Mareykanka oo dib u fasaxay kaalmada Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

0
Thursday January 29, 2026 - 08:19:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dib u fasaxay kaalmada Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Maraykanka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay si degdeg ah dib ugu billaabayso kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya, tallaabadaas oo soo afjaraysa hakad toddobaadyo qaatay oo yimid kadib markii la sheegay in la jabsaday bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho oo ay ku jireen raashin gargaar ah oo Maraykanku maalgeliyay.

 

Go’aankan ayaa yimid maalmo uun kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u qiratay inay lahayd mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Dekedda Muqdisho, halkaas oo saraakiil dawladda ka tirsan ay burburiyeen xarun ay lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), isla markaana ay la wareegeen raashin gargaar ah xilli ay socotay ballaarinta dekedda.

"Maraykanku wuxuu bogaadinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda tallaabooyinkii saameeyay hawlaha WFP,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Gargaarka Dibadda ee Maraykanka. "Warbixintan kadib, waxaan dib u billaabi doonnaa qaybinta cuntada WFP, annagoo isla markaasna sii wadi doonna dib-u-eegista ballaaran ee aan ku samaynayno kaalmada aan siinno Soomaaliya.”

 

 

Washington ayaa joojisay gargaarka cuntada 7-dii bishii Janaayo, iyadoo daliishanaysa siyaasadda "dulqaad la’aanta ah” (zero tolerance policy) ee ku aaddan leexsashada hantida Maraykanka. Maamulka Madaxweyne Trump, oo qaaday tallaabooyin adag oo lagu kormeerayo gargaarka shisheeye, ayaa ka digay in maalgelinta mustaqbalka ay weli tahay mid si dhow isha loogu hayo.

Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa billowday horraantii bishan markii kooxaha dhismuhu, oo banneynayay dhul loogu talagalay mashruuc casriyeyn ah oo ay waddo shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ay dumiyeen bakhaar ay lahayd WFP. Xaruntaas ayaa waxaa ku jiray qiyaastii 76 tan oo raashin muhiim ah oo loogu talagalay dadka nugul.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Isniintii ayaa lagu muujiyay "qoomamo” ku aaddan "xaaladaas nasiib-darrada ah,” iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan agabkii la qabtay dib loogu celiyay hay’adda Qaramada Midoobay.

 

 

"Dowladda Federaalka waxay qaadanaysaa mas’uuliyadda buuxda ee xallinta xaaladdan,” ayay tiri Wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay inay WFP siisay "bakhaar ka weyn kana habboon kii hore” oo ku dhex yaalla dekedda si loo hubiyo in hawluhu aysan istaagin.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa markii hore beeniyay in gargaar la leexsaday, iyagoo ku tilmaamay carqaladda mid la xiriirta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee loogu talagalay in lagu kordhiyo awoodda dekedda. Hase yeeshee, markii ay wajaheen xayiraadda kaalmada muhiimka ah ee Maraykanka, xukuumadda Muqdisho ayaa si degdeg ah u xallisay khilaafka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip