
Guddoomiyaha gobolka Hadhramaut oo ku eedeeyay Imaaraatka ku tumashada qiyamka walaaltinimo, Islaam iyo Carabnimo
Guddoomiyaha gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen, Salam Al-Khanbashi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka faa’iideysteen sharciyadda isbahaysiga taageeraya dib-u-soo-celinta dowladnimada Yemen, si ay u fuliyaan ajandahooda gaarka ah ee dalkaas.
"Waxaan u malaynaynay in Imaaraadku noo noqon doono taageero iyo gargaar, balse ficilladiisa ayaa naga yaabiyay,” ayuu yiri.
Guddoomiyuhu wuxuu xaqiijiyay in gobolka Hadhramaut uu la daalaa dhacayo kooxo hubeysan oo xiriir la leh Cidruus Al-Zubaidi, kuwaas oo ay taageerayaan Imaaraadka Carabta. Wuxuu sheegay in kooxahan ay ku kaceen falal duullaan iyo argagax-gelin ah oo ka dhan ah muwaadiniinta, ayna geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dhac, afduub, dil, barakicin, burburinta hantida dowladda iyo bililiqaysiga xarumaheeda, taasoo keentay khasaare ballaaran oo saameeyay bulshada gobolka.
Intii lagu jiray shir jaraa’id, Al-Khanbashi wuxuu caddeeyay in dowladda Yemen ay saldhigga Rayyan ee magaalada Mukalla ka heshay qalab iyo waxyaabo aan waafaqsanayn ujeeddooyinka isbahaysiga taageeraya sharciyadda ama qiyamka walaaltinimo, Islaam iyo Carabnimo. Qalabkaas ayaa la sheegay inuu ka koobnaa fiilooyin, walxo qarxa, qalab qarxin ah iyo agab isgaarsiineed oo loo adeegsado dilal qorsheysan iyo jirdil.
Wuxuu tilmaamay in agabka lagu arkay gudaha xerada garoonka Rayyan ee Imaaraadku maamulayeen uu muujinayo in saldhiggaas loo adeegsaday xarun lagu qorsheeyo laguna fuliyo dambiyo iyo xadgudubyo ka dhan ah shacabka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in nooca qalabka la helay uusan la mid ahayn midka ay adeegsadaan ciidamada caadiga ah ee saldhigyada milatari.
Guddoomiyaha Hadhramaut ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysan ee daacadda u ah Al-Zubaidi ay ka faa’iideysteen qaddiyadda Koonfurta Yemen si ay dabool ugu sameeyaan dambiyadooda, iyagoo iska indha-tiraya dalabaadka sharciga ah ee shacabka, isla markaana u adeegaya ajandaha Imaaraadka ee lagu carqaladeynayo dadaallada siyaasadeed ee lagu xallinayo arrinta Koonfurta.
Ugu dambayn, Al-Khanbashi wuxuu xusay in caddeymaha la helay ay muujinayaan jiritaanka xabsiyo qarsoodi ah oo ay maamulaan ciidamo Imaaraad ah gudaha magaalada Mukalla, kuwaas oo loo adeegsado xabsi sharci-darra ah, dad la waayo (qafaal qasab ah) iyo jirdil.


0 




Guddoomiyaha gobolka Hadhramaut oo ku eedeeyay Imaaraatka ku tumashada qiyamka walaaltinimo, Islaam iyo Carabnimo
.