshiis iskaashi oo dhinaca garsoorka ah

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.

Heshiiskan Is-afgarad ah ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, wuxuuna diiradda saarayaa is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada ku saabsan dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka.

Heshiiskaan ayaa xoogga saaraya horumarinta sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor u qaadista madaxbannaanida garsoorka, ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, kana jawaaba baahiyaha muwaadiniinta

Axmed Madoobe oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed islaam ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,isagoo ay garoonka ku soo dhaweeyeen masuu liyiin ay ka mdi yihiin xildhibaano.

Imaanshaha Madaxweynaha Jubba land ee caasimda dalka ayaa la xiriirta sidii uu uga qeybgali lahaa kulan ay yeelanayaan madaxda madasha samata bixinta Soomaaliya iyo madaxwaynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka hor inta uusan Muqdisho soo gaarin ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo la sheegay in ay ilaaladiisa ka mid yihiin.

NIS oo faahfaahin ka bixisay howgal lagu dilay dhagar qabe Horjooge ahaa oo ka dhacay Jubbada Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal si guul leh u dhacay, oo ay 8-dii bishan ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Abuu Usaama.

Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhagar-qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta baadda iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu howlanaa uruurinta dhaqaale sharci-darro ah oo laga qaadayay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, Horjooga ha dabagalka baadda shacabka, xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan golaha shuurada, Horjoogaha qeybta marin-habaabinta, sidoo kale, intii uu cadowgu haystay magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha magaalada Kismaayo.

Xogta heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo qorshaha ka dambeeya

Dawladaha Soomaaliya iyo Boqortoo yada Sucuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigaya iskaashi ballaaran oo dhanka milatariga ah, iyadoo tallaabadan ay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay gobolka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Heshiiskan ayaa ka dhacay dacalada bandhigga weyn ee qalabka difaaca adduunka (World Defense Show) ee ka socda magaalada Riyadh. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka diblamaasiyadeed iyo midka difaac ee ay la leedahay xulafada gobolka, gaar ahaan xilli ay wajahayso caqabado ku aadan madax-bannaanideeda dhuleed.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in heshiiskan ay qalinka ku duugeen Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa dalka Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman.

Sida ku cad nuxurka is-afgaradka, labada dal waxay iska kaashan doonaan dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tababbarka ciidamada, siinta taageero farsamo, iyo horumarinta qalabka difaaca.

Ujeeddada ugu weyn ee ay Muqdisho ka leedahay iskaashigan ayaa ah in sare loo qaado awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan ilaalinta hawada iyo difaaca midnimada dhuleed ee qaranka.

Xaaladda gobolka iyo saameynta siyaasadeed

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhexaysa dowladda Federaalka iyo maamulka gooni u goosadka ah e Somaliland, taas oo salka ku haysa dhaq-dhaqaaqyo gobolka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka ay dowladda Israa’iil ku aqoonsanayso gobollada waqooyi, isagoo ku tilmaamay faragelin qaawan oo liddi ku ah xasiloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah.

Sidaas darteed, saxiixa heshiiskan uu Sacuudigu qaybta ka yahay ayaa loo arkaa farriin cad oo ku aadan in Riyadh ay taageersan tahay xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya iyo wadajirka dalka.

Saraakiisha sar-sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in dardargelinta xiriirka difaac ee lala leeyahay dalalka gobolka ay qayb ka tahay isbeddel ku yimid istiraatiijiyadda amniga ee dalka. Soomaaliya ayaa dhowaan soo afjartay qaar ka mid ah heshiisyadii dhanka amniga ee ay la lahayd dalka Imaaraadka Carabta, halka ay dhinaca kale sii xoojisay xiriirka milatari ee ay la leedahay dalka Qatar.

Tallaabada cusub ee ay Riyadh ku soo gashay fagaaraha difaaca Soomaaliya ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee ay Boqortooyada Sacuudigu ka ciyaarayso amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika, taas oo dowladda Soomaaliya siinaysa garab istaag weyn oo dhanka caalamka ah.

In kasta oo heshiiska la saxiixay uusan ahayn kii ugu dambeeyay ee, haddana saraakiisha labada dhinac waxay ku tilmaameen inuu yahay gogol-xaar loo samaynayo xiriir milatari oo ka qoto dheer kii hore.

Waxaa la filayaa in labada wasaaradood ee gaashaandhiga ay dhowaan kala saxiixdaan qorshe-hoosaadyo faahfaahinaya sida loogu kala faa’iidaysanayo taageerada milatari iyo tababbarka. Isbeddelkan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii ay u hanan lahayd amniga guud ee dalka iyo ilaalinta kheyraadka ku jira baddeeda.

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Muqdisho

Waxaa shalayeyd garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky.

Diyaaradan ayaa kamid ah kuwa goboll ada dalka u duulla, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in markii ay ka kacday garoonka Muqdisho ay markiiba ku dhacday badda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilku uu ahaa mid farsamo, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Diyaaradda ayaa ku sii jeedday magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo ayaa waxaa saarnaa 50 rakaab ah iyo shaqaale diyaaradeed.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in aysan jirin cid wax ku noqotay shilka, iyadoo dhammaan rakaabkii saarnaa ay ka badbaadeen.

Mas’uuliyiinta shirkadda Star Sky ayaa xaqiijiyay in rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay nabad qabaan, isla markaana aanay jirin wax dhaawac ah oo la soo wariyay.

Maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga ayaa haatan bilaanay baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee dhacdada.

Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray Addis Ababa si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaas higa Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Dimuq raadiga Federaalka Itoobiya, si uu uga qayb-galo Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, kaas oo lagu wado in uu si rasmi ah uga furmi doono berri Xarunta Midowga Afrika.

Inta uu shirku socdo, Wasiirku waxa uu kulamo laba-geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan nabadda iyo amniga, iskaashiga gobolka, iyo horumarka waara.

Shir-Madaxeedka sannadkan waxa uu ku qabsoomayaa halku-dhigga ah, Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Amman ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, iyadoo la muujinayo muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.

 

Xogta heshiis cusub oo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaa rsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU), kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya in labada hay’adood ay iska kaashadaan dhinacyada ay wada daneynayaan ee la xiriira horumarinta iyo nidaaminta isgaarsiinta casriga ah.

Waxyaabaha heshiiska ku jira waxaa ka mid ah nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, iyo hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband).

Sidoo kale heshiisku wuxuu taabanayaa amniga iyo adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qodobo kale oo nidaamineed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska is-afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee hay’adda BTK ee Ankara ku saxiixay Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyo Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha BTK ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Ömer Abdullah Karagözoğlu oo ka hadlay heshiiska ayaa sheegay in iskaashigan uu kor u qaadayo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaaminta, si loo horumariyo qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal.

Dhankiisa, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay muhiimadda heshiiskan, isagoo tilmaamay in uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, isla markaana taageeraya dhisidda awoodda shaqaalaha iyo horumarinta qaab-dhismeed nidaamin oo wax ku ool ah.

Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdigiisa waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale, iyagoo ka qeyb galay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.

Al-Shabaab oo xaqiijisay in laga dilay hoggaamiye sarre

Ururka Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Isniinta xaqiijiyay geerida mid ka mid ah saraakiishooda ugu sarraysa, kaas oo ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dhigan dharbaaxadii saddexaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah ku dhacda hoggaanka sare ee kooxda dhibaatada iyo xasuuqa ku haysa shacabka Soomaaliya.

Bayan kasoo baxay garabka warbaahineed ee kooxda ayaa lagu sheegay in mas’uulka la khaarijiyay uu yahay Sheekh Maxamed Abuu Osaama, oo ahaa madaxii "Guddiga Gurmadka Abaaraha” ee kooxda. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Osaama lagu beegsaday agagaarka degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe, oo ah fariisinka ugu weyn ee ay kooxdu ku leedahay koonfurta Soomaaliya.

Inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uusan weli soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan, haddana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa Isniintii shaacisay hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen agagaarka degmada Saakow iyagoo kaashanaya "saaxiibbada caalamiga ah.”

NISA ayaa xustay in hawlgalkaas lagu dilay "hoggaamiye sare” oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo markii hore aysan magaciisa carabaabin. Duqeyntan ayaa qayb ka ah qorshaha "dagaalka buuxa” ee ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu wiiqo maamulka iyo ilaha dhaqaale ee kooxda.

Dhabar-jabka maaliyadeed ee kooxda

Geerida Abuu Osaama ayaa kusoo aadeysa xilli kooxdu ay weyday labo ka mid ah tiirarka u qaabilsan dhaqaalaha. Sida ay sheegtay NISA, ciidanka gaarka ah ee "Gaashaan” ayaa bishan 27-keedii hawlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Axmed Dhubad Xidig (oo loo yaqaan Sheekh Aadan Dhere).

Xidig ayaa ahaa madaxii maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa gobolka Banaadir, kaas oo ah isha ugu weyn ee ay kooxdu ka hesho lacagaha baadda ah ee laga qaado ganacsatada Muqdisho.

"Hay’adda Sirdoonka Qaranku waxay ku guuleysatay inay shacabka Soomaaliyeed ka dulqaaddo dhibaatadii uu ku hayay hoggaamiye Axmed Dhubad Xidig,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Afar maalmood uun ka hor dilka Xidig, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay Cabdullaahi Xasan Cabdi Osoble, oo ahaa madaxii guud ee maaliyadda Al-Shabaab, ka dib hawlgal dhacay 23-kii bishii Janaayo.

Khubarada dhanka amniga ayaa rumeysan in luminta saddexdan sarkaal—oo u kala qaabilsanaa dhanka gargaarka, baadda gobolka Banaadir iyo maaliyadda guud—ay tahay guuldarro weyn oo dhanka hawlgallada ah oo soo wajahday Al-Shabaab.

Xigasho:-caasimadda,net

Itoobiya oo ciidamo u dirtay Gobolka Tigray.

Dowladda federaalka ayaa ciidamo u diraysa Gobolka Tigray, sida ay sheegtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay, xisbigu wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay samaynayso "diyaar-garroow ciidan oo cusub” oo ka dhan ah Tigray, iyagoo xiganaya iska-horimaadyo dhowaan dhacay.

"Dowladda Itoobiya hadda waxay waddaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo hub iyo ciidamo ah, taas oo Tigray ku riixaysa inuu galo wareeg kale oo dagaal dhiig leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

"TPLF iyo shacabka Tigray waxay doonayaan in Heshiiska Pretoria la hirgeliyo,” ayuu war-saxaafadeedku intaas raaciyey.

TPLF waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago dagaal labaad.

Si kastaba ha ahaatee, TPLF ma aysan caddeyn halka lagu arkay dhaqdhaqaaqaas.

Deni iyo Axmed Madoobe oo gaaray go’aan ay uga hortagayaan qorshaha M/W Xasan

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa isla qaatay inay Muqdi sho tagaan ka hor meel-marinta qorsha ha wax ka beddelka dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Madaxda labada maamul ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee Talaadada berri ah yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka uu u furmo ka hor Khamiista oo markii hore la qorsheynayay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxda labada maamul ayaa soo hormaraya waqtigii hore loo qorsheeyay, kadib markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in Arbacada la ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, uuna isla maalintaas saxiixo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qorsheynayay in Khamiista uu dastuurka la tago shirka, hase yeeshee waxaa muuqata in shirkaasi uu furmi doono ka hor Khamiista, maadaama madaxda maamul-goboleedyadu waqti hore soo gaarayaan Muqdisho.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku howlan dhammaystirka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo kulamadii labada Aqal ee baarlamaanka, oo horey buuq badan uga dhashay, laga joojiyay xildhibaannada mucaaradka, kuwaas oo diidan sida uu guddoonku wax u wado.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Eritrea oo si kulul u beenisay warkii Itoobiya ee xuduudda xilli ay dagaal ku sii siqayaan

Dowladda Eritrea ayaa si adag u naqdisay eedeymo uga yimid dalka Itoobiya, kuwaas oo ku aaddanaa in ciidammada Eritrea ay qabsadeen dhul ka tirsan Itoobiya isla markaana ay taageero siiyaan kooxo hubeysan, xilli ay ka sii dareyso xiisadda labada dal.

War-saxaafadeed kulul oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea ayaa lagu tilmaamay sheegashada Addis Ababa mid "been-abuur ah,” iyadoo looga digay wax ay ugu yeertay "olole colaadeed oo is-daba-joog ah” oo loogu talagalay in labada deris dib loogu celiyo loolan iyo dagaal dhiig ku daato.

"Dowladda Eritrea marna dan kama laha, rabitaanna uma qabto inay gasho muran aan micno lahayn oo sii hurinaya xiisadda taagan, xaaladdana sii murjinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Asmara.

Beenintan diblomaasiyadeed ayaa soo shaac baxday laba cisho ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu warqad cabasho ah u diray dhiggiisa Eritrea, Osman Saleh. Warqaddan ayaa Itoobiya waxay ku eedeysay ciidanka Eritrea "gardarro qaawan.”

Gedion ayaa sheegay in ciidanka Eritrea ay muddo dheer ku sugnaayeen deegaanno xuduudka ku yaalla, isla markaana ay "dhoolatus milateri oo wadajir ah” la sameeyeen kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama waqooyiga-galbeed ee dalka Itoobiya. Waxa uu dalbaday in ciidammadaas si degdeg ah looga saaro dhulka Itoobiya.

Xiriirka labadan dal ayaa mar kasta ahaa mid isbeddel badan, isagoo ka soo wareegay dagaal ba’an ilaa naban kedis ah, haddana dib ugu soo noqday colaad. Ka dib dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee u dhaxeeyay 1998 ilaa 2000—kaas oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof—waxaa xigay muddo labaatan sano ah oo "nabad iyo dagaal midna ahayn.”

Sanadkii 2018, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu aqbalay go’aankii caalamiga ah ee xuduudda, waxaa dhashay rajo nabaddeed oo uu xitaa ku mutaystay abaalmarinta Nobel-ka Nabadda. Labada dal waxay xulufo dhow ahaayeen intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray (2020–2022), halkaas oo ciidanka Eritrea ay garab siiyeen ciidanka federaalka Itoobiya.

Hase yeeshee, xiriirka ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay heshiiskii Pretoria ee bishii November 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii Tigray. Eritrea ayaan qeyb ka ahayn heshiiskaas, waxayna si shaki leh u arkeysay isu-soo-dhowaanshaha Abiy Ahmed iyo hoggaanka Tigrayga.

Loolanka Badda Cas

Xiisadda ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sannadkii hore markii Abiy Ahmed uu sheegay in Itoobiya ay xaq dabiici ah u leetahay inay marin u hesho Badda Cas, hadalkaas oo Asmara ay u aragtay hanjabaad ka dhan ah madax-bannaanida dekadda Casab.

Itoobiya ayaa weysay marin ay badda u marto markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay sannadkii 1993-kii.

Xaaladda ka jirta aagga xuduudda ayaa weli ah mid halis ah. Bishii hore, booliska Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen kumanaan rasaas ah oo ay sheegeen inay Eritrea u soo dirtay kooxaha kacdoonka wada, eedeyntaas oo Asmara ay ku tilshalayy "qiil loo raadinayo dagaal la maleegayo.”

Waxa kale oo saameyn weyn reebay hadalkii Abiy Ahmed ee toddobaadkii hore, markii uu markii ugu horreysay qirtay in ciidanka Eritrea ay xasuuq ka geysteen magaalada taariikhiga ah ee Aksum intii uu socday dagaalkii Tigray—waa eedeymo ay horay dowladdiisu u dafiri jirtay.

Khubarada gobolka ayaa ka digaya in haddii labadan quwadood ee milateri ay markale isku dhacaan, ay taasi horseedi karto xasillooni darro baahsan oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, oo haddaba la tacaalaya colaadaha ka taagan dalalka deriska ah ee Suudaan iyo Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip