
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 9 FEB-2026
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay kulan mira-dhal ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaa lada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah kula qaatay dhiggiisa, Mudane Cabdulfataax Alsiisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbe ed ee Masar.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaddib, waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
"Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxayna halis u yihiin inay sii hurriyaan xiisadaha, iyagoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar soodhoweynta diirran iyo doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in taageeradaas ay tahay mid ay si weyn u qaddariyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuu riyadda Masar, Mudane Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhawee yay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuur iyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr. Nabiil Maxamed Axmed.
Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta taya da waxbarashada, xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, iyo dardargelinta hirgeli nta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee waxbarashada dalka.
Soo dhaweynta Wasiirka ayaa muujina ysa xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo wadashaqeyn dhow oo ka dhexeeya Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta aqoonta.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay gaaray magaalada Gal dogob ee gobolka Mudug, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan munaasabadda Caleemo-saarka (Caano-shubka) Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed.
Wafdiga Guddoomiye ku xigeenka, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galdogob.
Kaddib soo dhaweynta, wafdigu waxa ay ka qeyb galeen munaasabadda Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, oo haatan si rasmi ah uga socota magaalada Galdogob.
Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray Arrimaha Bini-aadanimo
Madaxweynaha Maamulka Hirshabee lle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shalay shir-gud doomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada abaarta dal ka.
Ugu horeyn Wasaaradda Amniga Hirsh -abeelle ayaa Golaha la wadaagtay howlgaladii ugu dambeeyay ee Khawaar ijta oo ka socda nawaaxiga degmada Xawaadleey iyo weerarkii lagu khaari jiyey xubno argagixisada ah oo ka dha cay deegaanka Goobo ee hoostaga deg mada Maxaas.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigtay war bixin ku aadan xaaladda Bini’aada nimo ayaa sheegtay inay abaarta saameysay 1.5 Milyan oo dadka Hirshabeelle ah.
Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Biyaha, Xanaannada iyo Beeraha ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay sida magaalooyinka ay u buux-dhaafiyeen dadka kasoo barak acay abaarta, biyo-yari daran oo jirto, xoolihii oo martay, xaalado caafimaad oo ay abaarta sababtay iyo dalagyadii oo baaba’ay.
"Abaar daran ayaa dalka ku dhufatay, aan u soo jeesano gurmadka dadkee nna oo wajahayo daruuf nololeed oo aad u adag.” Madaxweynaha Maamulka Hir shabeelle ayaa haddalkan ka sheegay kulanka Golaha Wasiirrada.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray dhammaan Hay’addaha Dowladda in loo guntado badbaadada dadka Hir shabeelle ee sida weyn u saameysay abaarta ka dhacday dalka.
Sanataro ka tirsan Aqalka sare oo ka shiray dib-u-eegista Dastuurka
Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer loogu gorfeeyey arrimo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka iyo doorka masuuliyadeed ee Aqalka Sare ka saaran dhammay stirkiisa.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho howlaha dastuuri ga ah, iyadoo Sanatarradu adkeeyeen baahida loo qabo iskaashi, wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul, si loo helo Dastuur dhammaystiran oo saldhig u noqda dowlad dhis waara, midnimo qaran iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyntii, Sanatarrada ayaa isku raacay muhiimadda joogteynta kulamm ada noocan ah, ilaalinta danta guud ee Qaranka, iyo dardar-gelinta hannaanka dowlad-wanaagga, iyagoo carrabka ku adkeeyey in la dhowro xeer-hoosaadka Golaha iyo habsami u socodka howlaha sharci-dejinta.
Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta bedqabka Rayidka oo la ansixiyay
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad da Gaashaandhigga, Mudane Cabdifa taax Cabdulqaadir Faarax, ayaa shalay guddoomiyay kulan wadatashi oo looga doodayay laguna ansixiyay Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Badqabka Rayidka inta lagu jiro waqtiyada colaadaha huba ysan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoo jinta habraacyada lagu ilaalinayo rayidka, waafajinta siyaasadda qaran ee badqab ka shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyo hubinta in hawl-gallada amniga loo fuliyo si mas’uuliyad leh, isla-xisaabtan ku dhisan, isla mar kaana si buuxda loo ilaaliyo dadka aan hubaysnayn.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaa radda Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, bahwadaagta amniga, iyo daneeyayaasha bulshada, si loo helo siyaasad mideysan oo si wax-ku-ool ah loo hirgelin karo, una adeegta danaha amniga qaranka iyo badqabka muwaa diniinta.
Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka socda Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaa radda Caddaaladda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliska Soo maaliyeed, Hay’adda Maaraynta Musii booyinka, Hay’adda Qoxootiga Qaranka, iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Ilaalinta Rayidka iyo wakiilo kale.
Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ka dhacay Ciraaq.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’ adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka soc day 22 dal oo Carbeed.
Shirkan oo lagu qabtay magaalada Baq daad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaq aynta, iskaashiga iyo is-weydaarsiga xogta amniga ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka dalalka Carabta, si loo wajaho caqabadaha amni ee isa soo taraya.
Intii uu socday shirka, ayaa si gaar ah loo falanqeeyay muhiimadda ay leeda hay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha Carabta, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray dadaallada lagula dagaallamayo kooxah a argagixisada ah iyo shabakadaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.
Agaasimaha NISA, Mudane Mahad Salaad, ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda hay’ adaha sirdoonka dalalka ka qaybgalay shirka, kuwaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, taba barrada iyo wadaagga xogaha muhiimka ah.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo amniga guud ee dalalka Carabta, isla markaana lagu xoojinayo wada shaqaynta ka dhanka ah khataraha argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Jubbaland oo ka hortimid wax ka badelka lagu sameynayo Dastuurka.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag uga hortimid tallaabada Dowladda Fede raalka Soomaaliya ee ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, iyada oo ku tilshalayy mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimada.
Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraa cyadii sharciga ahaa ee lagu beddeli lah aa dastuurka, taasoo, sida ay tilshalayy, ka dhigan ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri:
"Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka.”
Sidoo kale, Jubaland ayaa si weyn u cambaareysay dhacdooyinkii ugu dam beeyay ee ka dhacay xarunta Baarl amaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaano ka soo horjeeday go’aamada uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis geliyay naftooda.
"Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muuji nayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxwey naha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn, Jubaland ayaa cadde ysay in deegaannadeeda iyo shacabk eeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan tahay kalsoonida labada gole ee baarlamaan ka iyo guud ahaan shacabka Soomaali yeed.
Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaas haandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaa lada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa shalay ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo ka furmay Riyaad.
Bandhigga waxaa sidoo kale ka qayb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Boosliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.
Bandhiggan, oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed, iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga.
Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqor tooyada Sacuudi Carabiya, waxa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal.
Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashi ga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.
Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa dib-u-dhis ballaaran ku samaysay Iskuulka Farsamada Gacanta ee Maxamuud Axmed Cali, kaas oo ku yaalla degmada Kaaraan.
Munaasabad lagu daah-furayay iskuul ka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka degmada Kaaraan, macallimiin, arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxb arashada, Marwo Nuuro Mustaf, oo mu naasabadda ka hadashay, ayaa sheeg tay in dib-u-dhiska iskuulkan uu yahay mid qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee lagu horumarinayo waxbarashada farsamada iyo xirfadaha gacanta (TVET), si dhalinyarada Soomaaliyeed loo siiyo xirfado ay noloshooda ku maareyn karaan.
Waxay si gaar ah ugu dardaarantay bulshada degmada Kaaraan, gaar ahaan waalidiinta iyo dhalinyarada, in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee uu bixinayo iskuulkan, iyadoo carrabka ku adkeysay in helidda jiil xirfadlayaal ah ay laf-dhabar u tahay horumarka dalka iyo yareynta shaqo la’aanta dhalinyarada.
Mareykanka oo wado qorsho lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Mareykanku doonayo in dagaalka kala dhexeeya Ruushka uu dhammaado bisha Juun, isagoo intaa ku daray in labada dhinacba lagu casuumay Mareykanka wadahadallo dhici doona toddobaadka soo socda.
"Mareykanku markii ugu horreysay ayuu soo jeediyay in labada kooxood ee wada xaajoodka Ukraine iyo Ruushka ay ku kulmaan Mareykanka, malaha magaalada Miami, toddobaad gudihiis. Annaguna waan xaqiijinay ka-qaybgalkeenna,” ayuu yiri.
Ma jirin wax faallo degdeg ah oo ka yimid Washington ama Moscow, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dadaalayay in la soo afjaro colaadda tan iyo markii uu mar kale xilka la wareegay in ka badan hal sano ka hor.
Dhanka kale, Ruushku wuxuu sii waday weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Ukraine, taasoo sababtay koronto go’ ballaaran oo kale xilli cimiladu aad u qabowdahay.
Hadallo la sii daayay Sabtidii, Zelensky ayaa wariyeyaasha u sheegay waxa ka dhacay wareeggii labaad ee wadahadallada nabadeed ee uu Mareykanku dhex-dhexaadinayay, kuwaas oo Jimcihii ku dhammaaday iyada oo aan wax horumar ah laga soo sheegin, kuna qabsoomay Abu Dhabi.
Zelensky wuxuu sheegay in "arrimihii adkaa ay weli ahaayeen kuwo adag”, oo ay ka mid yihiin tanaasulaad dhuleed oo Ukraine lagu cadaadinayo inay sameyso.
Wuxuu sheegay in dhinacyadu markii ugu horreysay ka wada hadleen suurtagalnimada kulan saddex geesood ah oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha dalalka, halkii ay ka ahaan lahaayeen wakiillo keliya, balse wuxuu ka digay in "arrimo diyaarin ah loo baahan yahay arrintaas.
Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa si rasmi ah u qirtay in dowladda Eritrea ay la wareegtay, welina ay gacanta ku hayso, dhul ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay in Eritrea aysan ku ekeyn qabsashada dhulkaasi, balse ay sidoo kale taageerto kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama gudaha Itoobiya, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda federaalka.
Gedion Timothewos wuxuu xusay in dhaqdhaqaaqyada ciidamada Eritrea ee ka socda gudaha dhulka Itoobiya, iyo xiriirka ay la leeyihiin kooxaha hubeysan, ay yihiin gardarro cad oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay weli u furan tahay wadahadallo dhammaystiran oo lala galo Eritrea, si xal waara loogu helo khilaafaadka taagan. Wuxuu sheegay in wadahadalladaasi ay ku jiri karaan arrimo muhiim ah, oo ay ka mid tahay helitaanka marin badeed iyo arrimaha amniga xuduudaha.
Hadalka kasoo yeeray Addis Ababa ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo walaaca laga qabo xiriirka labada dal, iyadoo beesha caalamkuna ay si dhow ula socoto xaaladda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea.
Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daa -hir Shire Maxamed, ayaa ka qeyb galay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika (African Mining Indaba) iyo Madasha Wa siirrada Macdanta, kuwaas oo ka dha cay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.
Shirkan caalamiga ah oo ay isugu yi maadeen hoggaamiyeyaasha, wasiirra da iyo khubarada waaxda macdanta Afri ka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maalgashiga, iskaashiga dowladaha Afri ka, iyo horumarinta kheyraadka macdan ta si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Feder aalka Soomaaliya uga go’an tahay dhisi dda waax macdan oo casri ah, hufan, is la markaana u diyaarsan maalgashi caa lami ah, iyadoo la ilaalinayo mas’uuliyad da, daahfurnaanta iyo danaha shacabka.
Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa intii uu socday Madasha Wasiirrada Macdan ta caddeeyey in Soomaaliya ay mud naan gaar ah siinayso horumarinta khey raadkeeda macdaneed si mas’uuliyad leh, loona abuuro fursado shaqo, loona xoojiyo hay’adaha dowliga ah, isla mar kaana loo xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan qeyb ka ahaa doodaha wasiirrada macdanta ee Madasha Wasiirrada intii uu socday Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika (Indaba), Waxaan dib u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda waax macdan casri ah, hufan, oo u di yaarsan maalgashi,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in hadafka Dowladda Federaalka Soomaali ya uu yahay horumarinta kheyraadka macdanta dalka si mas’uuliyad leh, taas oo abuureysa shaqooyin, xoojinaysa ha y’adaha dowladda, isla markaana hor seedaysa horumar dhaqaale oo waara.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaal lada lagu horumarinayo siyaasadaha, shuruucda iyo jawiga maalgashi ee waaxda macdanta, si Soomaaliya ay u noqoto meel soo jiidata maalgashi tayo leh oo caalami ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo Taageeray Wax-ka-beddelka Dastuurka
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaali ya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaar ke, ayaa si buuxda u taageeray wax-ka-beddellada lagu sameynayo Cutubka 4-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, xilli uu khilaaf siyaasadeed ka taagan yahay arrimaha dastuurka ee u dhexeeya dow ladda iyo mucaaradka.
Cumar Cabdirashiid iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa xalay shir ja raa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay wax-ka-beddellada Cutubka 4-aad, isa goo uga mahadceliyay guddiyada ku shaqada leh iyo Baarlamaanka dadaalka ay muujiyeen.
"Waxaan jeclaan lahayn in arrinta das tuurka horey loo hor geeyay Baarlamaan ka, balse Ilaahay mahaddiis shalay way suurtagashay, Waxaan u mahadcelinay naa dowladda oo fulisay wixii horay loo gu heshiiyay,” ayuu yiri Cumar Cabdi rashiid.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in heshiis kii hore ee lala galay Villa Soomaaliya uu qayb ka yahay geeddi-socodkan, isla markaana uu soo dhaweynayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelintiisa.
"Waxaan si buuxda u taageersanahay akhrinta koowaad ee Cutubka 4-aad ee loo gudbiyay Baarlamaanka, waxaanan bogaadinaynaa dowladda iyo guddiyada ku howlan oo waafaqay heshiiskii aan saxiixnay 25-kii Agoosto,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in waxa harsan ay yihiin arrima ha doorashooyinka iyo wada-hadallada la filayo inay dhex maraan dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isa goo muujiyay rajadiisa ah in heshiis mideysan laga gaari doono.
"Arrimaha haray waa kuwa doorashoo yinka, waxaana sugaynaa wada-hadallo dhex mara Golaha Mustaqbalka iyo dowladda, kuwaas oo aan rajeynayno in natiijo miro-dhal ah laga gaaro,” ayuu yiri.
Wasiir Daa’uud Aweys oo ka digay in Israa’iil Somaliland u beddesho xarun hawlgallo militari
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Soomaliya marar badan si cad u muujiyay mowqifkiisa diidmada iyo cambaareynta ku xadgudubka cad ee ay Israa’iil ku sameyneyso madax-bannaanida iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo ka hadlayay Madasha 17-aad ee Al Jazeera ee magaalada Dooxa, ayaa sheegay in ku xadgudubyada sharci-darro ee Israa’iil ay imaanayaan xilli aad u adag oo Soomaaliya ay ku jirto, maaddaama ay ku hawlan tahay la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah gudaha dalkeeda, difaacna ay u tahay amnigeeda isla markaana ay wax ku biiriso amniga gobolka iyo Geeska Afrika.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in xadgudubyadan aysan kaliya wiiqayn amniga Soomaaliya, balse ay sidoo kale saameyn ku leeyihiin amniga guud ee gobolka, Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Badda Cas.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa muujiyay rajadiisa ah in beesha caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ay fahmi doonaan arrinta Soomaaliya, isagoo xusay in doorashada uu dalkiisu qaatay ay tahay adeegsiga habab diblomaasiyadeed”, kuwaas oo uu sheegay in ay ilaa hadda si wanaagsan ugu shaqeynayaan Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay saameynta taban ee tallaabooyinka iyo ujeeddooyinka Israa’iil ee ku wajahan Soomaaliya, wasiir Daa’uud Aways wuxuu sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay amniga dalka, gaar ahaan badqabka rayidka ku nool Somaliland.
Wuxuu tilmaamay in ajandaha Israa’iil uu yahay in ay halkaas ka dhisato saldhig militari oo loogu talagalay dagaal lagula galo dalal ama ururro kale, taas oo uu sheegay in aysan u adeegayn danaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka toona.
Wasiir Cali Balcad: Dukumentiyada Epstein waxay muujinayaan faragelin shisheeye oo lagu carqaladeynayo wada-hadallada Somaliland
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa si adag u adkeeyay mowqifka dowladda ee ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ku socoto siyaasad nabadeed oo ku dhisan wada-hadal, balse aysan aqbali doonin wax cadaadis ama faragelin ah oo halis gelinaya midnimada dhuleed ee dalka.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Al-Masaiya ee Aljazeera Mubasher, wasiirku wuxuu sheegay in wararka la xiriira dukumentiyada Jeffrey Epstein ay iftiiminayaan faragelinno iyo dhaqdhaqaaqyo shisheeye oo lagu wiiqayo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan isgaarsiin iyo dadaallo ay wadeen shirkado caalami ah oo, marinno aan rasmi ahayn, ku doonayay in lagu riixo aqoonsiga Somaliland inay noqoto dal madax-bannaan.
Cali Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland ay ku dhisan tahay wada-hadal iyo isu-tanaasul, maadaama Soomaalidu tahay "hal shacab, hal af iyo hal diin.” Wuxuu intaas ku daray in dadaallada gooni-isu-taagga aysan matalin rabitaanka guud ee shacabka, isla markaana aqoonsiga Somaliland uusan keeni doonin nabad, balse uu abuuri karo xasillooni-darro saameyn ku yeelan doonta Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaalida aysan marnaba ku wada-hadli doonin cadaadis iyo handadaad.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Israa’iil, gaar ahaan kadib markii ay taageertay aqoonsiga Somaliland, Wuxuu sheegay in Israa’iil ay waajib ku tahay inay ixtiraamto midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in Muqdisho aysan wax wada-hadal ah la yeelan doonin cid ku xad-gudubta qarannimada dalka.
Wasiir Cali Balcad ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil inay qorsheyneyso in Falastiiniyiinta laga barakiciyo Marinka Qasa loona raro Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay qorshe khatar ku ah amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto tallaabo kasta oo noocaas ah.
Isaga oo ka hadlayay xaaladda amniga gobolka, wasiirku wuxuu sheegay in wadahadallo heer gobol iyo heer caalami ah ay socdaan si loo xoojiyo xasilloonida Badda Cas iyo Geeska Afrika, maadaama ay yihiin marinno muhiim u ah ganacsiga iyo maraakiibta caalamka, Wuxuu ka digay in qalqal amni oo ka dhaca gobolkaasi uu yeelan doono saameyn dhaqaale iyo mid amni oo baahsan.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin saldhig militari oo shisheeye oo laga dhiso dhulkeeda iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, Wuxuu xusay in tallaabo kasta oo lagu soo galiyo joogitaan ciidan oo shisheeye ay noqon doonto xad-gudub toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka, isla markaana dowladda ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago arrintaas.
Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka taageera midnimadeeda iyo madaxbannaanideeda, gaar ahaan Sacuudiga iyo Turkiga, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay xasilloonida guud ee gobolka.
Somaliland oo beenisay waraysi uu bixiyay Wasiiru-duulaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay hadallo ay baahisay Al Jazeera, kuwaas oo uu jeediyay Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, iyada oo ku tilshalayy kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Qoraal Af Carabi ku qoran oo Wasaaraddu ku daabacday barta X ayay ku sheegtay in ay si buuxda u beeninayso hadallada loo nisbeeyay mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho, gaar ahaan kuwa laga sii daayay telefishinka Al Jazeera, isla markaana ay caddeysay in eedeymahaasi yihiin kuwo gebi ahaanba aan xaqiiqo ku fadhiyin.
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraysa hadallo loo nisbeeyay mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho, kuwaas oo laga baahiyay telefishinka Al Jazeera, iyada oo caddaynaysa in eedeymahaasi aanay sal iyo raad toona lahayn" ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaarada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta in ay ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo iyo xirfad, kuna tiirsanaadaan ilo lagu kalsoonaan karo, halkii ay ka baahin lahaayeen warar aan la hubin, sida ay sheegtay.
Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa waraysi uu siiyay barnaamijka Al-Masaiya ee Aljazeera Mubasher, ku sheegay in wararka la xidhiidha dukumentiyada Jeffrey Epstein ay muujinayaan faragelinno iyo dhaqdhaqaaqyo shisheeye oo lagu wiiqayo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.
Cali Balcad wuxuu sheegay in ay jireen isgaadhsiin iyo dadaallo ay wadeen shirkado caalami ah oo, marinno aan rasmi ahayn, ku doonayay in lagu riixo aqoonsiga Somaliland inay noqoto dal madax-bannaan. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland ay ku dhisan tahay wada-hadal iyo isu-tanaasul, isaga oo sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu keeni doonin nabad.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Israa’iil, isaga oo ku eedeeyay inay qorsheyneyso in Falastiiniyiinta laga barakiciyo Marinka Qasa loona raro Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, isla markaana ugu baaqay beesha caalamka in ay ka hortagto tallaabo kasta oo noocaas ah.
Somaliland iyo Israa'iil ayaa hore si isku mid ah ugu beeniyay jiritaanka wararka sheegaya in qoxootiga reer Falastiin loo rarayo Somaliland.


0 


HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 9 FEB-2026
.