
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 8 FEB-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Dooxa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Madasha Caalamiga ee Al Jazeera.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khud bad ka jeediyay Madasha ayaa ka had lay qaddiyadaha ka jira caalamka, sida Soomaaliya, Falastiin, amuuraha amni ga iyo xasiloonida caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalka Qatar kulamo kula yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Boqortooyada Qatar, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaa laha iyo siyaasadda ee labada dhinac.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isagoo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Fashil ku soo dhammaaday kulanka BFS iyo guddoonka oo war soo saaray
Buuq xooggan iyo khilaaf siyaasadeed ayaa shalay hareeyay fadhigii wadajir ka ahaa ee Labada Aqal ee Baarlamaa nka Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya, kaas oo looga hadlayay wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kuna beegnaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee doodda ku saabsan wax ka beddelka Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad.
Intii uu socday fadhiga, Guddoonka guddiyada u qaabilsan dib-u-eegista dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka ayaa mudanayaasha la wadaagay warbixin ku saabsan isbedd ellada la soo jeediyay.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa si qo to-dheer uga dooday qodobadan, iyaga oo soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo muujinaya kala aragti duwanaansho xooggan.
Doodda ayaa mararka qaar isu bed deshay buuq iyo hadallo kulul, taasoo muujisay khilaafka ka dhex jira xildhib aannada ee ku aaddan jihada isbedde lka dastuuriga ah.
Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa muujiyay walaac la xiriira saamaynta ay wax ka beddelku ku yeelan karto nidaam ka federaalka iyo awood qeybsiga dowl adda.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shac baan Ibraahim, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in doodda la sii wadi doono, isla markaana arrintan dib loogu laaban doono kulanka xiga oo la filayo inuu qabsoomo maalinta Isniinta.
Arrintan ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo xaalado amni, siyaasadeed iyo bini’aadannimo, taasoo ka dhigaysa in xiisada ay ka sii darto.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la Kulmay Siihayaha Safiirka Maraykanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay kulan la qaatay Siihayaha Safiir ka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, waxa ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ay ka gaartay guu lo wax-ku-ool ah.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaa ray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilin ayo deegaannada laga xoreeyay cadow ga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in kooxaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka maalgashiga iyo cunnada ah.
Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaar adda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siya asadda iyo doorashooyinka dadweyna ha, isaga oo xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageer ada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantini mo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.
Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaa yiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan.
Sheekh Shariif oo nasiib darro ku tilmaamay wixii shalay ka dhacay BFS
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Baa -rlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u cambaareeyay khilaa fka iyo buuqa hareeyay fadhiyada gola ha.
Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Baarlamaanka "mas’uuliyad-darro”, isaga oo xusay in golaha uu ya hay muraayadda qaranka, lagana doona yo inuu ilaaliyo hannaanka dowlad-dhis ka iyo sharciyadda dalka.
"Waa masuuliyad-darro waxa ka socda golahii BF Soomaaliya oo ah muraayad dii dalka, mana ahan suuragal in horteen na lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhi ska dalkeenna oo meel fog laga kee nay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu ka fogaado ku tumashada sharciga iyo ku takri-falka awoodda, isla markaana uu dhowro heshiisyada siyaasadeed iyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in xisaabtanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaantu ay yihiin tiirarka dowladn imo, ayna lagama maarmaan tahay in laga ilaaliyo faragelin siyaasadeed ama dano gaar ah.
Sheekh Shariif ayaa waxa uu baaq u diray dhammaan dhinacyada ay khusay so in si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada, sharciyadda iyo hay’adaha dowliga ah, isla markaana xal waara laga gaaro khi laafka Baarlamaanka, si looga fogaado dib-u-dhac ku yimaada geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Xildhibaan Macalimuu oo shaaciyay cidda soo dirtay xildhibaannada buuqsan
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalim uu oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacab ka ayaa runta u sheegay xildhibaannada mucaaradka ee fowdada ka dhex-wada baarlamaanka, isaga oo shaaciyay inay soo dirsadeen dowlad-goboleedyada kasoo horjeedo dowladda dhexe.
Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa ka digay carqaladeynta kulamada baarlamaanka, wuxuuna ku taliyay in sharciga la ilaaliyo,codna lagu kala baxo.
"Ma aha waddo sax ah in si bareer ah loo carqaladeeyo habsami-u-socodka howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan marka ay taasi ku dhisan tahay taageero laga helayo Dowlad-Goboleedyo ka horjeeda Dowladda Federaalka. Khilaaf kasta oo siyaasadeed oo jira, waxaa habboon in lagu wajaho wada-hadal iyo kulamada horey loogu ballansanaa ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku darayin aysan sax ahayn in la carqaladeeyo shaqada golaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in baarlamaanku yahay hay’ad dastuur ah oo ay waajib tahay in si xor iyo xushmad leh u guto waajibaadkiisa.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-
Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa si gaar ah masuul uga ah labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah. Sidaa darteed, habraaca wax-ka-beddelka dastuurku waa in uu ku socdaa dariiq sharci ah, iyadoo si furan looga doodayo aragtiyada kala duwan ee Xildhibaanadu qabaan, ugu dambeyntiina lagu kala baxayo cod.
Ma aha waddo sax ah in si bareer ah loo carqaladeeyo habsami-u-socodka howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan marka ay taasi ku dhisan tahay taageero laga helayo Dowlad-Goboleedyo ka horjeeda Dowladda Federaalka. Khilaaf kasta oo siyaasadeed oo jira, waxaa habboon in lagu wajaho wada-hadal iyo kulamada horey loogu ballansanaa ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda.
Guddoonka Baarlamaanka waxay ku saxan yihiin in ay, iyagoo tixgelinaya rabitaanka inta badan Xildhibaanada, sii wadaan howlaha Golaha, isla markaana ay qaadaan tallaabooyinka ku habboon cid kasta oo carqalad ku keenta shaqada Baarlamaanka, sida ay dhigayaan Xeer-Hoosaadyada Golaha.
Waxaa sidoo kale mudan in la soo dhaweeyo wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobadii 49, 50 iyo 51 ee Cutubka Afraad ee Dastuurka—kuwaas oo aan anigu hore uga mid ahaa dadka diidanaa—kadib soo-jeedintii mucaaradka, taas oo muujinaysa in geeddi-socodku yahay mid furan oo la is dhageysanayo.
Dastuurku ma laha muxaafad iyo mucaarad midna; waa heshiis qaran oo ay waajib tahay in dhammaan si masuuliyad leh uga wada qayb-qaataan dhammaystirkiisa.
Rag loo soo qabtay dil laba nin oo walaalo ahaa loogu gaystay Ceelasha Biyaha
Ciidanka Booliska ayaa laba nin u soo qabtay dil ay dadku ka argagaxeen oo xalay laba nin oo walaalo ahaa loogu gaystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag ku labisnaa dareyska ciidamada ay labadaasi nin ku dhex dileen hoygooda, ka dibna ay ka baxsadeen goobta.
Taliyaha Saldhigga Booliska Ceelasha Biyaha, Gaashaanle Maxamed Xaashi Canshuur iyo ciidamadu uu hoggaaminayo ayaa shalay gacanta ku soo dhigay laba nin oo falkaasi lala xiriiriyay.
Wararka ayaa sheegaya in raggan ay haatan ku xiran yihiin Saldhigga Ceelasha Biyaha, isla-markaana lala soo qabtay hub loo maleynayo in ay dilka u adeegsadeen.
Eedeysaneyaasha ayaan la aqoon sababta ay ku dileen labada nin ee walaalaha ahaa, waxaana la filayaa in loo soo gudbin doono dhinaca Muqdisho, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Dhibaneyaasha ayaa lagu kala magacabayay Deeq Axmed Xaydar Raage iyo Liibaan Axmed Xaydar Raage.
Mudanayaasha labada aqal ee bjfs oo ka dooday cutubka afaraad ee wax ka bedelka dastuurka kmg ah.
Muqdisho-Soomaaliya 07, February, 2026: Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ayaa shalay xarunta Gol aha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad ee wadajirka ah, waxaana shir Guddoominayey Guddoo miye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaa nka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka wadajir ah ee shalay waxa uu ahaa Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.
Ugu horreyn Guddoonka guddiga Baarlamaanka labadiisa Aqal u qaabil san dib u eegista iyo la socodka dastuur ka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarl amaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay la wadaageen warbixinta wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka.
Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalonta isniinta ah.
Koonfur Galbeed oo la wareegeysa guri kasta oo Baydhabo ku yaala oo ciidan lagu uruuriyo
Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in maamulku uu la wareegi doono gurigii laga soo abaabulo falal wax loogu dhimayo nabadgelyada iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa muujiyay in arrintan ay si gaar ah u saamayn doonto shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, isagoo daba jooga dagaaladii Arbacadii iyo Khamiistii ka dhacay magaaladaasi, isla-markaana u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamadii kale ee taabacsanaa Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Nishow ee markii dambena dibadda looga saaray magaalada.
Wasiirka ayaa sheegay in guri aan ahayn mid dowladeed oo ku yaala Baydhabo aan lagu uruurin karin wax hub iyo ciidan toona, ciddii awaamirtan jebisana ay sharciga la tiigsan doonaan, iyadoo gurigaasina lala wareegi doono.
"Guri kasta oo qoryo iyo ciidan lagu uruuriyo oo xaafad ka mid ah Magaalada Baydhabo ku yaala, gurigaasna guri dowladeed aan ahayn, gurigana waa lala wareegayaa, dadka meesha joogana sharcigaa la waafajinayaa, arrintaasi go’aan waaye.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo ka hadlayay kulan looga hadlayay ammaanka magaalada oo shalay uu kaga qaybgalay Baydhabo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Gudoomi yeyaaasha Xaafadaha Baydhabo ay leeyihiin masuuliyadda ugu weyn ee arrintan, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay soo sheegaan guryaha la doonayo in laga qalqalgeliyo amniga.
Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Kha miistii la wareegay hoyga uu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) uu ku leeyahay magaaladaasi, oo ka mid ahaa meelaha uu dagaalka ugu culus ka dhacay.
Senator Aadan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in gurigan ay ka dhex dagaalamayeen illaa 40 nin, kuwaas oo uu sheegay in loo adeegsanayay qalqa lgelinta amniga.
Maamulka ayaa gacanta ku haya qaar ka mid ah askartii dagaalka la gashay ciidamada, kuwaas oo aan si dhab ah loo aqoon, waxa laga yeeli doono.
Hase yeeshee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Jimcihii ballanqaaday in qof khalad uu galay aysan ku sii fogayn doonin.
"Nin walbaba wuxuu sameystay, asaga iyo Ilaahaygiisa, laakiin annaga Ilaahay dartiisa dadkan ayay masuuliyad naga saaran tahay, qof kasta oo reer Koonfur Galbeed ah cafis iyo masaamax ayuu naga yahay, waa walaalkeen hanoo soo dhawaado, hana la joogo reer Koonfur Galbeedaa nahay. Koonfur Galbeed aniga ma lihi, masuuliyddaanaa Ilaahay nasiibkayga ka dhigay, maalintuu Ilaahay ii qoraa ka tagaayaa, si nabadaaana uga tagaayaa. Haddii Ilaahay ii qoray dadkan inaan u adeego oo u sii joogo, waan sii joogayaa, waana sii adeegayaa, wanaagii aan qabtay baan sii badinaayaa. Dan kale oo aan ka leeyahay ma lahan.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.
Somaliland oo xal u raadinaysa dagaal beeleed ka aloosan gobollada galbeedka
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soma -liland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Khamiistii u diray 10 xildhibaan gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo uu si goos-goos ah uga dhacay dagaal beeleed salka ku haya muran dhuleed.
Dagaal beeleedkan ayaa ka dhashay muran la xidhiidha buugga Xeer Ciise, kaas oo mid ka mid ah beelaha wada daga gobolka Salal ay diideen in lagu soo bandhigo magaalada Saylac. Murankaasi ayaa markii dambe isu beddelay khilaaf dhuleed oo u dhexeeya bulshada gobolladaas, taas oo khatar gelisay amniga guud iyo isu socodka dadweynaha.
"Laba reer oo is dilay ma aha arrin fudud, idinkuna in aad nabad waarta ka dhex dhalisaan waan idiinku ducaynayaa. ku guuldaraysan maysaan, u diyaargarooba uun in ay marka hore idinku yara adkaadaan. Weli lama arag reer Soomaaliyeed oo guurti diiday,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Dhanka kale, wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa safar ugu baxay gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha labada beelood ee ay colaadu ka dhex taagan tahay.
Weftigan waxa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska, iyo masuuliyiin kale.
"Weftigan ayaa inta ay joogaan gobolla daas waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Dhanka kale, beesha Bariga Burco ayaa xalay soo saartay baaq ay ugu baaqayso beelaha ay colaadu ka dhex taagan tahay in ay hubka dhigaan, isla markaana ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan. Waxay sidoo kale sheegeen in ay door weyn ka qaadan doonaan nabadaynta gobolladaas.
Kenya oo dib u furtay xuduudda Soomaaliya ee ganacsiga dhulka ee qaadka, kadib 15 sano oo xirnayd
Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah dib ugu furtay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya ee ganacsiga dhulka ee qaadka (miraa), tallaabo taariikhi ah oo soo afjaraysa 15 sano oo hakad iyo xannibaad ah.
Go’aankan oo ay ansixisay Golaha Amniga Qaranka (National Security Council) ayaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka beddeli doona ganacsiga qaad ka, gaar ahaan beeraleyda iyo ganac satada gobolka Meru.
Xuduudaha dib loo furay waxaa kamid ah Mandera, Liboi iyo Kiunga, kuwaas oo hadda loo oggolaaday in qaadka Kenya laga qaado dhulka lana geeyo gudaha Soomaaliya.
Arrintan ayaa meesha ka saaraysa ku-tiirsanaantii dheeraa ee duulimaadyada qaaliga ah ee laga dhoofin jiray Garoonka JKIA, kuwaas oo ganacsatada ku qasbay kharash badan iyo la tacaalid kartello si weyn u maamuli jiray dhoofinta.
Ururka Nyambene Miraa Farmers and Traders Association (Nyamita) ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankan, iyagoo sheegay inuu yahay mid "geesinimo leh, isla markaana dib u soo noolaynaya ganacsigii qaadka ee Kenya iyo Soomaaliya.”
Guddoomiyaha ururkaas, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in markii xuduuddu furnayd horey loo dhoofin jiray in ka badan 20 tan oo qaad ah maalin kasta, taas oo qiimaheedu gaarayay ilaa Sh5 milyan.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA), Bruno Linyiru, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarinayso hannaan amni oo lagu xaqiijinayo badqabka ganacsatada iyo xamuulkooda inta ay socdaan, Wuxuu intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah laga soo saari doono dhawaan
Xukuumadda Xamza oo la dhacsan arrinta baarlamaanka
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa boggaadiyay in la guda galay ka doodista wax ka beddalka Dastuurka, isaga oo la dhacsan arrintan ayuu hambalyo u diray xildhibaannada ku howlan sii wadista wax ka beddalka Dastuurka.
"Barlamaanku shaqadiisa si wacan ayuu u wataa waa u hambalyaynaynaa” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaali ya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan in la dhammeystiro Dastuurka, si looga gudbo caqabadaha haatan taagan, isaga oo sheegay kadib loo gudbi doono dowladnimo rasmi ah.
"Dastuurka in la dhammaystiro waa lagama maarmaan, mugdiga badan iyo qeyladhaanta waxaa ka dambeeya iftiin iyo dawladnimo”. ayuu kusii daray.
Hadalkan Fiqi ayaa imaanaya, iyada oo weli xiisad xoogan ay ka taagan baarlamaanka dhexdiisa, kadib markii xildhibaannadu ay ku kala qaybsameen dooda Dastuurka, taas oo keentay in golaha uu galo xaalad jahwareer ah.
Guddoonka Labada Gole ayaa ku adkeysanayo sii wadista wax ka beddalka Dastuurka, iyaga oo shalay shaaciyay in la guda galay ajendaha kulanka wadajir ah ee Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.
"Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka guddoonka sare.
Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli weli xildhibaannada diidan Dastuurka ay buuq iyo fawdo ka wadaan golaha dhexdiisa, waxaana shalay xarunta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa.
Xigasho:-caasimadda.net
Netanyahu oo qarsan waayay welwelka uu ka qabo awoodda sii kordheysa ee…
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku aaddan horumarka cii dan ee ay sameyneyso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Wuxuu tilmaamay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortagayo ko rorka awoodda militari ee Masar.
Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Masar ay wadaagaan heshiisyo rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.
"Ciidanka Masar wuu sii xoogaysana yaa, waxaa naga dhaxeeya xiriiro iyo da no gaar ah oo aan wadaagno, sidaas oo ay tahay waxa aan la soconaynaa arrin taan innaga oo kahortagayna awood Mili tari oo xad dhaaf ah in la dhiso,” ayuu yiri Netanyahu.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeya y in Israa’iil aysan marnaba aqbali doo nin in Qaahira yeelato awood militari oo gaarta heer ay khatar ama cabsi ku no qoto Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa shee gay in Israa’iil ay si dhow ula socon doo nto xaaladda, isla markaana ka hortagi doonto dhismaha awood ciidan oo ka baxsan xadka la oggol yahay.
Masar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo ay ku dhiseyso awood militari oo muuqata, taas oo ka dhex iftiimisay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo Israa’iil ku riixday inay dhaqaale badan ku bixiso xakameynta heerka awood ciidan ee Masar, iyadoo Qaahira ay sameysatay iskaashi ay la leedahay dalal aan si wanaagsan ula xir iirin Israa’iil.
Jeneraal Ruush ah oo dhowr jeer lagu toogtay Moscow
Jeneraal caan ah oo ka tirsan ciidama da Ruushka ayaa dhowr jeer lagu toog tay Moscow, waxaana lagu dhaawacay Moscow.
Jeneraal Vladimir Alexeyev ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaal ka dib weer arkii ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaal duleedka waqooyi-galbeed ee magaalad a, xaaladdiisana lama oga.
Alexeyev waa lambarka labaad ee aga asimaha ugu weyn ee sirdoonka militari ga Ruushka ee GRU, waana qofkii ugu dambeeyay ee ugu sarreeyay ee milita riga ah ee lagu bartilmaameedsado caa simadda tan iyo markii duullaankii buu xay ee Ukraine uu bilaabmay ku dha waad afar sano ka hor.
Waxaa lagu soo rogay cunaqabatayn Midowga Yurub ka dib markii GRU lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii neerfaha ee 2018 ka dhacay Salisbury ee UK.
"Dhibbanaha ayaa la dhigay isbitaal mid ka mid ah isbitaallada magaalada,” ayay tiri Svetlana Petrenko oo ka tirsan Guddiga Baarista Ruushka, oo sheegtay inay furtay kiis dambiyeed oo isku day dil ah.
Ninkii hubaysnaa ayaa baxsaday, baara yaashuna waxay baareen muuqaallada CCTV si ay u helaan tilmaamo waxayna bilaabeen inay wareystaan marqaatiyaa sha.
Alexeyev wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dagaalkii Ukraine, isagoo ka qayb qaatay wadahadallo uu la galay Ukraine intii lagu jiray go’doomintii Ruus -hka ee Mariupol sannadkii 2022.
Waxaa sidoo kale loo diray inuu la xaaj oodo madaxa kooxda calooshood u sha qeystayaasha Wagner, Yevgeny Prigo -zhin, kaasoo hoggaaminayay kacdoon gaaban oo dhiig badan ku daatay bishii Juun 2023.
Kala-guurka amniga Soomaaliya oo halis ku jira, iyadoo AUSSOM la daalaa-dhacaysa miisaaniyad gabaabsi ah
Kala-guurka amniga Soomaaliya ayaa wajahaya halis sii kordhaysa, kaddib markii Howlgalka Taageerada iyo Xasilin ta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUS SOM) uu galay dhaqaale-xumo ba’an, taas oo si toos ah u saameyn karta haw lgallada amni iyo dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
AUSSOM, oo billowday bishii Janaayo 2025, ayaa lagu qiyaasay inuu u baahan yahay ku dhowaad 196 milyan oo dool lar si uu u daboolo kharashaadka sanna dka 2025, gaar ahaan gunnooyinka aska rta dalalka ka qeyb qaadanaya. Si kasta ba ha ahaatee, ballan-qaadyada la helay ilaa hadda ma dhaafayaan 48.6 milyan oo doollar, taas oo ka dhigan in howlgal ka uu helayo wax ka yar kala bar miisaa niyaddii loo baahnaa.
Shir heer sare ah oo lagu qabtay New York dabayaqaadii sanadkii hore 2025, kaas oo ay wada qabanqaabiyeen Mido wga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Do wladda Federaalka Soomaaliya, ayaan keenin wax ballan-qaadyo dhaqaale oo la taaban karo.
Dhaqaale-xumada AUSSOM waxaa sii xumeeyay hoos u dhaca ku yimid miisaa niyadda Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaa s oo bixiya saadka muhiimka ah sida shi daalka, raashinka, duulimaadyada iyo qalabka ciidamada. Go’aan ka soo ba xay Maraykanka dabayaaqadii 2025 aya a meesha ka saaray ku dhowaad rubuc ka mid ah miisaaniyadda UNSOS, taas oo si weyn u yareyneysa awoodda taag eero ee loo fidiyo AUSSOM iyo ciidama da ammaanka Soomaaliya.
Inkasta oo la filayo in dalalka ciidamad ooda ku sugan Soomaaliya, sida Itoobi ya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti, ay sii joo gaan sababo la xiriira danahooda amni, haddana khubaradu waxay ka digayaan in dhaqaale-la’aantu hoos u dhigi karto niyadda iyo awoodda dagaal ee ciidama da, isla markaana ay carqaladeyn karto wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wado in si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale jira walaac ku saab san suurtagalnimada firaaq amni oo ka dhasha dib-u-dhacyo ama isbeddel ku yi maada howlgalka, gaar ahaan gobollada ay dagaalladu ka sii socdaan. Arrintan ayaa imanaysa xilli Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaano muhiim ah, isla mar kaana xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u socoto khilaafka arrimaha doora shooyinka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Mi doobay ayaa dhawaan ugu baaqay Mido wga Afrika inuu soo gudbiyo qorshayaal cusub oo la jaanqaadaya xaaladda dha qaale ee jirta. Go’aannada laga gaari do ono mustaqbalka AUSSOM ayaa lagu til maamay kuwo si weyn u saameyn doo na jihada amniga, xasilloonida iyo geed di-socodka nabadda Soomaaliya sana daha soo socda.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 8 FEB-2026
.