HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 10 FEB-2026

0
Tuesday February 10, 2026 - 08:43:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 10 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ah aan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Mar xuum Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo sha qeeyey qaranka, gaar ahaanna uu ka tir sanaa Wasaaradda Caafimaadka oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidoo kale burburkii iyo dagaalkii sokeeye mar kii uu dhacay waxa uu Marxuumku si ha gar la’aan ah uga qayb qaatay howlihii gurmadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Alle uga baryey Marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelkiisa, qaraa badiisa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa booqday Xarunta Dhe xe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera ee magaalada Dooxa.

Wasiirka waxaa xarunta ku soo dhoweysay isla markaana wadahadal iskaashi labada dhinac ah kula yeeshay Agaasimaha Machadka Eman Al Amri.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhinaca difaaca ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumad da Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaa shi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqor tooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaa shiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal, waxaana uu diiradda saaraya arrimo kala duwan oo ay wada daneynayaan Soomaaliya iyo Sucuudiga, gaar ahaan amniga, tababarrada ciidamada iyo is-dhaafsiga khibradaha ciidan.

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxay ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkaynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya. Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed iyo mas’uuliyadda wadajirka ah.

Xasan Sheekh oo sheegay in wafdi ka socda Mareykanka ay imaan doonaan Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan magaalada Muqdisho ay iman doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa arrintan ku shee gay wareysi uu siiyay telefishinka Al Ja zeera, isagoo xusay in booqashada wafdigaasi ay tahay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

"Waxaan dhowaan filaynaa wafdi kale oo heer sare ah oo ka imanaya Maray kanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujee dada rasmiga ah ee safarka wafdigaasi.

Imaanshaha wafdigan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo du ruufo siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, gaar ahaan doodda ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Soomaali ya, waxayna door weyn ku leedahay taageerada amniga, tababarka ciidama da, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hannaanka dowlad-dhiska.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in wafdiga Maraykanka ay la kulmi doo naan madaxda ugu sareysa ee dowlad da Federaalka, iyaga oo ka wadahadli doona arrimo ay kamid yihiin amniga, xasilloonida siyaasadeed, iskaashiga milatari iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee wafdigaasi ay imaan doonaan magaa lada Muqdisho.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaan si cad uga codsanay Imaaraadka in ay joojiyaan la macaamilka maamullo iyo gobollo gooni goosad ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay sababtii uu u xumaaday xiriirka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in khilaafka jira uu salka ku hayo mowqifka UAE ee ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo wareysi siinayay Aljazeera ayaa caddeeyay in Imaaraadka Carabta ay muddo taageero siinayeen Soomaaliya, balse taageeradaas aysan miro dhal noqon karin haddii ay la socoto in dalka loo wajaho si kala-qaybsan, loona macaamilo maamullo iyo gobollo gooni-gooni ah halkii laga la macaamili lahaa Dowladda Federaalka oo ah hay’adda kaliya ee sharciyadda leh.

"Waxaan si cad uga codsanay Imaaraadka in ay Soomaaliya ula macaamilaan hal dowlad iyo hal qaran. Taasi waxay nagu ahayd arrin aan gorgortan ka galayn,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu fashilmay wada-hadalkii arrintaas ku saabsanaa, ay dowladda Soomaaliya go’aan ku gaartay in la joojiyo dhammaan iskaashiyadii am ni, difaac iyo dhaqaale ee ay la lahayd UAE, isla markaana laga codsaday dha mmaan hay’adihii iyo shaqaalihii ku shaqeynayay heshiisyadaas inay dalka ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu wuxuu xusay in xiriirka diblomaasiya deed uusan go’in, iyadoo safaaradaha la bada dal ay weli shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in Soomaaliya ay doorbi dayso xallin ku dhisan ixtiraam qaranimo iyo wada-hadal siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbali doonin taageero kasta oo horseedaysa kala-qaybin cusub, isagoo xusay in dalka uu mar hore dhib badan ka soo maray burbur iyo kala-daadsanaan, islamarkaana aan la oggolaan doonin in dib loogu laabto waddooyinkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiis kiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaamina yo Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaa laha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarm -alka, Mudane Niels Annen, oo ay wehel iyaan Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebast -ian Groth.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogaga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, dardargelinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa, Mudane Niels Annen ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran, isaga oo adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kaas oo sii xoogeysanaya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door firfircoon ka qaadan doonto dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka, gaar ahaan marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay Soomaaliya xubin aan joogto ahayn ka tahay.

Cirro oo ka hadlay waxa ay ku badesheen aqoonsiga Israa’iil.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in ay tahay tani mid aan laga wada hadlin, isa ga oo sheegay in Somaliland taageersa ntahay qorshaha nabadda ee trump ee Qasa.

"lama soo hadal qaadin, lama soo jee din, lagamana hadlin, waxna kama jiro”, ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qorsha ha nabadda Qasa ee Trump horkacayo.

"Dawladda Somaliland waxay taageer san tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qaza ee dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Madax weyne Cabdiraxmaan Cirro.

"Waxaan xaqiijinaynaa aaminaaddeen na ah in ay wada noolaan karaan quruu muhu iyo in nabadda ay tahay waddada keliya ee waarta ee xasilloonida iyo wa da noolaanshaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Cirro

Somaliland horey ayay u beenisay in heshiska salka ku hayo arrin deeg aameyn la xiriirta.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmibaarista.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in la sameeyo hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya qodobadan soo socda:

Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha

Taageeridda tababarrada iyo barnaam ijyada cilmibaarista ee muddada gaaban

Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaars iyo iyo siminaarro wadajir ah

Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD)

Fududeynta helitaanka deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadoo yinka

Labada dal ayaa sidoo kale ku heshii yay ilaalinta xuquuqda hantida aqoo need (Intellectual Property) ee ka dhal ata cilmibaarista wadajirka ah, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiis yada caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya, Muda ne Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmibaarista dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu abuuri doono fursado ballaaran oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka guud ee gobolka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya.

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeed ka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Gr een Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs Assess ment – RNA) iyo Istaraatiijiyadda Ka-qaybgalka Qaybta Gaarka ah (Private Sector Engagement Strategy – PSES) ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Tababarkaan ayaa waxa furay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ( NFC) Mudane Liibaan Cabsiiye.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda hay’adaha qaranka ee la xiriirta barnaamijyada GCF, isla markaana lagu ansixinayo laba dukumeenti istaraatiiji ah oo muhiim u ah diyaar-garowga Soomaaliya ee helitaanka maalgelinta cimilada, horumarinta mashaariic waara, iyo kobcinta ka-qaybgalka qaybta gaarka ah.

Tababarka oo socon doona 9 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Qaranka ee Wakiilka Cimilada (NDA) Soomaaliya, iyadoo qayb ka ah Barnaamijka Diyaargarowga GCF ee Dalal Badan (AU–AIP Multicountry Readiness Programme), isla markaana kaashana ysa Global Water Partnership Southern Africa (GWPSA).

Ka-qaybgalayaasha tababarka waxaa ka mid ah wakiillo ka socda Hey’adaha dowladda, Hey’adaha maaliyadda, qaybta gaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha horumarineed, iyadoo tababarkan ay bixinayaan khubaro qaran iyo kuwo caalami ah.

Soomaaliya oo diyaarado casri ah kasoo iibsanaysa Pakistan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aa wadahadal kula jirta Dowladda Pakis tan, taasoo ujeedadeedu tahay inay soo iibsato 24 diyaaradood oo JF-17 Thun der Block III ah, si loo horumariyo ciidan ka cirka ee muddo xaalad burbur ah ku jiray.

Wafdiyo heer sare ah oo ka socda Dow ladda, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Islamabad si ay uga wada hadlaan heshiiskan.

Sida uu daabacay Wargeyska Times of Islamabad, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qorshahani uusan ahayn kaliya iibsi diyaaradeed, balse uu yahay iskaashi istiraatiijiyad ballaaran.

Wargeyska ayaa hadalkiisa intaa raaciyay, in nooca diyaaradaan ay tahay jiilka 4.5-aad (4.5 generation) ee ay wada soo saareen Pakistan iyo Shiinaha, sidoo kalana ku qalabaysan radar casri ah oo AESA ah oo awood u leh ogaanshaha cadowga masaafo dheer.

Diyaaradahaan ayaa sidoo kale awood u leh in ay isticmaasho gantaallo riddada dheer iyo qalab kor u qaada wacyiga duuliyaha waxaana ay awood u leedahay hawlgallo dagaal cirka ah, weerar dhulka ah, iyo taageero elektar oonik ah.

Diyaaradahan ayaa Soomaaliya u fud udeynaya ilaalinta xuduudaheeda hawa da iyo berrigaba, iyadoo bixisa awood milatari oo casri ah isla markaana qiimo ahaan ka jaban diyaaradaha reer Galbeedka, Qiimaha halka diyaarad waxaa lagu qiyaasaa 25 ilaa $30 milyan oo doolar.

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Gene va kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafi maadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, taageerada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadista tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqayn dhow oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladaha adag iyo goobaha nugul.

Wasiirka amniga oo la kulmay madax ka tirsan boqortooyada Sucuudiga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdu llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guda ha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Sacuudiga ee dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Dhankiisa, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida.

Israa’iil oo war ka soo saartay wadahadalada Iran iyo Mareykanka.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil, ayaa sheegay in heshiis macquul ah oo dhex mara Washington iyo Tehran aanu wax micna ah soo kordhineyn.

"Ma jiro wax macno leh oo laga samayn karo heshiis lala galo maamulka hadda jira. Isbeddelka xukunka ee Texraan wuxuu dan u yahay dhammaan waddamada Islaamka ee ku xeeran Iran,” ayuu Eli Cohen Axadii ku yiri wakaaladda wararka ee Israa’iil, Ynet.

Mr. Cohen wuxuu ku nuuxnuuxsaday: "Xataa haddii heshiis la gaaro, haddii ay soo baxdo khatar ka dhan ah Israa’iil oo aanu ku qasbannahay inaan tallaabo qaadno, waanu qaadi doonnaa tallaabo.”

Wakiillo ka socda Iran iyo Maraykanka ayaa wadahadallo aan toos ahayn ku yeeshay Muscat Jimcihii, waxaana marti galiyay Cumaan.

Waqtiga iyo goobta shirka xiga weli lama shaacin.

Golaha wasiirrada amniga ee Israa’iil, oo Eli Cohen xubin ka yahay, ayaa la filayaa inay shalay kulmaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacada u safri doona Washington, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kuwaas oo ku saabsan wadaxaajoodyada Iran

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay doodda Cutubka 4-aad

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarla maanka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomina yay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ugu horreyn, Xildhibaanada labada Aqal ayaa sii amba qaaday ka doodista Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay qodobadan, ugu dambeyntiina si rasmi ah u soo gabagabeeyay doodda Cutubka 4-aad.

Dhanka kale, mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay ka doodista qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, taas oo qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda Cutubka 5-aad ay sii socon doonto, islamarkaana lagu wadi doono kulamada xiga ee Baarlamaanka.

Xildhibaannadii laga ganaaxay soo xaadirista fadhiyada wadajir ee Baarlamaanka ayaan xaadirin fadhiga shalay kuwaasi oo magaalada Muqdisho xalay uga dhawaaqay inay la baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda in wax laga badelo Dastuurka KMG ah iyagoo Guddoonka Baarlamaanka uga digay sii socoshada qorshayaasha isbadalka loogu sameenayo qodobada ku yaala Dastuurka oo ay sheegeen inay yihiin kuwa u baahan in heshiis iyo aragti wadajir ah go'aan isbadal looga gaari karo.


Madaxweyne Xasan Sheekh: Hadallada Trump waxba kama beddeli karaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay hadallada nacaybka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka sheego Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in hadalladaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Waxa uu sheegay in inkasta oo hadallada Trump ay ahaayeen kuwo aan dhiirri-gelin ahayn, haddana xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu weli yahay mid adag oo ku saleysan iskaashi rasmi ah, wada-hadal joogto ah iyo dan wadaag.

"Mareykanku waa dal weyn oo saaxiib nala ah. Waxaa jira wada-hadal socda, heshiisyo amni, dhaqaale iyo dadaallo la xiriira maalgashi Mareykan ah oo Soomaaliya ka socda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mareykanku door muuqda ka qaato taageerada dagaalka lagula jiro argagixisada, dhisma ha hay’adaha ammaanka, horumarinta dowlad-dhiska iyo ma shaariicda horumarineed ee dalka.

Wuxuu xusay in aysan jirin wax khatar ah oo Soomaaliya ka haysato Mareykanka, balse ay jiraan iskaashi iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeeya labada dal.

Isagoo ka hadlayay arrimaha Somaliland iyo doorka Israa’iil, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Mareykanku u ballanqaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inuusan aqoonsan doonin Somaliland, isla markaana uusan taageerey nin tallaabooyinka ay Israa’iil ka waddo halkaas. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uusan la safnayn ficillada Israa’iil, isla markaana arrintaasi ay tahay tallaabo hal-dhinac ah oo Israa’iil ay qaaday.

"Mareykanku wuxuu nala xaqiijiyay in uusan aqoonsanayn Somaliland, sidoo kalena uusan taageeraynin wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirtay Mareykanka, isla markaana wada-hadalladaasi ay weli socdaan, iyadoo la ilaalinayo sida uu sheegay madaxweynuhu xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amni, dhaqaale iyo horumarineed.


Soomaaliya iyo Urur-Goboleedka IGAD oo bogaadiyay Suudaan oo dib uga mid noqotay IGAD


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dha weysay go’aanka Jamhuuriyadda Suudaan ay dib ugu bilow day xubinimadeeda Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyada oo ku tilshalayy tallaabo xoojinaysa wada-shaqaynta goboleed iyo dadaallada nabadeynta ee Geeska Afrika.

War-saxaafadeed ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in dib ugu soo laabashada Suudaan ee IGAD ay tahay arrin muujinaysa adkaynta iskaashiga heer gobol, isla markaana muhiim u ah xasilinta amniga, horumarinta nabadda, iyo kobcinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada diblom -aasiyadeed ee ay hoggaaminaysay Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan kaalinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya, kuwaas oo door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Suudaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in arrintani ka tarjumayso isku-duubni goboleed iyo mas’uuliyad wadajir ah.

"Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkaynta iska ashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami" ayay tidhi Dowlada Soomaaliya.

Dhankiisa, Urur-Goboleedka IGAD ayaa isna si rasmi ah u soo dhaweeyay dib ugu soo laabashada Jamhuuriyadda Suu daan ee ururka, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaas mid xoojin aysa midnimada IGAD iyo awoodda ururka ee wax ka qaba shada arrimaha mudnaanta u leh wadajirka gobolka.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in soo noqoshada Suudaan ay dib u xaqiijinayso isku-duubnida gobolka iyo ballanqaadka wadajirka ah ee nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga.

IGAD ayaa sidoo kale muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan la-shaqaynta Dowladda Suudaan si loo taageero xal nabadeed oo waara, loona xaqiijiyo mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh oo u dan ah shacabka Suudaan iyo guud ahaan gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip