Guddigii uu magacaabay Xamza oo qaaday tallaabadii u horreysay + Sawirro

0
Tuesday February 03, 2026 - 14:33:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii uu magacaabay Xamza oo qaaday tallaabadii u horreysay + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddi heer qaran ah ee uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre u magacaabay inay ka shaqeeyaan arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, tan iyo markii la magacaabay.

 

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), yada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha guddigan oo wasiirro u badan, kuwaas oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.

 

 

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

Guddiga ayaa sidoo kale ku balamay inay bilaabaan ka guul gaaridda shaqada culus ee loo igmaday, iyaga oo kaashanaya ciidanka amniga, si looga hortego kooxaha ka shaqeeya tahriibinta oo aad ugu soo badanaya gudaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan wadday qorsheyaal guud oo lagu ciribtirayo tahriibka, waxaana howlgalka xooggiisa laga dareemay garoonka Aadan Cadde oo inta badan la mariyo dadka socdaalayo, iyaga oo sii mara Masar iyo waddamo kale, si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

 

 

Inta badan dadka baxaya ayaa isugu jiro gabdho wiilal dhalinyaro ah oo sii mara waddo halis badan iyo marinno badeed, halkaas oo ay kala kulmaan dhibaatoiyin nololeed, halka qaarkoodna ay dhex ku waayeen naftooda.

Si kastaba, dadkan ka cararaya dalkooda ayaa sabab uga dhigaya shaqo la’aanta jirta, iyagoo ku doodaya in raadsanayaan nolol dhaanta tan ay haystaan




 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip