
Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay ujeed laga lahaa arrintii BF
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhacdadii shalay ee Baarlamaanka, kadib markii dood xooggan oo sababtay buuq ay ka dhalatay in Golaha la horgeeyo wax ka beddalka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ka ah.
Bayaanka kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaas uu ka dambeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu cadaadis ku saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, si loo fuliyo qorshaha Villa Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu goluhu intaas ku sii daray in shalay ay dhacday mas’uuliyad darro wayn iyo ku takrifal awoodeed oo Baarlamaanka dhexdiisa ah, sidoo kalena la marin habaabiyay bulshada Soomaaliyeed.
"Goluhu wuxuu si dhow ula socday in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku cadaadiyay guddoomiyaha in uu tallaabadan wax ka beddalka Dastuurka qaado, isla markaana uu guddoomiyaha si ula kac ah u marin habaabiyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo u sheegay in xildhibaannada loo qaybiyay cutubyadii wax ka beddalkooda ee lasoo jeediyay. Arrintan waxay muujineysaa mas’uuliyad darro siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed” ayaa lagu yiri bayaanka.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedka laga leeyahay sii wadista wax ka beddalka Dastuurka ay tahay in lagu fashiliyo wada-hadallada u bilaabanaya xukuumadda iyo golaha ee dhawaan loo ballansan yahay, kuwaas oo ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.
"Haddaba golaha wuxuu hoosta ka xariiqayaa in tallaabooyinkan loogu talagalay in lagu carqaladeeyo geeddiga wada-hadallada qaran ee u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo ballansan yahay 1-ada Febraayo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kae oo uu goluhu cod dheer ku sheegay in uu kasoo horjeedo wax ka bedelka Dastuurka, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka sharci darrada ah ee lagu bedalayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012-kii.
Si kastaba,Arrinta Dastuurka ayaa noqotay doodda ugu adag ee hadda taagan waxaana weli muuqaata in Villa Somalia ay ku adkeysaneyso go’aankeeda.



0 




Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay ujeed laga lahaa arrintii BF
.