
Madaxa Hay'adda SODMA iyo Safiirka Masar ee Soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Salaax Xasan
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, kahortagga masiibooyinka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha.
Safiirka Masar Danjire Maxmed Salaax Xasan ayaa sheegay in dowladda Masar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha, fatahaadaha, iyo xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaaa ka wada hadlay barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha SODMA, kuwaas oo ay ka mid yihiin in khubaro Masaari ah ay tababaro u fidiyaan shaqaalaha hay’adda, si loo xoojiyo aqoonta la xiriirta saadaasha hawada, qiimeynta khataraha, iyo maareynta masiibooyinka.
Guddoomiyaha SODMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaata xasilloonida iyo horumarka dalka


0 



Madaxa Hay'adda SODMA iyo Safiirka Masar ee Soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah
.