HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 28 JAN-2026

0
Wednesday January 28, 2026 - 08:00:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 28 JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya mu dane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, waxaanna ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan dadaallada nabadda, ilaalinta madax-bannaanida iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dowladood, isaga oo xusay in Jabuuti ay qeyb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya gaar ahaan amniga la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda Dekedaha XFS oo soo dhoweyn u sameeyay wafdi ka socday Turkiye

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekada ha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxa med Cabdulqaadir Dhucle, ayaa Garoon ka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhawee yay wafdi ballaaran oo uu hoggaamina yo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Jamhuuriyadda Turkiga, oo ah dal walaal ah, Mudane Durmuş Ünüvar.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dekadaha iyo tayeynta adeegyada istiraatiijiga ah ee gaadiidka badda.

Inta uu wafdigu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan madaxda sar…

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo khawaarij ah oo lagu dilay Kuunya Barrow

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo muddo dheer dhibaato ku hayay nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.

Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca iyo baadda hantida shacabka, falal amni-darro oo uu ka geystay deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay bulshada.

Sidoo kale, Cabdullaahi Wadaad ayaa ku lug lahaa dilalka ganacsato badan oo dalkooda maalgashanayay, iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, sida uu wasiirku xusay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira ka hortagga khilaafaadka horseeda colaadaha sokeeye iyo xoojinta dedaallada dib-u-heshiisiinta ee lagu xallinayo colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, si loo adkeeyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dalka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga faragelinta shisheeye, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hoggaanka dhaqanka iyo Wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ganacsatada kala shaqaynaysa ka faa’iideysiga suuqa EAC

Wasiir-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaa sha ganacsiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ururrada bangi yada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Isgaarsiinta, iyo haweenka ku jira ganacsiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsiyada Soomaaliyeed si habboon loogu diyaarin lahaa ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), iyadoo la hubinayo in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu door muuqda ku yeesho geeddi-socodka xubinnimada. Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gelitaanka suuqyada gobolka, wax ka qabashada caqabadaha sharciyeynta iyo maalgelinta, iyo dejinta siyaasado taageeraya tartan-wanaagga iyo kobaca ganacsiga ee guud ahaan Bariga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay wadatashi joogto ah iyo iskaashi dhow oo ay la yeelanayso ganacsatada, si xubinnimada EAC loogu beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo kor u qaada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

 

 

Wasiir Fiqi oo qaabilay madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Seán Clancy, oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milateri ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, sii joogtaynta taageerada kala duwan, iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka iyo AUSSOM.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire, Francesca Di Mauro, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dhinac.

Hantidhowrayaal Soomaaliyeed oo shir uga qaybgalay Turkiga

Hantidhowrayaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga uga qaybgalaya barnaamijka daraasadka iyo horumarinta xirfadaha hantidhowrka, kaas oo ah iskaashi u dhexeeyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga. Barnaamijkan ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Barnaamijka waxaa si rasmi ah u furay hoggaanka sare ee Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Labada dhinac ayaa ka hadlay muhiimada iskaashiga Hay’adaha Hantidhowrka Guud, wadaagga khibradaha, iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo xoojiyo tayada hantidhowrka.

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed, oo hadal ka jeediyay furitaanka barnaamijka, ayaa uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Turkiga taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leeyihiin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo carrabka ku adkeeyay in tababarkani uu si toos ah uga qayb qaadanayo tayeynta baarista iyo ilaalinta kheyraadka dadweynaha.

Xafiiska xeer-ilaaliyahaguud oo soo bandhigay guulihii 2025 iyo qorshayaasha 2026

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shalay qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka cusub ee 2026, iyo waxyaabihii ka fulay ama aan fulin ee qorshayaashii sanadkii tegay.

Shirka, oo socday laba maalmood, ayaa waxaa shir guddoominayey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud. Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan waaxyaha kala duwan ee dacwad-oogista Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Xoghayaha Guud, iyo Agaasimayaasha.

Inta lagu guda jiray shirka, waaxyuhu waxay soo bandhigeen guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray sannadkii 2025, isla markaana lagu soo bandhigay qorshayaasha sannadka cusub ee 2026.

Gaba-gabadii shirka, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa bogaadiyey dadaalka iyo horumarka laga gaaray qorshayaashii sanadkii hore, isagoo waaxyaha kala duwan kula dar-daarmay in shaqada hortabinta leh la dar-dar geliyo, laguna dadaalo hirgelinta iyo fulinta qorshayaasha sannadka 2026 ee shirka lagu ansixiyey.

Milatari Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Deegaanka Jabad Godane.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen halkaas.

Howlgalkan ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana gudaha deegaanka daadsan meydad badan oo ay ciidamada qaranku nafta dhaafiyeen.

Deegaanka Jabad Godane ayaa wax ka yar 15 KM u jira deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada weli wada howlgallo sifeyn ah oo ka socda guud ahaan gobolka.

Deegaankan oo maleeshiyaadka Al-Shabaab maalmihii dambe si gaar ah muhiimad u siinayeen, ayaa barqadii shalay ciidamada si buuxda ula wareegeen, iyagoo burburiyay goobihii gabaadka u ahaa kooxda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah mid lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, looguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanadii laga saaray.

Wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka oo ka jawaabtay hadallo ka yimid Xildhibaanada qaarkood

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka (OC), kuwaas oo la xiriira hanaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Cutubyada Shanaad ilaa Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda.

Hay’adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubaland ay ka qeybgashay.

Iyadoo ay taasi jirto, hay’adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay mar kale adkaynaysaa in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo kala dirtay afar xiriir isboorti

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u kala diray afar xiriir isboorti oo ka jiray dalka, kadib qiimeyn ay wasaaraddu ku samey say shaqadooda iyo sharciyaddooda.

Xiriirrada la kala diray ayaa kala ah Xiriirka Soomaaliyeed ee Teeniska Miiska, Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha, Xiriirka Soomaaliyeed ee Badmintonka iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Shiishka.

Go’aankan ayaa ku saleysan, sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka, ilaalinta danaha guud ee shacabka iyo dhowrista sumcadda isboortiga Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xiriirradaan ay si khaldan uga faa’iideysanayeen magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan u hoggaansamin waajibaadkii sharci iyo shaqo ee laga rabay.

Go’aanka kala dirista ayaa sidoo kale tixraacaya qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah iyo Xeer-Nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa warqadda ku caddeeyay in xiriirrada la kala diray laga mamnuucay isticmaalka magaca, astaanta iyo sharciyadda dalka, isagoo xusay in tallaabo sharci laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta go’aankan.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay ka go’an tahay dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha isboortiga dalka, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, hufnaan iyo in Soomaaliya si sharaf leh loogu matalo tartamada caalamiga ah.

Midowga Yurub oo taageeray shirka ay aqbaleen Mucaaradka.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay qaateen hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ah, kuwaas oo aqbaleen ka qeybgalka shir wadatashi oo ay martiqaad ka heleen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Francesca Di Mauro ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (horey Twitter) ku sheegtay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay aqbaleen casuumaadda kadib kulan ay yeesheen, iyadoo arrintaas ku tilshalayy "tallaabo togan oo wax dhisaysa.”

Safiirku waxay intaas ku dartay in hadda loo baahan yahay jawi ku habboon oo horseeda wadahadallo miro-dhal ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Shirka wadatashiga ayaa lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho 1-da Febraayo 2026, waxaana martiqaadkiisa si rasmi ah uga yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka, ayaa horey si weyn uga horyimid qorshaha dowladda ee ku aadan nidaamka doorashada "hal qof, hal cod” oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn.

Dhawaan goluhu wuxuu shuruud ka dhigay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah oo lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya: Marnaba ma oggolaaneyno in Falastiiniyiin loosoo barakiciyo dhulka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya: Marnaba ma oggolaaneyno in Falastiiniyiin loosoo barakiciyo dhulka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si adag u beeniyay una diiday warar iyo soo jeedinno ku saabsan in shacabka Falastiin losoo barakiciyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Somaliland.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Al-Jazeera Isniintii, ayuu wasiirku ku sheegay in ay gabi ahaanba wax aan la aqbali karin tahay in Falastiiniyiinta lagu qasbo inay ka haajiraan dalkooda ama loo raro dhul kale, gaar ahaan in la geeyo Somaliland ama halkaas laga dhiso saldhig ciidan.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marna oggolaan doonin wax kasta oo keeni kara barakicin ama degsiin qasab ah oo lagula kaco shacabka Falastiin, isagoo xusay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad oo ku dhisan taageerada xuquuqda shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dalkooda.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeynayso taageerada saaxiibbadeeda iyo beesha caalamka si loo helo dal Soomaaliyeed oo mideysan, nabdoon, isla markaana xasilloon.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa mar kale adkeeyay in dalku uusan marna ka mid noqon doonin qorshe kasta oo wax u dhimaya shacabka Falastiin ama ku xadgudbaya xuquuqdooda, isagoo ku tilmaamay fikradahaas kuwo ka hor imanaya mabaadi’da bani’aadannimo, akhlaaqda iyo sharciga caalamiga ah.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekada ha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Dhucle oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekadaha Axmed Yusuf Cabdulle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga Durmuş Ünüvar.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.

Inta ay wafdigu ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, waxay ay kulamo la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Ururka Xisbulaah oo digniin u diray Mareykanka.

Naciim Qaasim, Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ayaa u sheegay taageerayaashiisa khudbad telefishin laga baahiyay iyo isu-soo-bax uu ku taageerayay Iiraan: "Haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ka bilaabaan Iiraan, annagu dhexdhexaad kama ahaan doonno.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa yiri:"Waxaan u aragnaa hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan mid annagana nagu wajahan, waxaana leenahay awood buuxda oo aan ku qaadno tallaabo kasta oo aan ku aragno inay ku habboon tahay ka hortaggeeda.”

Khudbadda Naciim Qaasim ayaa si toos ah looga baahiyay Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray:"Arrinta Iiraan kama nihin dhexdhexaad, waxaana ku dhawaaqi doonnaa tallaabadeenna waqtiga ku habboon,” isaga oo ka digay in dagaal cusub oo lagula kaco Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu "dab qabsan doono guud ahaan gobolka.”

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dhanka afka ah oo u dhaxeeyay saraakiisha Iran iyo dowladda Lubnaan oo ka dhashay hub ka dhigis lagu sameeyay kooxdan.

Qorshaha Gargaarka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay

Afhayeenka QM Stéphane Dujarric ayaa sheegay in la bilaabay Qorshe Gargaar Bani’aadannimo oo Soomaaliya loogu talagalay sannadka 2026, kaas oo ku kacaya $852 milyan. Lacagtan waa 40% ka yar tii la codsaday sannadkii hore, waxaana lagu caawinayaa 2.4 milyan oo qof.

Dujarric wuxuu sheegay in hoos u dhaca lacagta uusan ahayn sababtoo ah baahiyaha dadka oo yaraaday, balse uu ka yimid lacag la’aan iyo kheyraad kooban.

Wuxuu intaa ku daray in adeegyo badan oo muhiim ah ay yaraandoonaan, maaddaama in ka yar kala bar dadka u baahan gargaar ay heli doonaan caawimaad.

Afhayeenku wuxuu ka digay in haddii aan si degdeg ah loo kordhin gargaarka, abaarta daba-dheeraatay, nolol-beelka, barakaca, cudurrada iyo gargaarka oo yaraada ay sii xumeyn doonaan cunno-yarida, biyo la’aanta iyo khataraha caafimaad.

Wuxuu xusay in sannadkii hore Qaramada Midoobay ay codsatay $1.4 bilyan, balse la helay oo keliya $397 milyan (27%), taasoo sababtay in hay’adaha gargaarku ay yareeyaan ama joojiyaan caawimaad naf-badbaadin ah.

Dhanka kale, qorshahan wuxuu yimid bil kaddib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni-isu-taag 1991, balse weligeed ma helin aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Eric Trump oo Beenisay In Kulamo Dhex Mareen Madaxweynaha Somaliland iyo Eric

Afhayeen u hadlay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si cad u beenisay in wax kulan ah uu dhex maray Eric Trump iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), intii ay socdeen munaasibado ka dhacay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Kimberly Benza ayaa Reuters u sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho ballaadhan oo dad badan ay joogeen, balse aysan jirin wax kulan gaar ah oo dhex maray labada dhinac. Waxay intaas ku dartay in Eric Trump aanu marnaba kala hadlin Madaxweynaha Somaliland arrimo la xidhiidha deked ama maalgashi.

"Marna ma dhicin in Eric Trump uu kulan la yeesho Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena marna kama wada hadlin deked ama wax kale, ” ayay Benza ku sheegtay waraysi ay siisay Reuters, iyadoo xustay in in ka badan 100 qof ay joogeen hoolka xilligaas.

Afhayeenku waxa kale oo ay sheegtay in Eric Trump aanu wax faallo ah ka bixin khudbaddii Madaxweynaha Somaliland uu jeediyay, isla markaana wada-hadalladii dhacay ay ahaayeen oo keliya salaam iyo is-barasho guud.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa isna Reuters u sheegay in uu la hadlay Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, isaga oo sheegay in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo guul leh. Si kastaba ha ahaatee, Reuters ayaa sheegtay in aanay si madaxbannaan u xaqiijin karin faahfaahinta wada-hadallada la sheegay inay dhex mareen Madaxweynaha Somaliland iyo Eric Trump.

Reuters ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho albaabadu u xidhnaayeen oo lagu qabtay Davos, halkaas oo uu kaga hadlay fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera oo ku taalla marin ganacsi oo caalami ah.

Sida ay Reuters xustay, weriye ka tirsan wakaaladda ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay hoolka uu Eric Trump ku sugnaa, isla markaana sawirro la arkay ay muujinayeen Eric Trump oo gacan qaadaya Madaxweynaha Somaliland.

Midowga Yurub oo soo dhaweeyay in mucaaradku aqbalay shirka wadatashiga Dowladda Soomaaliya

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay qaateen isbahaysiga weyn ee mucaaradka ah, kaas oo aqbalay ka qeybgalka shir wadatashi ah oo ay martiqaad ugu fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo wanaagsan oo dhanka xasilloonida dalka ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council), oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal goboleedyo iyo masuuliyiin hore, ayaa xaqiijiyay in ay ka qeybgeli doonaan shirka wadatashiga ee lagu wado in 1-da Febraayo 2026 lagu qabto magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa martiqaadkiisa si toos ah uga yimid Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (Twitter hore) ku sheegtay in xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay aqbaleen casuumaadda kadib kulan ay yeesheen, iyadoo ku tilshalayy arrintaas "tallaabo togan oo wax dhisaysa”.

Waxay intaas ku dartay in waxa hadda loo baahan yahay ay tahay jawi ku habboon oo horseeda wadahadallo miro-dhal ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa horey khilaaf adag ula lahaa dowladda federaalka, gaar ahaan qorshaha ku aaddan in dalka loo guuro nidaamka doorasho ee "hal qof, hal cod”.

Inkastoo ay aqbaleen ka qeybgalka shirka, haddana goluhu wuxuu shuruud ka dhigay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah oo kalsooni ku dhisan.


Waalidiin Soomaaliyeed oo carruurtooda u dira xerooyin tacaddiyo ka dhacaan oo ku yaala Soomaaliya iyo Kenya


Baaritaan ay samaysay warbaahinta Finland ee Yle ayaa daaha ka qaaday in waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool Finland ay carruurtooda u diraan xerooyin edbin (dhaqan-celis) oo ku yaalla Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo dhalinyarada lagu hayo jirdil, silsilado iyo go’doomin adag.

Baaritaanka waxaa sameeyay Wali Xaashi, oo ah wariye ka tirsan wararka Af-Soomaaliga ee Yle. Si uu xog u helo, Xaashi wuxuu iska dhigay aabbe raadinaya meel uu wiilkiisa geeyo, wuxuuna si qarsoodi ah u galay xerooyin ku yaalla Muqdisho iyo Kenya.

Xerooyinkaas, oo isu soo bandhiga dugsiyo dhaqan-celin ah, ayaa dhab ahaantii lagu hayaa dhalinyaro sariiro lagu silsiladeeyay, la garaacayo, laguna ciqaabayo cunto yari iyo kelinimo. Agaasimayaal ka tirsan xerooyinka ayaa qirtay in dhalinyarada marka la keeno timaha laga xiirayo, lugahana silsilado looga xirayo haddii ay iska caabiyaan.

Waalidiinta carruurta dira ayaa inta badan ujeedkoodu yahay inay ka badbaadiyaan daroogo, dembi ama nolol ay u arkaan mid aad u "reer-galbeed” ah. Arrintan waxaa Af-Soomaali ahaan loo yaqaannaa dhaqan-celis, balse baaritaanku wuxuu muujiyay in ay noqotay ganacsi faa’iido badan leh, iyadoo qoysasku bixiyaan boqolaal yuuro bishii.

Dhalinyaro laga soo diray dalal kala duwan sida Finland, Sweden iyo Denmark ayaa lagu arkay xerooyinkan. Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa sheegay in waalidkood lagu qanciyay talo bulsho oo sheegaysay in xerooyinku yihiin xal wanaagsan.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha, Jasmin Osman, oo ku dhalatay Denmark, ayaa sheegtay in fasax loo sheegay uu noqday dabin. Waxaa laga dejiyay diyaarad ku hakaday Soomaaliya, waxaana lagu xiray xero halkaas ku taalla muddo siddeed bilood ah, iyadoo silsilado lagu hayay lana jirdilay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa qirtay inay ogtahay in carruur halkaas loo diro, balse xog toos ah oo ku saabsan kiisaskaasi ay aad u yar tahay.

Diblomaasiyiin iyo khubaro la shaqeeya dhibbanayaasha ayaa sheegay in dhalinyaro badan ay si daran u dhaawacmaan maskax ahaan, isla markaana ay ku adkaato inay dib ula qabsadaan noloshii ay ka yimaadeen.

Warbixintu waxay muujisay baahida loo qabo in arrintan si furan looga hadlo, isla markaana la helo hab lagu taageero dhalinyarada dhibbanayaasha ah, halkii aamusnaan dhaqan ahaan loo arki lahaa xal.


Macallimad Maraykan ah oo 93 maalmood loogu haystay Afduub Soomaaliya oo faahfaahisay ka bixisay


Macallimad iyo gargaare caalami ah oo u dhalatay dalka Maraykanka, Jessica Buchanan, ayaa faahfaahin ka bixisay waayo-aragnimo argagax leh oo ay la kulantay kaddib markii 93 maalmood afduub loogu hayay gudaha Soomaaliya.

Jessica, oo xilligaas 32 jir ahayd, ayaa la afduubay 25-kii Oktoobar 2011 xilli ay howlo bini’aadannimo ka waday magaalada Galkacyo, kaddib safar shaqo oo ay uga timid Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Afduubka ayaa dhacay iyadoo ay la socotay kolonyo amni, balse waxaa jidka u galay rag hubeysan oo ku labisnaa darees booliis, kuwaas oo iyada iyo nin u dhashay Denmark, Poul Hagen Thisted, ku qasbay inay u kaxeeyaan dhanka koonfurta.

Jessica ayaa sheegtay in intii lagu hayay afduubka ay aragtay carruur aad u da’yar oo hubeysan, kuwaas oo ka mid ahaa kooxaha afduubka. Waxay si gaar ah u xustay wiil 11 jir ah oo watay qori AK-47, kaas oo ay sheegtay in loo tababarayay ganacsiga afduubka iyo madaxfurashada.

"Waxay ahayd wax aan caqli gal ahayn inaan amar ka qaato ilmo 11 jir ah oo mindi qoorta ii saaraya,” ayay tiri Jessica, iyadoo tilshalayy cabsi iyo bahdil joogto ah ay kala kulmeysay afduubayaasha.

Kooxda afduubka ayaa dalbaday $45 milyan oo dollar oo madaxfurasho ah, iyagoo u haystay in ay la mid yihiin burcad-badeedda afduubta maraakiibta ganacsiga. Jessica ayaa sheegtay in tani ay ahayd cabsi weyn, maadaama iyaga ay ahaayeen shaqaale gargaar, aan lahayn awood dhaqaale ama dowlado si fudud u bixin kara lacagtaas.

Intii lagu jiray afduubka, Jessica ayaa sidoo kale la ildarnaatay xanuun culus iyo xaalado nololeed oo aad u liitay. Waxay sheegtay in ay sameysay wicitaankeedii ugu dambeeyay ee bishii Janaayo 2012, iyadoo ka digtay in ay halis ugu jirto dhimasho haddii aan la daaweyn.

"Waxa maskaxdayda ku soo dhacayay oo keliya: ‘Ilaahayow, Ilaahayow, Ilaahayow, mar kale ayaa naloo afduubayaa. Tani waxay u badan tahay Al-Shabaab, mana ka badbaadi doono.’

‘Ma haysto tamar, ma haysto xoog, mana haysto awood aan uga badbaado koox kale. Runtii halkan ayaan ku dhimanayaa.’

‘Si lama filaan ah ayuu qof u qabtay garbaha iyo anqawyadayda, wuxuuna isku dayay inuu iga jiido buste igu duubnaa. Aniguna waan iska celinayay. Markaas ayaan maqlay cod nin dhalinyaro ah oo Maraykan ah, wuxuuna yaqaanay magacayga, wuxuuna igu yiri: "Jessica, waa hagaag. Hadda waad nabad qabtaa.”’

Saacadaha hore ee 25-ka Janaayo 2012, kaddib amar ka soo baxay madaxweynihii Maraykanka Barack Obama, 24 askari oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee US Navy SEALs ayaa habeen mugdi ah diyaarad kaga soo degay meel u dhow xeradii lagu hayay Jessica Buchanan iyo Poul Hagen Thisted.

Howlgalka samatabbixinta ayaa lagu dilay sagaal burcad Soomaaliyeed, halka aysan wax khasaare ah soo gaarin ciidanka Maraykanka, iyada oo Jessica iyo saaxiibkeedna si nabad ah loo badbaadiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip