Shirkii 27-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo Muqdisho lagu qabtay

0
Thursday January 29, 2026 - 07:19:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii 27-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo Muqdisho lagu qabtay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa shir-guddoomiyay kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli ay Soomaaliya hayso Guddoonka Madasha.

kulankaan waxaa si rasmi ah u soo xaadiray Wasiiradada Maaliyadda Dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya South Suudaan, halka ay si fogaan arag ah qadka ugu jireen Dowladaha Suudan iyo Kenya. Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, EU, Urur-Goboleedka IGAD, UK iyo Jarmalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga tamarta gobolka, oo ah tiir muhiim u ah isdhexgalka dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika iyo kobaca waara ee gobolka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ahaa shir guddoonka kulanka ayaa faah-faahiyay dood ay si gaar ah madashani u yaalatay in aad loogu lafa guray sidii loo heli lahaa Tamar (Koronto) ay awoodi karaan dadka gobolka Geeska Afrika in ay qiimo jaban ku helaan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in xoogga la saaray sidii loo heli lahaa maalgalinta mashaariicda lagu horumarinayo Tamarta.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Shirkii 27-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo Muqdisho lagu qabtay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip