HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 4 FEB-2026

0
Wednesday February 04, 2026 - 08:36:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 4 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: "Muqdisho Waa Mid Ka Mid ah Caasimadaha Ugu Ammaansan Dunida”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay caasimadda Muq disho inay tahay "mid ka mid ah caasima daha ugu ammaansan dunida”, hadal si toos ah loogu fasirtay fariin uu u dirayay hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedya da Puntland iyo Jubaland.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda gobollada ay weli ku xayiran yihiin xusuustii rabshadaha iyo amni-darradii hore ee Muqdisho, isaga oo ku adkeystay in xaaladda amni ee caasimaddu ay si weyn isu beddeshay sannadihii u dambeeyay.

Hadalkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii diyaaradihii siday kooxaha amni ga ee hormuudka u ahaa Madaxweyna ha Puntland iyo Madaxweynaha Juba land loo diiday inay ka soo degaan Muqdisho, iyagoo ku soo jeeday shir diirada lagu saari lahaa wadahadallo doorasho oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federa alka ayaa sheegay in kooxahaasi ay wateen hub culus iyo ciidamo tiro aan caadi ahayn, arrintaas oo ay ku tilm aameen mid khatar amni ku ah caasi madda, islamarkaana aan waafaqsa nayn habraacyada amniga qaranka.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha muca aradka iyo mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa si adag u diiday sheega shadaas, iyagoo carrabka ku adkeeyay in mushkiladdu aysan ahayn amni balse ay tahay kalsooni darro siyaasadeed. Waxay sheegeen inaysan ku kalsoon ayn hay’adaha amniga ee hoos yimaada Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiintaasi waxay tusaale u soo qaateen dhacdooyin hore oo aan weli xal laga gaarin, oo ay ka mid tahay dagaalkii Raskambooni, kaas oo ay sheegeen inuu weli astaan u yahay khilaafka iyo is-aaminaad la’aanta u dhexeysa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

 

Guddigii uu magacaabay Xamza oo qaaday tallaabadii u horreysay

Guddi heer qaran ah ee uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre u magacaabay inay ka shaqeeyaan arri maha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka ayaa shalay yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, tan iyo markii la magacaabay.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wa xaa guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaa hi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), yada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha guddigan oo wasiirro u badan, kuwaas oo kala ah Wasiirka Wasaa radda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

Guddiga ayaa sidoo kale ku balamay inay bilaabaan ka guul gaaridda shaqada culus ee loo igmaday, iyaga oo kaashanaya ciidanka amniga, si looga hortego kooxaha ka shaqeeya tahriibinta oo aad ugu soo badanaya gudaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan wadday qorsheyaal guud oo lagu ciribtirayo tahriibka, waxaana howlgalka xooggiisa laga dareemay garoonka Aadan Cadde oo inta badan la mariyo dadka socdaalayo, iyaga oo sii mara Masar iyo waddamo kale, si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Inta badan dadka baxaya ayaa isugu jiro gabdho wiilal dhalinyaro ah oo sii mara waddo halis badan iyo marinno badeed, halkaas oo ay kala kulmaan dhibaatoiyin nololeed, halka qaarkoodna ay dhex ku waayeen naftooda.

Si kastaba, dadkan ka cararaya dalkoo da ayaa sabab uga dhigaya shaqo la’aanta jirta, iyagoo ku doodaya in raadsanayaan nolol dhaanta tan ay haystaan

Mogadishu City Club oo ku guuleystay Koobka General Daud 2026

Naadiga Mogadishu City Club (MCC) ayaa ku guuleystay Koobka General Daud 2026, kaddib markii ay si layaab leh 3–2 uga adkaadeen Horseed FC, ciyaar xiiso badan oo final ah oo Isniintii ka dhacday Garoonka Muqdisho Stadium, iyadoo ay daawanayeen taa geerayaal aad u tiro badan.

Kooxda Horseed FC, oo ah naadiga ay leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soo maaliyeed, ayaa si xooggan ku bilaa batay ciyaarta, waxayna si degdeg ah u heshay laba gool oo ay ku hormartay 2–0 daqiiqadihii hore ee kulanka. Hase yeeshee, MCC ayaa muujisay adkeysi iyo karti sare, iyagoo sameeyay soo-laa basho cajiib ah, kuna dhaliyay saddex gool oo xiriir ah, taasoo u suurtagelisay inay ku guuleystaan koobka.

Weeraryahanka Cabdiqaadir Enow "Ben teke” ayaa noqday xiddigga garoonka, kaddib markii uu dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee MCC, isla markaana door weyn ka qaatay guusha taariikhiga ah. Bandhiggiisa wacan awgiis, Benteke waxaa loo doortay Ciyaaryahanka Tartanka, kaddib markii uu si joogto ah u muujiyay qaab ciyaareed heer sare ah inta uu socday koobku.

Mogadishu City Club ayaa ololahooda Koobka General Daud bilaabay 10-kii Janaayo, iyagoo 2–1 ku garaacay naadiga Raadsan Club. Guushan ayaa timid kaddib markii MCC ay seegtay hanashada koobka xilli-ciyaareedkii 2024–2025, oo ay ku guuleysatay Dekedda FC.

Koobka General Daud ayaa loo arkaa tartanka saddexaad ee ugu weyn kubad da cagta Soomaaliya, kaddib Horyaalka Premier League-ga Soomaaliya iyo Tar tanka Gobollada. Tartankan oo markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1972-kii, ayaa loogu magac daray Janaraal Daud Cabdulle Xirsi, aas-aasihii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Naadiga Horseed FC, oo matala ciida mada qalabka sida, ayaa kamid ah koox aha si joogto ah uga qayb gala tartankan, kaas oo ay ka qayb qaataan 16 kooxood oo ka kala socda heerarka A, B iyo C ee horyaalka Soomaaliya.

Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi oo ka socda Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafii skiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaa shiga Switzerland oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud ee Hay’adda , Danj ire Patricia Danzi, kuwaas oo shalay soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta i s kaashiga dhow ee u dhexeeya Sooma aliya iyo Switzerland, gaar ahaan dhinac yada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama ay dalka ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah, gaar ahaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu yahay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimilada.

Dhankooda Wafdiga oo Ra’iisul Wasaa raha uga mahadceliyay qaabilaadda, ayaa sii xaqiijiyay sida ay uga go’an ta hay sii wadista taageerada Switzerland iyo ballaarinta mashaariicda horumari need, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah labada dal.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xa runta Madaxtooyada Magaalada Bay dhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doora shooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaa minayo kuwaas oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoo miyaha Gudiga Doorashooyinka Qaran ka ayaa Kulankooda uga wada hadlay arrimo la xiriira geeddi-socodka doora shooyinka Dalka, wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Goor hore oo shalay ah, guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doora shooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Baydhabo u gaaray si ay kulamo ula yeeshaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta arimaha doorashooyinka.

Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo yeeshay wadahadallo muhiim ah

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashi ga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi -salaam Cabdi Cali, ayaa shalay magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika,

Mudane Ronald Lamola. Kulankaasi wa xa uu diiradda saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaa liya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya. Sidoo kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Kulanka sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq

Haweenaydii dishay Saabiriin oo shalay lagu toogtay Gaalkacyo

Waxaa shalay magaalada Gaalkacyo lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo hore maxkamad ugu heshay dambi ga dilka Saabiriin Cabdulle Saylaan, uguna xukuntay dil toogasho.

Xukunka Hodan ayaa waxaa lagu fuliyay fagaaraha toogashada ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen mas’uul iyiinta laamaha cadaaladda.

Dilkan ayaa waxaa fuliyay dhaxlayaasha marxuumadda, iyadoo maxkamadda gobolka Mudug ay sheegtay in fulinta xukunka ay u dhacday si waafaqsan shareecada Islaamka.

Allaha u naxariistee Saabiriin Cabdulle Saylaan oo 14 sano jir ahayd ayaa si arxan-darro ah loo dilay, xilli ay kula noolayd Hodan gurigeeda.

Kiiskan ayaa noqday mid aad u gilgilay bulshada, maadaama uu xambaarsanaa dhacdooyin murugo leh oo naxdin badan.

Intii ay socotay maxkamadeynta, waxaa la soo bandhigay caddeymo ay ka mid ahaayeen muuqaallo muujinaya sida falka dilka ah u dhacay, kuwaas oo si weyn u taabtay dareenka bulshada Soomaaliyeed.

Go’aanka shalay la fuliyay ayaa si weyn loo sugayay, waxaana si gaar ah u soo dhaweeyay ehellada marxuumadda, kuwaas oo muddo dalbanayay in deg-deg loo toogto haweeneyda dishay gabadhooda.

Diyaaradaha Dagaalka Turkiga ee F-16 oo markii ugu horeeysay lagu arkay hawada Muqdisho

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Tur kiga ayaa shalayy ka sameeyay hawada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdi sho duulimaad milateri, iyaga oo ku duu laya jawi hoose.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada haan ay la socdeen ciidamada cirka Soo maaliya oo ay wada shaqeynayeen iya ga iyo ciidamo ka socday dowladda Ankara ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa xoojisay iskaa shiga amni ee ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamo ka kala socda qeybaha cirka, badda, iyo dhulka Turkiga loosoo diray si loo xoo jiyo xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara iyo awoodda ciiidamada Soo maaliya.

Dad ku nool qaybo qeybaha kala duwan ee Muqdisho ayaa saacadihii ugu hor eeyey ee saaakay arkay diyaaradaha F-16 oo ku duulaya jawi hoose, iyaga oo ay weheliyaan diyaarado aan duuliyaha lahayn (UAVs) oo Turkigu horey ugu soo daabulay dalka si ay u taageeraan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay BBC ayaa sheegay in diyaaradahaas ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo taageero siinaya howlgalada milateri ee Soomaaliya iyo Turkiga ee ay sida wadajirka ah u qorsheynayaan.

Turkiga ayaa xoogga saaraya howlga lada militariga ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib badeed casri ah ay usoo direen biyaha Soomaaliya si loo ilaaliyo goobaha shidaalka, iyo mashruuca xarunta dayax-gacmeedka ee socda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in bishii la soo dhaafay Muqdisho la keenay saddex diyaaradood oo F-16 ah, iyadoo la filayo in lix diyaaradood oo kale oo noocan ah, iyo diyaarado kale oo weerar ah, lagu soo kordhiyo mustaqbalka dhow adeegyada militery ay Dowladda Soomaaliya ka hesho wadamada saaxiibadda la ah gaar ahaan Dowladda Turkiga. Sidoo kale, waxaa warar sheegayaan in hawlgallo waaweyn oo ka dhan ah Al-Shabaab ay bilaaban doonaan kadib dhammaadka Bisha Ramadaanka, kuwaas oo lagu beegsanayo deegaanada Shabeellaha Dhexe iyo Hoose, iyadoo Turkiga taageero siinayo.

Dowladda Federaalka oo nasiib darro ku tilmaamtay dhacdadii 1-da Feb iyo dib u dhicii ku yimid wufuudii Jubaland iyo Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay galabta soo saartay ku sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, wadajirka bulshadee da iyo xoojinta hannaan wada-tashi ku dhisan is-afgarad iyo wada noolaansho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hoggaanka sare ee dowladda uu sameeyay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo gogosha wadahadallada qaran ee Muqdisho taala, iyadoo sheegtay in wadatashiyo lala yeeshay waxgarad, culimo, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan wada-tashi oo loo dhan yahay.

Dowladdu waxay sidoo kale xaqiijisay in dhammaan cabashooyinka iyo aragtiyada la soo jeediyay lagu daray ajandaha wadahadallada Gogosha Mustaqbalka, si loo helo natiijo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in nasiib darro ahayd dhacdadii 1-da Febraayo 2026, taasoo sababtay sida ay sheegtay in qaar ka mid ah wufuudda Gogosha Mustaqbalka ay si ku meel gaar ah uga baaqdaan ka qeybgalka wadahadallada.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa ku celisay inay diyaar u tahay inay mar walba qaaddo tallaabo kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, iyadoo ku salaynaysa is-afgarad, ixtiraam iyo danta guud, isla markaana ay mudnaanta siinayso nabadda, wadajirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ka qeybqaataan wadahadal miro-dhal ah oo horseedi kara xasillooni, midnimo iyo horumar waara.

Warkan ayaa kusoo beegmay, kaddib markii saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ay ka xumaadeen tallaaabadii lagu celiyay wafuudii ciidamada u badnaa, kuwaas oi loo diiday inay ka degaan Muqdisho, ka dib markii dowladdu sheegtay in aysan ogolayn in ciidamo iyo hub lagu soo daabulo magaalada Muqdisho, taasoo ay sheegtay in ay kasoo horjeedo xeerka amniga caasimadda ee la dhaqan galiyay.

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala Saxiixday Heshiis is-afgarad oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Feder aalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood.

Waxa uu ka tarjumaya heshiiskaan xiriir ka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaa liya iyo Ruushka, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta nidaamka caafimaadka, tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.

Iskaashigan cusub ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu horumariyo tayada adeegyada caafimaadka iyo in la xoojiyo awoodda hay’adaha caafimaad ka ee dalka, si loo gaarsiiyo bulshadu adeeg caafimaad oo tayo leh.

Wasiirradaha labada dal ayaa kulan gaar ah yeeshay, waxaana ay isla qateen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka, iyagoo ku adkeeyay in heshiiskan is-afgaradka ah si hufan loo dhaqan-geliyo loona miro-dhaliyo natiijooyin muuqda oo ka tarjumaya danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu furo albaabada iskaashi ee cusub, isla markaana horseedo horumar muuqda oo dhinaca caafimaadka ah, gaar ahaan dhinacyada tababarka shaqaalaha, adeegyada hooyada iyo dhallaanka, iyo ka hortagga cudurrada dalka ka dillaaca.


Yemen oo si adag u cambaareysay tacaddiyada lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee mara xeebaha Puntland


Wasaaradda Beeraha, Kheyraadka Kalluumeysiga iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Yemen ayaa si kulul u cambaareysay tacaddiyada iyo xadgudubyada isdaba-joogga ah ee lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee ka shaqeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ay ku eedeysay ciidamada Eritrea iyo maamulka Puntland, iyadoo ku tilshalayy falalkaas jebin cad oo ka dhan ah shuruucda, axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo badaha.

Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Eritrea ay weerar hubeysan oo toos ah ku qaadeen kalluumeysato Yemen ah oo rayid ah, iyagoo isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan, xilli ay ku sugnaayeen biyaha xuduudda badda ee Jamhuuriyadda Yemen ee Badda Cas.

Weerarkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale in la xiray tiro kalluumeysato ah oo si qasab ah loo kaxeeyay.

Wasaaradda ayaa tallaabadan ku tilshalayy mid khatar weyn ku ah amniga iyo badbaadada kalluumeysatada Yemen, isla markaana beegsaneysa nolol-maalmeedkooda iyo xaqooda sharci ee shaqo iyo nolol sharaf leh.

Waxay sidoo kale si adag u cambaareysay waxa ay ku tilshalayy xarig sharci-darro ah oo ay kula kacday Maamulka Puntland, gaar ahaan saraakiisha magaalada Boosaaso, halkaas oo kalluumeysato Yemen ah oo ka soo jeeda gobolka Xadramaawt lagu xiray xilli ay kalluumeysi ku jireen, lagana qaatay doonyahoodii, qalabkoodii iyo kalluunkii ay soo qabsadeen.

Wasaaradda Beeraha Yemen ayaa mas’uuliyadda buuxda ee dhinaca sharciga iyo bani’aadantinimada dusha ka saartay dowladda Eritrea iyo Puntland, iyadoo ka dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan kalluumeysatada la xiray, loo xaqiijiyo badbaadadooda, dib loogu soo celiyo dalkooda si nabad ah, isla markaana loo soo celiyo doonyahoodii, qalabkoodii iyo dhammaan wixii ay wateen iyada oo aan waxba laga dhimin, lana maxkamadeeyo cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadan.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah, kuwa xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha bini’aadantinimada, iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso, inay gutaan waajibaadkooda sharci iyo mid akhlaaqeed, si cadna u cambaareeyaan falalkan, una dhaqaaqaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo tacaddiyada ka dhanka ah kalluumeysatada Yemen, laguna xaqiijinayo ilaalintooda biyaha xuduudda iyo kuwa caalamiga ah.


Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan ka sameeyay Muqdisho


Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa shalay sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose.

Diyaaradahan oo ah kuw ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Maraykanka ayaa dhawaan waxaa magaalada Muqdisho keentay dowladda Turkiga.

shalay qeybo kamid ah Muqdisho waxaa lagu arkayay diyaaradaha F-16 oo ku socda joog hoose, waxaana wehlinayay diyaarado qumaatiga u kaca ah oo Turkigu horay u keenay dalka, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo ka tirsan Cirka Soomaaliya oo wada-shaqeyn dhow la leh kuwa Turkiga ka socda.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Turkiga ayaa sidoo kale xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambee yey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdi sho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaa rinta bakhaarro lagu keydinayo diyaara daha, qalabka dayactirka, iyo joogitaan ka khubaro ku howlan hawl-galinta iyo taageerada farsamo.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in kee nista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Arrimahan ayaa lagu fasiray kuwo sii xoojinaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo saameynteeda gobolka.

 


Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka


Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabd ilaahi (Cirro), ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dowladaha Adduunka (World Govern ments Summit), kaas oo ka socda magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay war-saxaafa deed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sida ay Madaxtooyadu sheegtay, shirkan oo ka mid ah kula mada caalamiga ah ee ugu waaweyn dunida ayaa diiradda lagu saaraa arrimaha hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaa gga, horumarinta dawladnimada, hal-abuurnimada, iyo jihaynta mustaqbalka caalamka.

Madaxtooyadu waxay tilshalayy in shirka sanadkan ay ka soo qaybgalayaan kumannaan masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal caalami ah, oo ay ku jiraan madax-dawladeed, ra’iisul-wasaara yaal, wasiirro, khubaro caalami ah, ganacsato waaweyn, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, "taas oo muujinay sa muhiimadda uu shirku ku leeyahay siyaasadda iyo horu marka caalamka."

Madaxtooyada ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweynaha Somaliland ee shirkan sanadkii labaad oo xidhiidh ah ay muuji nayso door sii kordhaya oo ay Somaliland ku leedahay fagaara yaasha caalamiga ah, isla markaana ay doonayso in ay cod keeda iyo aragtideeda gaadhsiiso bulshada caalamka.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu kulammo la yeesho hoggaamiyeyaal iyo masuuli yiin caalami ah, kuwaas oo, sida Madaxtooyadu xustay, diirad da lagu saari doono arrimaha la xidhiidha horumarka, xasilloo nida, iyo aragtida mustaqbalka ee Somaliland.

Somaliland sidoo kale waxay sheegtay in ka qaybgalka Soma liland ee shirkani uu leeyahay muhiimad diblomaasiyadeed, maaddaama Somaliland ay fursad u helayso in ay madal caalami ah ku soo bandhigto waayo-aragnimadeeda, nabad-dhisida, iyo danaheeda

Weftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, Wakiilka Somaliland ee Isu-tagga Ima araadka Carabta, iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore ka cadhootay ka qaybgalka Somaliland ee shirkan, iyada oo sida ay sheegtay Imaaraatka kala hadashay in Madaxweyne Cirro aan mar dambe lagu soo marti qaadin shir noocan ah, laakiin intaa ka dib waxa sii xumaaday xidhiidhka Muqdisho iyo Abu Dhabi, ka dib markii ay Soomaaliya Imaaraatka ku eedaysay in uu taa geero aqoonsiga Somaliland.


Faylasha Epstein oo shaaca ka qaaday sida Trump ugu afduubnaa sirdoonka Mossad


Dokumeenti sir ah oo ay leedahay Hay’adda Dembi-baarista Mareykanka ee FBI-da, kaas oo Jimcihii la shaaciyay, ayaa soo bandhigay eedeymo xasaasi ah oo ku aaddan Madaxweyn aha Mareykanka Donald Trump iyo xiriirro la sheegay inuu la la haa sirdoonka Israa’iil.

Warbixintan oo qayb ka ah faylasha la xiriira maal-qabeenkii geeriyooday ee dambiyada galmada ku caanbaxay, Jeffrey Epstein, ayaa lagu sheegay in Trump uu "u afduubnaa” dowl adda Israa’iil intii uu xilka hayay muddo xileedkiisa koowaad.

Sidoo kale, dokumeentiga ayaa tilmaamay in Epstein uu ahaa shakhsi la shaqeeya sirdoonka dibadda ee Israa’iil (Mossad), halka koox diimeed Yuhuud ah oo lagu magacaaboChabad-Lubavitchay isku dayday inay afduubato maamulkii Trump ee xilligaas.

Dokumeentigan oo la qoray sannadkii 2020-kii, qaybna ka ah aa baaritaan ay FBI-du ku sameynaysay faragelinta shisheeye ee doorashooyinka Mareykanka, ayaa soo xigtay ilo-wareed qarsoodi ah (Confidential Human Source).

Wuxuu sheegay in kooxdaChabad, oo ah urur diimeed xididdo ku leh Ruushka balse haysta xubno gaaraya 90,000, ay dadaal ugu jirtay inay la wareegto jihaynta madaxtooyada Trump. Kooxdan ayaa lagu tiriyaa inay xiriir dhow la leedahay siyaasadaha fog ee deegaamaynta Yuhuudda ee dhulka Falastiin.

Sida ku cad warbixinta, wiilka uu soddogga u yahay Trump, Ja -red Kushner, ayaa lagu tilmaamay "maskaxda dhabta ah” ee ka dambeysay maamulka Trump, isagoo taageero xooggan u hayay kooxdan.

"Maalintii Trump la doortay, gabadhiisa Ivanka iyo seygeeda Kushner waxay booqdeen qabriga Rabbi Schneerson, oo ahaa wadaadkii ugu awoodda badnaa shabakadda Chabad,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ilo-wareedka FBI-da ayaa intaas ku daray: "Trump waxaa gacanta ku dhigay Israa’iil, waxaana arrimaha maamulkiisa hagayay Kushner.”

Xiriirka Epstein, Mossad iyo Ruushka

Dhinaca kale, warbixinta ayaa si qoto dheer uga hadashay Jeffrey Epstein, iyadoo ku tilmaamtay inuu ahaa wakiil u shaqeeya sirdoonka Mossad.

"Xogtu waxay na tuseysaa in Epstein uu ahaa wakiil ay qoratay Mossad,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la xusay inuu xiriir dhow oo tobanaan sano ah la lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Ehud Barak.

Barak, oo horey usoo noqday sarkaal sare oo dhanka sirdoon ka milatariga ah, ayaa lagu eedeeyay inuu Epstein u tababaray hawlaha basaasnimo, isagoo in ka badan 30 jeer ku booqday guriga Epstein ee New York intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017.

Dokumeentiga ayaa sidoo kale soo bandhigay iimayllo dhex maray labada nin, oo u muuqday kuwo si sarbeeb ah uga hadlaya xiriirkaas sirdoon.

Arrintan ayaa lagu xiriiriyay heshiiskii muranka dhaliyay ee Epstein uu galay 2008-dii, xilligaas oo dacwad-oogihii kiiska, Alex Acosta, loo sheegay in Epstein uu "ka tirsan yahay sirdoonka,” sidaas darteedna loola dhaqmo si ka duwan maxaabiista kale.

Ugu dambeyntii, warbixinta FBI-da ayaa xustay in kooxda Chabad ay xiriir la leedahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo loo sii marayo wadaadkooda Berel Lazar, kaas oo la sheegay in Putin uu u adeegsado inuu kula socdo dhaqdhaqaaqa maalqabeennada Yuhuudda ee Ruushka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip