HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 5 FEB-2026

0
Thursday February 05, 2026 - 08:38:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 5 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxa muud ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib doo rasho shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay han naanka doorashada oo ku tilmaamay mid si hufan u qabsoomtay, isaga oo muujiyay in tani ay astaan u tahay horu mar laga sameeyay dhismaha hay’ad aha madaxa-bannaan ee qaranka.

Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaran ka ayaa kala ah Guddoomiyaha cusub Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoo miye Ku-xigeenka Maxamed Haaruun, iyo Xoghayaha Guddiga Marwo Faa dumo Cabdiqani Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada hoggaanka la door tay ay door weyn ka qaadan doonaan xaqiijinta himilada Soomaaliya ee la xiriirta dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in guddigan uu yahay tiir muhiim u ah kor u qaadista caddaaladda, isla xisaab tanka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinii nta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka in ay xoog ga saaraan horumarinta nidaamyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla mar kaana ay si madaxbannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Doorashada hoggaanka cusub ee guddi gan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta doorka Soomaa liya ee ilaalinta xuquuqul insaanka, xilli dalku dib ula soo wareegay maamul buu xa oo madaxa-bannaan.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya u sahlay sa in ay si madax-bannaan u fuliso waaji baadkeeda qaran iyo kuwa caalami ah ee ku aaddan dhowrista, kormeerka, iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha.

Shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo dib u dhacay iyo xogihii u dambeeyay

Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dib u dhacay, kaasi oo loo ballansanaa in uu furmo 1-dii bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir ka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo toddobaadka soo aadan, iyada oo mada xweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay qorsheeyeen in ay imaadan magaalada Muqdisho maalinta Isniinta ee soo aadan.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Axaddii magaalada Muqdisho ka celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaa sha Jubaland iyo Puntland, taas oo uga sii dartay xiisaddii siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaa markaas ku andacootay in tallaabadaas u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacya da amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Dhacdadaas kadib wakiillada beesha caalamka ayaa cadaadis saaray Madax weynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay inuu aqbalo ka laabashada go’aankii ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogo laaday in madaxda Puntland iyo Jubal and ay Muqdisho la yimaadaan ciidan kooda iyo hubkooda, iyada oo aan lagu xirayn shuruudo gaar ah.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka ayaa xoogga saaraya sidii ay u qabsoo mi lahaayeen wada-hadalladii loo balla nsanaa, iyagoo muujiyay sida lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo isfaham looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrim aha doorashooyinka, dastuurka, midni mada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay faray hay’ada ha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay xilli uu kormeer ku tegay xarunta gurmad ka degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), hal kaas oo uu ugu kuur-galay hawlaha gur madka degdegga ah, isla markaana uu faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmad ka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaah san oo ku saabsan xaaladda abaarta dal ka ka dhageystay howl-wadeennada ha y’adda, kuwaas oo soo bandhigay deeg aannada ugu daran ee abaartu saamey say, barakaca, nabaad-guurka deegaan ka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Howl-wadeennada hay’adda ayaa tilma amay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isu beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, gana csatada Soomaaliyeed, hay’adaha sam afalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soo maaliyeed ee wajahaya duruufaha nolo leed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta.

Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’ adaha dowladda inay mudnaanta koo waad siiyaan badbaadinta shacabka ta baalaysan.

Si kastaba, amarka cusub ee shalay kasoo baxay Madaxweynaha Soomaali ya ayaa muhiimad weyn u leh marxalad da taagan, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee shacabka tabaalaysan.

XIGASHO:-CASIMADDA.NET

 

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xilka ula Wareegay

Taliyahacusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha CXDS, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdi sho.

Xil wareejinta ayaa u dhexeysay Taliyihii hore Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha cusub Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u kala wareejiyay xilka labada taliye, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaan milatari oo mideysan, firfircoon, kana go’an ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Taliyaha cusub uu yahay sarkaal waayo-aragnimo dheer u leh Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, taas oo la filayo inay horseeddo dardar cusub oo ku aaddan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan oo sare, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Dhanka amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay sugidda amniga xarunta Wasa aradda Gaashaandhigga iyo waddoo yinka soo gala, iyadoo ciidamo badan lagu daadiyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka masuuliyiinta ka qeyb galeysay munaasabadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 29-kii Janaayo 2026 si rasmi ah u magacowday Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, halka xilka laga qaaday Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hoggaanka ciidanka, looguna diyaar garoobayo wejiyada cusub ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Xukuumadda Soomaaliya oo markii ugu horreysay xaqiijisay imaanshaha Diyaaradaha Dagaalka F-16 ee Turkiga ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga laga leeyahay nooca F-16 la keenay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu wareejiyay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo aysan caddeyn in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo ay soo iibsatay ama gargaar ahaan loo siiyay.

Xaqiijintan ayaa timid intii lagu guda jiray xaflad xil wareejinta ee taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, halkaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu ka sheegay in diyaaradahaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

"Diyaaradahani waxay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalka, maamulka ama awoodda farsamo ee diyaaradaha.

Hadalka Wasiirka ayaa daba socday warar iyo hadal-heyn xooggan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray caasimadda, kaddib markii la sheegay in diyaarado F-16 ah ay soo gaareen Muqdisho, arrintaas oo ku soo beegantay xilli Turkigu sii ballaarinayo saameyntiisa milatari iyo mid istaraatiijiyeed ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada amni ee ugu dhow Soomaaliya, isaga oo Muqdisho ka hirgeliyay saldhig milatari oo weyn oo tababar, kana taageera Ciidamada Qaranka dhinacyada tababarka, qalabka, iyo kaabeyaasha amniga, Sidoo kale, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo quseeya iskaashiga difaaca, amniga badda iyo tamarta.

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasi maha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XJFS u magacaabay Mudane Maxamed Isaaq Cabdinuur iyo Agaasi maha Guud ee Horumarinta Waxbar ashada Farsamada Gacanta iyo Xirfada ha Wasaaradda Waxbarashada Xukuum adda JFS u magacaabay Marwo Xabiibo Cali Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Mudane Maxamed iyo Marwo Xabiibo kula dar daarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

Saif al-Islaam Qadaafi oo lagu dilay Liibiya, kooxdiisa oo ku tilshalayy dil qorshaysan

Saif al-Islaam Qadaafi, oo ahaa wiilka ugu caansan carruurta hoggaamiyihii ho re ee Liibiya Mucammar Qadaafi, ayaa lagu dilay dalka Liibiya, sida ay shee geen ilo rasmi ah iyo warbaahinta maxa lliga ah.

Geerida Saif al-Islaam Qadaafi, oo 53 jir ahaa, waxaa si gooni-gooni ah u xaqii jiyay qareenkiisa Khaalid al-Saydi iyo la-taliyihiisa siyaasadeed Cabdullaahi Cus maan, kuwaas oo qoraallo ku baahiyay barta Faysbuug, inkasta oo ayna faah faahin ka bixin sida uu u geeriyooday.

Warbaahinta Liibiya ee Fawasil Media ayaa soo xigatay Cabdullaahi Cusmaan oo sheegay in rag hubaysan ay ku dileen Saif al-Islaam gurigiisa oo ku yaalla magaalada Sintaan, oo qiyaastii 136 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Tiriibooli.

Kooxdiisa siyaasadeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in "afar nin oo wejiyada qarsaday” ay xoog ku galeen gurigiisa, halkaasna ay ku dileen, iyaga oo ku tilmaamay dilkaasi "mid fulaynimo iyo khiyaano ah”. Bayaanka ayaa intaas ku daray in Saif al-Islaam uu la dagaall amay raggii weerarka soo qaaday, ku waas oo damiyay kaamirooyinka ammaa nka si ay u qariyaan raadadka falkaas.

 

Qoyska madaxweynaha Puntland oo lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha Macdan si sharci darro ah looga gurto gobolka Sanaag, loona iib geeyo Dubai

Warbixin cilmi-baariseed oo cusub oo ay soo saartay global Initiative oo ah shabad ka shaqeysa xuquuqda aadana ha, dimuqraadiyadda, maamul wanaag ga, iyo horumarinta, ayaa sheegtay in deegaanka Milxo, oo ku yaalla Buura leyda Golis ee gobolka Sanaag, uu noqday goob si baahsan loogu qodo dahab si sharci-darro ah, laguna dhoo fiyo suuqyada caalamka, iyadoo aanay jirin maamul si buuxda u xukuma ama u nidaamiya howlaha macdanta ka socda halkaas.

Sida ay warbixintu tilmaamayso, Punt land, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna si rasmi ah uma maamulo Milxo, taas oo abuurtay xaalad sharci-la’aan ah, isla markaana meesha ka saartay nidaam canshuureed, kormeer iyo isla-xisaabtan dowladeed.

Dahabka laga soo saaro Milxo ayaa sida warbixintu sheegtay, inta badan waxaa si aan rasmi ahayn loogu qaadaa magaalada Dubai. Warbixintu waxay intaas ku dartay in kastamyada Imaaraadka Carabta aysan mar walba dalban shatiyo, caddeyn asal ah ama dukumiintiyo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, taasoo fududeysay in dahab laga keenay goobo colaado ka jiraan uu ku biiro silsiladda ganacsiga caalamiga ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in Puntland aysan lahayn sharci macdan-qodis oo si buuxda u dhaqan-galay, isla markaana dakhliga laga helo dahabka uu aad u kooban yahay. Dakhligaas ayaa inta badan lagu sheegay canshuur magac u yaal ah oo laga qaado garoonka diyaaradaha Bosaso, taas oo aan si cad uga muuqan diiwaannada rasmiga ah ee dakhliga Puntland.

Qodob kale oo xasaasi ah oo warbixintu xustay ayaa ah in mid ka mid ah shirkadaha ama hawl-wadeenada ka shaqeeya Milxo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay qoyska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inkastoo aan la shaa cin caddeymo faahfaahsan ama jawaab rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.

Warbixintu waxay sheegtay in Al-Sha baab iyo laanta Daacish ee Soomaaliya ay ku sugan yihiin Buuraleyda Calma dow iyo Calmiskaad, islamarkaana ay dadaal ugu jiraan inay ka faa’iideystaan dakhliga dahabka, iyagoo canshuur ama baad ka qaadaya macdan-qodayaasha.

Guuleed Saalax Barre, oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa xaaladda Milxo ku tilmaamay mid halis ku ah mustaqbalka Puntland. Wuxuu sheegay in arrimihii ay hore uga digeen ay shalay si cad u muuqdaan, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu nidaamka dowladnimo u leexiyay dano gaar ah, eedayn uusan dhinaca madaxweynuhu weli ka jawaabin.XIGASHO:-HIIRAAN.COM

Hay'adda NISA oo sheegtay in howgal ka dhacay Shabeellada Dhexe lagu dilay 7 xubnood oo Shabaab ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa sheegtay inay xalay fulisay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

NISA oo kaashaanaysay saaaxiibada caalamiga ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkaan lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, iyadoo sidoo kale xustay in la burburiyay goobo ay ku kaydsanaayeen hub iyo xarumo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu daba socday howlgallo maalmo ka hor laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee isla gobolkaas, halkaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo hay’adda NISA ay sheegtay in la beegsaday xilli ay ku kulansanaayeen guri ku yaalla deegaankaasi.

Hay’adda NISA waxay sheegtay weerarkaasi in lagu dilay shan horjooge, halka saddex kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Hay’addu waxay ugu baaqday shacabka ku nool dhulka ay ka taliyaan Alshabaab, inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab, iyadoo tilmaamtay in ay yihiin bartilmaameed joogto ah u yihiin Ciidamada Qaranka.

Alshabaab ayaa sanadkii hore gacanta ku dhigay dhul badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Dib u qabsashada dhulkaas ayaa dhabarjab weyn ku noqotay guulaha Dowladda ay horey uga gaartay dagaalka ay la gashay Alshabaab.

Ninkii Trump dili rabay oo hadda xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Ryan Roth, oo la xiray bishii Sebtembar 2024 kadib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu dilo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo ku sugnaa goob golfka lagu ciyaaro oo ku taal gobolka Florida ee Maraykanka.

Roth, oo 59 jir ah, ayaa lagu helay dambiga isku day dilka Donald Trump xilli uu joogay Trump International Golf Club ee West Palm Beach.

Waqtigaas, Donald Trump wuxuu ahaa musharrax madaxweyne.

Waxaa la xusuustaa in sarkaal ka tirsan Adeegga Sirdoonka Maraykanka (US Secret Service) uu arkay af qori oo ka soo jeeda keyn, islamarkaana uu rasaas ku riday Roth, balse Roth wuu ka cararay goobta. Markii dambe ayaa lagu qabtay meel u dhow halkaas.

Garsoore Elaine Cannon ayaa sheegtay in dambiyada Roth ay "si aan shaki lahayn u mudan yihiin xukun xabsi daa’in.”

Xukunku wuxuu tilmaamayaa Roth uu muddo bilo ah qorsheynayay inuu dilo musharrax madaxweyne oo caan ah, isla markaana uu muujiyay go’aan adag oo ah inuu dilo qof kasta oo jidkiisa istaaga. Waxa kale oo lagu xusay in Roth uusan muujin wax qoomamo ah ama ka shallayn ah dhibaatada uu geystay iyo dadka ay saameysay.

Roth ayaa beeniyay eedeymaha, wuxuuna isagu iskiis u difaacay kiiskiisa intii ay socotay maxkamadeyntu, taas oo bilaabatay 8-dii Sebtembar.

Kadib markii xeerbeegtidu ku heshay dambiga, Roth wuxuu isku dayay inuu qalin qoorta isaga mudo, balse saraakiisha ammaanka ee goobta joogay ayaa qabtay, kana saaray hoolka maxkamadda.

Barasaabka Minnesota oo ku baaqay in la dadajiyo ciidamada laga saarayo gobolkooda

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sheegay in ku dhawaaqista shalay ee Tom Homan ay tahay "tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday,” balse ay jirto baahi loo qabo in si taasi ka degdeg badan oo ka ballaaran loo saaro ciidammada federaalka.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la dedejiyo baaritaanno ay hoggaaminayso maamulkooda oo ku saabsan dilalka Alex Pretti iyo Renee Good, isla markaana la soo afjaro waxa uu ku tilmaamay "olole aargoosi ah.”

Walz, oo si xooggan uga soo horjeeday tallaabooyinka ICE ee gobolka intii uu xilka hayay maamulka Trump, ayaa sheegay in hawlgalkan "uusan Minneso ta ka dhigin mid ammaan badan.”

Xaruun ay leedahay MSF oo weerar lagu qaaday iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Hay’adda caafimaadka ee MSF, ayaa sheegtay in mid ka mid ah isbitaalla dooda lagu burburiyay weerar xalayi dha cay oo ay fuliyeen ciidamada dowladda ee Koonfurta Suudaan.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Jonglei ayaa gebi ahaanba baabi’iyay isbitaalka, kaas oo dadka lagu daweyn jiray isla markaana cunto bixin jiray.

Raashin ayaa sidoo kale laga xaday xarun kale oo caafimaad oo MSF ay ku leedahay halkaas.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa hakiyay howlgalladiisii gobolka Upper Nile, kadib markii mid ka mid ah gaadiidkooda la weeraray, lagana xaday cunto.

Xiisadaha ayaa sii kordhayay toddobaa dyadii u dambeeyay, iyadoo ay u dhe xeeyaan taageerayaasha Madax weyne Salva Kiir iyo ninka ay siyaasad da ku loollamayaan ee Riek Machar.

Dhacdadan ayaa saameysay in ka badan 250,000 oo qof.

Imaaraadka oo jab kale oo weyn kala kulmay Sacuudiga

Isbeddel weyn oo xagga istiraatiijiyadda iyo awoodda ciidan ah ayaa ka dhacay koonfurta waddanka Yemen, kadib markii Ciidamada Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee uu hoggaamiyo Tareq Saalax ay si rasmi ah uga leexdeen isbahaysigii ay la lahaayeen Imaaraadka Carabta, iyagoo toos u hoos tegay taliska Sacuu diga.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhina ca kale u riixday, isla markaana wiiqday awooddii Golaha Kala-guurka Koonfu reed (STC), taasoo dib u qaabayn ku samaysay miisaanka awoodda ee xeebta galbeed iyo nawaaxiga magaal ada Cadan.

Ciidamada NRF oo muddo ku dhow siddeed sano garab taagnaa kooxda gooni-u-goosadka ah ee STC, taageero mug lehna ka helayay Abu Dhabi, ayaa haatan amarkooda iyo dhaqaalahoodaba ka qaata Sucuudiga.

Wararka ka imanaya furimaha dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamadii weli daacadda u ah STC ay dib uga gurteen fariisimihii ay ku lahaayeen gobollada Cadan iyo Lahj, iyagoo u ruqaansaday dhanka saldhiggooda weyn ee al-Dhale.

"Hore waxaan amar iyo hagid ka heli jirnay ciidamada Imaaraadka, sidaas darteed daacadnimadeenu iyaga ayay ahayd. shalay, amarka waxaa ina siiya Sacuudiga oo jooga Cadan, sidaa awgeed iyaga ayaan u hoggaansanahay,” ayuu yiri Ammar, oo ah askari ruug-caddaa ah oo da’diisu tahay 49 jir.

Ammar ayaa ku tilmaamay isbeddelkan mid la xiriira anshaxa ciidanka oo aan ku salaysnayn mabda’ siyaasadeed, isagoo xusay in askarigu uu raaco taliyihiisa si looga fogaado fowdo.

Isbeddelkan ayaa dardar yeeshay bishii hore kadib markii Sacuudigu taageeray dalabka Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC) ee ahaa in ciidamada Imaaraadku ka baxaan deegaannadaas. Tani waxay timid kadib xiisad ka dhalatay markii diyaaradaha Sacuudigu duqeeyeen shixnad hub ah oo u socotay kooxaha gooni-u-goosadka.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo askar ku sugan baraha koontaroolka ee gobolka Lahj, calanka Jamhuuriyadda Yemen ayaa hadda lagu beddelay calankii "gooni-isu-taagga” ee STC oo horay halkaas uga baban jiray xilligii joogitaanka Imaaraadka.

Jaawid Subayxi, oo 34 jir ah kana tirsan ciidamada ku sugan Lahj, ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Riyadh iyo Abu Dhabi uu ku riixay dagaalyahanno badan inay la saftaan Sucuudiga.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudigu hadda wado qorshe uu ku doonayo inuu ku mideeyo kooxaha kala daadsan ee hubeysan, si loo hoos geeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo loo arko tallaabo loo qaaday dhanka dhismaha ciidan qaran oo mideysan.

Dhaqaalaha oo ah isha isbeddelka

Awoodda wareegtay ayaa sidoo kale waxaa sii xoojiyay dhanka dhaqaalaha. Askarta NRF ee ku sugan xeebta galbeed ayaa markii ugu horreysay mushaharkoodii bishii Janaayo ka helay Sacuudiga.

"Waxaan ka cabsi qabnay in mushahar ku istaago bixitaankii Imaaraadka kadib, balse waan la yaabnay markii Sucuudi gu bixiyay mushaharaadkayagii,” ayuu yiri Amiin Raashid oo ka tirsan ciidama da NRF.

Taageerada maaliyadeed ee Sacuudiga ayaan ku ekayn kaliya ciidamada, balse waxay sidoo kale bixiyeen mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo maalgelinta mashaariicda gargaarka sida isbitaallada, kuwaas oo markii hore ay gacanta ku haysay Imaaraadka.

Maxamed Cali, oo ah saxafi u dhashay Yemen, ayaa ka digay khatarta ay leedahay in daacadnimadu ku xirnaato cidda lacagta bixinaysa, maadaama hay’adihii dowladdu ay burbureen.

"Dalka bixiya adeegyada aasaasiga ah iyo mushaharaadka shaqaalaha ayaa hannanaya taageerada shacabka,” ayuu yiri Maxamed, isagoo ka digay in xaalad dan ay tahay mid u eg "calooshood u shaqeysnimo” oo daacadnimadu is be ddeli karto mar walba oo maalgeliyuhu is beddelo. Wuxuuna ku baaqay in la helo xal dhaqaale oo waara oo dalku ku maa reeyo khayraadkiisa.

Madaxweyne Trump oo dhigiisa Shiinaha kala hadlay arrimo Taiwan ay ka mid tahay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha uu yahay "mid aad u wanaagsan”.Wuxuu hadalkan sheegay kaddib wada-hadal taleefan ah oo uu la yeeshay Madax weynaha Shiinaha Xi Jinping, kaas oo uu ku tilmaamay "mid aad u heer sar reeya ”.

"Xiriirka aan la leenahay Shiinaha, iyo xiriirka shaqsiyadeed ee aniga iyo Madaxweyne Xi, waa mid aad u wanaag san. Labadeenuba waan fahamsanahay sida ay muhiim u tahay in sidaas lagu sii hayo,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

Trump wuxuu sheegay in wada-hadalkiisa uu la yeeshay Xi Jinping ay ka wada hadleen ganacsiga, Taiwan, dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, Iran, iyo safarkiisa uu soo jeed iyay ee uu ku tagayo Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale faahfaahin buuxda ka bixiyay wada hadalka telefoonka ee uu la yeeshay Madaxweyne Xi kaasoo boggiisa Truth Social u uku daabacay.

Wuxuu qoray, "Waxaan hadda dhamme eyay wada-hadal taleefan oo aad u heer sarreeeya ah oo aan la yeeshay Madaxweyne Xi ee Shiinaha. Wuxuu ahaa wada-hadal dheer oo faahfaahsan, kaas oo ka hadlayay arrimo badan oo muhiim ah.

Kuwaas waxaa ka mid ahaa ganacsiga, arrimaha milatariga, booqashadayda Shiinaha ee bisha Abriil, taas oo aan aad ugu faraxsanahay, Taiwan, dagaal ka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, xaaladda hadda ka taagan Iran, iibsiga Shiinaha ee saliidda iyo gaaska Marey kanka, iyo tixgelinta Shiinaha ee iibsa shada wax-soo-saarka beeraha dhee raadka ah, oo ay ku jirto kordhinta iibsi ga lawska ilaa 20 milyan oo tan.”

Trump wuxuu intaa ku daray, "Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay arrimo kale oo badan. Dhammaan wada-hadalladu waxay ahaayeen kuwo aad u wanaag san. Xiriirka aan la leenahay Shiinaha, iyo xiriirka shaqsiyadeed ee aniga iyo Madaxweyne Xi, waa mid aad u wanaa gsan, labadeenubana waan fahamsa nahay sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo.

Waxaan ku kalsoonahay in la shaqeynta Madaxweyne Xi iyo Jamhuuriyadda Dad ka Shiinaha saddexda sano ee soo soco ta ee madaxtinnimadayda ay keeni doon to natiijooyin badan oo wanaagsan.”

Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo la diiday codsi uu maxkamad u gudbiyey

Garsoore heer federaal ah ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo Anthony Kazmierczak, kaasoo lagu eedeeyay inuu carqaladeeyay hool ku yaalla Minne -apolis oo ay shir ku qabanaysay xildhi baan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga 27kii Jannaayo isagoo ku buufiyay biyo iyo khal.

Garsoore David Schultz oo ah garsoore heer maxkamad degmo oo fadhigiisu ya hay gobolka Minnesota ayaa Talaadadii diiday codsi uu u gudbiyay Kazmierczak oo 55 jir ah, kaas oo ahaa in laga sii daayo xabsiga inta uu kiiskiisu socdo.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray oo uu farageliyay xubin ka tirsan Congress-ka markii uu u yimid Ilhaan Cumar oo ah 43 iyada oo taagnayd halka laga khudbeeyo, wuxuuna isticmaalay saliingo caag ah, kaasoo uu uga buufiyey xabadka iyo caloosha, wax markii dambe la go'aamiyay inuu yahay isku dar ah khalka tufaaxa iyo biyo.

Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.

Waxaa dhici karta in lagu xukumo hal sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga.

Kazmierczak ayaa hadalka ka joojiyey Ilhaan Cumar ka dib markii ay soo qaadday magaca xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha Kristi Noem oo ay ugu baaqday inay iscasisho, ayadoo ku eedeysay inay "kala qaybinayso reer Minnesota".

Shaqaalaha amniga ee Ilhaan Cumar ayaa la tacaalayay Kazmierczak oo ay ku hayeen xabsiga ilaa ay ka yimaadeen booliiska maxalliga ah si ay u qabtaan.

Caddayn FBI-da ayaa muujinaysa in Kazmierczak uu taariikh u leeyahay inuu faallooyin hanjabaad ah u jeediyo Ilhaan Cumar waxaana sannado ka hor lagu eedeeyay inuu soo jeediyay "in qof uu dilo".

Waxa kale oo marar badan la xiray ninkaas 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu helay 1989 kii dambi lagu soo oogay oo ahaa xatooyo baabuur.

Ilhaan oo Kongress-ka ka tirsan ayaa loo jeediyey eedaymo musuqmaasuq la xiriira.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Ilhaan ku eedeeyay inay faa'iido ka samaynay so wax is daba marin, wuxuuna u soo jeediyay in lagala noqdo sharciga dhalas hada.

Waxa kale oo uu doonayaa in Ilhaan xabsiga la dhigo oo la musaafuriyo wax isdabamarin darteed.

Talaadadii ayaa madaxweyne Trump wu xuu baraha bulshada soo dhigay sawir ka ciidamada Mareykanka ee duqeyma ha ka dhanka ah madaxda Daacish ku beegsanayey "god ku yaalla Soomaa liya" bishii Febraayo 2025.

Waxa uu soo dhigay su'aasha ah: "Ilhaan Cumar ma u joogtey si ay u ilaali so 'dalkeeda' musuqmaasuqaysan?"

Ilhaan ayaa dhankeeda sii wadda da gaalka kala dhaxeeya maamulka Trump. Talaadadii ayey barteeda X soo dhigtay qoraal ay ku baaqayso in xoghayaha am niga gudaha ay casisho.

"Waxaa la joogaa wakhtigii ay Kristi Noem tegilahayd. Haddii aysan is casilin waxaan diyaar u nahay in aan daacwad ku soooogno" ayey tiri.

Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraaddi ga, oo ku timid Mareykanka qaxoontini mo ayadoo da'deedu ahayd 12 jir ayaa noqotay muwaadin marki ay gaartay da'da 17 jirka ah, waxayna ku tilshalayy go'aanka Trump mid "wax xun" iyo "caafimaad xumo ah inay qof uga dhegtay".

Sannadkii 2019-kii, Ilhaan waxay noqo tay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah, asalkiisuna yahay Afrik aan Maraykan ah, iyo mid ka mid ah labadii haween ee Muslimka ahaaa ee Maraykanka ugu horreeyey ee ka mid noqda Congress-ka dalkaas.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip