
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 1- JAN-2026
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay inuu bilowday Miro-dhalka sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Istanbuul kulan gaar ah iyo shir jaraa’id la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyad da Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay yeesheen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal uu ku saleysan yahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo udub dhexaad u ah horumar waara iyo hagaajinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.
"Anagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna cid kasta oo isku dayaysa in ay ku xadgudubto madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, weli kama mashquulin inaan u hurno horumarinta khayraadka dalka, gaar ahaan shidaalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan barwaaqo iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badda Soomaaliya ay soo saartay natiijooyin rajo-gelin leh, kuwaas oo calaamad u ah bilowga marxalad cusub oo ku aaddan soo kabashada dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.
"Sidii aan balanqaadnay, waxaan u hawlgalnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalka, gaar ahaan shidaalka. Mahadnaq Alle awgeed, shalay waxaa bilaabmay miradhalka howlahaas.Waa guul taariikhi ah oo qaran,” ayuu ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in kheyraadka dabiiciga ah uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulka khayraadkaas uu ku dhismi doono isla-xisaabtan, caddaalad, iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha soo socda.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in waddada ay Soomaaliya ku socoto ay tahay mid isku dheellitiran, iyadoo la difaacayo midnimada qaranka, la dagaallamayo argagixisada, isla markaana la xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tii hore.
Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha jooga Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.
Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go’an tahay ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra’iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Saddex arrin oo Israel kaga bedelatay Somaliland Aqoonsiga
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhiggay Saddex dalab oo ay Israel ka heshay Somaliland si ay usiiso aqoonsi.
Warreysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera ayuu madaxweynaha ku sheegay in Xogta Sirdoonka Soomaaliya helay ay muujinehso in saddex arin ay Israel kula heshiisey Somaliland:
1 – In Falastiiniyiinta sida qasabka ah lagu soo barakicinayo la geeyo Somaliland.
2 – Bixinta saldhig milateri oo Israa’1il ka sameysanayso xeebta Gacanka Cadmeed.
3 – Ku biirista Somaliland Heshiisyada Abraham.
Kuwani waa saddexda dalab ee Israel ay Somaliland ka aqbashay.
Haddii saddexdan la fuliyo, maxaa dhici doona mustaqbalka?
Sanduuqii Pandora ayaa adduunka laga furi doonaa.
Isu soo bax lagu taageerayo midnimada dalka oo ka dhacay Jowhar
Magaalada Jowhar, xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa si weyn uga socda dibadbax ballaaran oo shacabka magaalada ay uga dhiidhinayaan gardarrada Israa’iil iyo faragelinta ay ku hayaan kala-goynta dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa shalay banaanbaxan ku muujiyay sida ay uga go’antahay inay difaacaan midnimada dalka, iyagoo cambaareeyay faragelinta dibadda iyo isku dayga lagu wiiqayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Turkiga oo ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah, isagoo adkeeyay midnimada Soomaaliya
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah isla markaana aan la aqbali karin
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in horumar weyn laga gaaray dhinaca amniga Soomaaliya, inkastoo ay jireen sida uu sheegay falal khalkhal-gelin ah oo ay fuliyeen dhinacyo aan doonayn in Soomaaliya mar kale dib u soo kabato.
Erdoğan ayaa xusay in Turkigu qorsheynayo inuu bilaabo hawlgallo qodis ah sannadka 2026, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay wax weyn ka tari doonaan horumarinta nolosha iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ankara ay ku dartay maraakiibteeda laba markab oo cusub oo qodista badda-hoose ah.
Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilli ay Soomaaliya wajahayo khataro ku wajahan midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, ay si cad u dareentay taageerada Turkiga iyo shacabka Turkiga.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka gardarrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay mid aan la aqbali karin.
Israa’iil ayaa Jimcihii aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol kamid ah Soomaaliya, oo sheegta madax banaani.
Soomaaliya ayaa diiddan inay aqoonsato Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, waxayna u aragtaa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, iyadoo heshiis kasta ama xiriir toos ah oo lala yeesho Somaliland ay u aragto xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo taageertay tallaabadii Sacuudiga uu ka qaaday Maleeshiyaad ay taagerto Imaaraadka
Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah ay soo saartay ku xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Yemen, gaar ahaan ilaalinta midnimadeeda, madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo xasilloonideeda guud.
Bayaanka ayaa si cad u diiday tallaabo kasta ama faragelin kasta oo wiiqi karta midnimada Yemen ama wax u dhimaysa sharciyaddeeda dastuuriga ah iyo hay’adaha qaranka.
Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay mar kale ku celisay taageerada ay u hayso dowladda sharciga ah ee Yemen, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay xal siyaasadeed oo nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Yemen.
Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadisay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka qaadanayso sugidda amniga iyo xasilloonida Yemen iyo guud ahaan gobolka, iyo dadaalladeeda siyaasadeed, diblumaasiyadeed iyo bini’aadannimo ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Yemen lana yareeyo dhibaatada bani’aadannimo.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu ammaanay doorka Isbahaysiga Taageerada Sharciyadda Yemen, iyo dadaallada uu ku ilaalinayo hay’adaha dowladda Yemen, midnimada dhulkeeda iyo horumarinta geeddi-socodka nabadda, si waafaqsan go’aannada sharciyadda caalamiga ah.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo caddeysay inay si adag uga soo horjeeddo hanjabaad kasta oo khatar ku ah amniga Boqortooyada, amniga marin-biyoodka caalamiga ah, ama xasilloonida gobolka, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay sii xoojiso dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo waara oo Yemen dib ugu soo celinaya nabad, amni iyo doorkeeda dabiiciga ah ee Carabta iyo gobolka.
Baarlamaanka Itoobiya oo Ka Dooday Heshiiskii Somaliland kaddib Aqoonsiga Israa’iil
FacebookFacebook Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa su’aalo culus lagu weydiiyay halka ay ku dambeeysay xaaladda heshiiskii is-afgarad (MoU) ee Itoobiya laba sano ka hor la saxiixatay Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.
Xildhibaanada ayaa intii uu socday fadhiga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo ku-xigeenkiisa—kuwaas oo kulanka joogay—inay caddeeyaan halka uu marayo heshiiskaasi iyo mowqifka Itoobiya ee Somaliland, Si kastaba ha ahaatee, labada mas’uul midkoodna si toos ah ugama jawaabin su’aalaha la xiriiray Somaliland.
newsinsideHeshiiska is-afgarad ee la saxiixay laba sano ka hor ayaa loogu talagalay in Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ay hes09ho marin badeed, isla markaana ay suurtagal noqoto kiraysiga saldhig milatari oo xeebta ah.
Tallaabadan ayaa dhalisay khilaaf diblumaasiyadeed iyo mid amni oo xooggan oo dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilshalayy xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Ugu dambayn, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay bayaan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafka ka dhashay heshiiskaasi ay Somaliland lagashay Ethiopia, iyadoo Turkigu dhexdhexaadiye ka ahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, oo ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aalahaas, ayaa sheegay in Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka dariska la ah, isla markaana ay kawada shaqeeyaan arrimo badan, Isagoo ka hadlayay su’aalaha ku saabsan dekedaha iyo marin-badeedka, wasiirku wuxuu xusay in ku lug lahaanshaha Itoobiya ee Badda Cas ay si istiraatiiji ah ula jaanqaaddo danaha fog ee dalka.
Wuxuu u sheegay xildhibaanada in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii natiijada waxa uu ku tilmaamay qorshe muddo dheer la dejinayay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal degdeg ah uusan suurtagal ahayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daaha ka qaaday 3 Qodob oo Israa’iil ku qasabtay aqoonsiga Somaliland
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay Somaliland u adeegsatay xoojinta saameyn ay ku yeelato Geeska Afrika iyo soo barakicinta Falastiiniyiinta si dib u dajin loogu sameeyo gudaha Somaliland
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Kanaalka Aljazeera aya digniin ka bixiyay in tallaabadan ay carqaladeynayso xasilloonida ayna ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ku jirto dadaallada midnimada qaran.
newsinsideIntii uu booqashada ku joogay Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Israa’iil ay raadineyso saameyn ay ku yeelato marinnada muhiimka ah ee badda, islamarkaana ay ku qancisay Somaliland inay Aqbasho qaxooti Falastiiniyiinta, Ogolaato saldhig milatari Israa’iili ah, iyo Ku biirista Heshiisyadii Abraham.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil horey joogitaan qarsoodi ah ugu lahayd gudaha Somaliland, isla markaana aqoonsiga cusub uu kaliya yahay rasmiyeynta waxa muddo dheer ka socday meelaha qarsoon, ee uusan keenin xaalad cusub.
Waxa uu xusay in Israa’iil aysan horey xiriir istiraatiiji ah ama dan gaar ah uga lahayn Geeska Afrika, isla markaana Soomaaliya ay ka naxday waxa uu ugu yeeray faragelin aan loo baahnayn oo sharci darro ah ay usoo bareertay Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in inta badan bulshada caalamka ay cambaareysay tallaabadan, taasoo timid xilli Soomaaliya ay horumar dhab ah ka samaynaysay heshiisiinta qaran iyo xasilloonida.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay si sharci darro ah uga hawlgalaan Somaliland.
Somaliland oo wada tashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti
Somaliland ayaa sheegtay in ay wada tashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, kadib markii ay Jabuuti si xooggan uga hor timid aqoonsiga Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in u yeedhista wakiilka ay qayb ka tahay dib-u-habayn lagu samaynayo diblomaasiyadda Somaliland.
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhawaaqaysaa in ay wada tashi Hargeysa ugu yeedhay wakiilkeedii Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo qayb ka ah xidhiidho diblomaasiyadeed oo socda, kuna salaysan hab-dhaqan diblomaasiyadeed oo dagsan" ayaa lagu yidhi qoraalka.
Tallaabadan ayaa daba socota kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagaga dooday qaddiyadda Somaliland, halkaas oo ay Jabuuti ka muujisay diidmo adag oo ay kaga soo horjeeddo aqoonsiga Somaliland ee ay dhawaan siisay dawladda Israa’iil.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay tallaabada ay ka qaadi doonaan dalalka xafiisyada ku leh Hargeysa ee sida adag uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in ay arrintaas u mari doonaan waddo diblomaasiyadeed.
Dalalka kale ee xafiisyada ku leh Hargeysa ee aadka uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxa ka mid ah dalka Turkiga, oo ay Somaliland dhawaan ku eedaysay in uu qayb ka ahaa qorshe la doonayay in qalalaase lagaga abuuro Somaliland.
Inkasta oo Somaliland wada tashi ugu yeedhay wakiilkeedii dalka Jabuuti, haddana ilaa hadda wax tallaabo ah kama ay qaadin wakiilka Jabuuti u jooga magaalada Hargeysa.
Laba dal oo Afrikaan ah oo qaaday tallaabo ay Trump uga aargoosanayaan
Dalalka Mali iyo Burkina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa qaaday tallaabo adag oo ay kaga jawaabayaan go’aan hore oo ka soo baxay Dowladda Maraykanka, kaas oo uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump.
War rasmi ah oo ay soo saareen labada dal ayaa lagu sheegay in kaddib markii Maraykanku mamnuucay gelitaanka muwaadiniinta Mali iyo Burkina Faso, ay iyaguna go’aan la mid ah ka qaateen muwaadiniinta Maraykanka, iyagoo ka joojiyay inay dalalkooda soo galaan.
Mali iyo Burkina Faso ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee tallaabo noocan ah qaada, iyagoo muujiyay inay ka falcelinayaan xayiraaddii lagu soo rogay muwaadiniintooda ee ku wajahnayd safarka Maraykanka, taas oo ku timid amarka Madaxweyne Trump.
Maamulka Trump ayaa dhowaan soo saaray amar xayiraad ah oo aan waqti loo cayimin, kaas oo lagu mamnuucay muwaadiniinta dalal badan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, inay u safraan Maraykanka, isaga oo arrintaas ku sababeeyay arrimo kala duwan.
Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay adkeynta socdaalka iyo xuduudaha, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, isla markaana xoojiyay diidmada magangalyo-doonka ee xuduudda Mexico.
Ballaarinta liiskan ayaa loo arkaa tallaabo sii hurineysa tallaabooyinka socdaalka ee maamulka Trump, gaar ahaan kaddib toogashadii bishii hore ka dhacday Washington D.C. ee lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard).
Baarayaasha ayaa sheegay in toogashadaas uu fuliyay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka ku galay barnaamijka dib-u-dejinta sannadkii 2021—barnaamijkaas oo maamulka Trump ay ku tilmaameen mid aan lahayn baaris ku filan.
Maalmo kaddib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si "kumeel-gaar ah u hakiyo” socdaalka ka imaanaya dhammaan "Dalalka Dunia Saddexaad” (Third World Countries), inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin dalalkaas ama uusan qeixin waxa uu ula jeedo erey-bixintaas.
Xisbiga uuu hoggaamiyo Shariif Xasan oo lagala noqday Codadkii uu ka helay Degmada Waaberi.
Waxaa dibadda u soo baxay Khaladaadkii ugu horeeyay ee Doorashadii Golaha degaanka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacday 26-kii bishan Disembar.
Guddiga Doorashooyinka Qaran ayaa baahiyay isbedel ku yimid ugu yaraan natiijada hal degmo, iyadoo arrintan ay dhalisay shaki.
Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa ka hor yimid isbedelka lagu sameeyay natiijadii ay hore u shaaciyeen Guddiga Doorashada ee degmada Waaberi.
Xisbiga Shariif Xasan ayaa u dabaal degay markii la shaaciyay inuu 2,968 cod ka helay degmada Waaberi, balse Guddiga Doorashooyinka ayaa xisbiga ku wargeliyay in natiijadaas ay khalad ahayd oo uu lahaa Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Natiijada cusub ee Guddiga Doorashooyinka ayaa muujisay in Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran ee Shariif Xasan uu helay 407 oo kaliya, waxaana tiradii hore ee ahayd 2,968 loo wareejiyay Xisbiga JSP, sida ku cad qoraalka dambe ee Guddiga Doorashooyinka.
Arrintan ayey Guddigu ku fasireen khalad dhinaca farsamada ah oo ay dib u saxeen; balse waxaa ka biyo diiday xisbiga Shariif Xasan oo la filayo inay si toos ah arrintan uga hadlaan oo qaadacaan doorashada dhan.
Sidoo kale waxaa soo baxaya warar ku saabsan xisbiyo kale oo cabasho ka keenay natiijada ay ka heleen doorashada iyo qaar sheegay inay dacwad u qoranayaan maxkamadda sare.
Guddiga Doorashooyinka ayaan weli ku guuleysan inay qanciyaan ururrada ka qeyb galay doorashadii Golaha degaanka Gobolka Banaadir, waxayna dood culus ka taagan tahay sida xisbiyada loogu qeybinayo kuraasta ay ka heleen degmo kasta.
Guddiga ayaa soo saaray liis ku saabsan tirada uu xisbi kasta ka helay kuraasta Golaha degaanka Gobolka Banaadir, balse lama yaqaan tirada xisbi kasta ee degmooyinkii laga tartamay iyo cidda kusoo baxday.
Dowladda Soomaaliya oo taageertay tallaabadii Sacuudiga uu ka qaaday Maleeshiyaad ay taagerto Imaaraadka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda Yemen, iyadoo caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madaxbannaanida, iyo sharciyadda dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Yemen.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si cad u diidan tahay faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo hay’adaha qaran ee Yemen, isla markaana ay taageerayso xal siyaasadeed oo nabadeed, kaas oo ay hoggaaminayaan Yemeniyiintu.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay bogaadisay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan dadaallada diblumaasiyadeed, bini’aadantinimo iyo amni ee lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha Yemen, loona yareeyo dhibaatada bani’aadantinimo.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay in amniga Yemen uu si toos ah ugu xiran yahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay sii xoojiso dadaallada lagu gaari karo nabad waarta iyo xasillooni gobolka.
Maraykanka oo dib u eegis ku sameynaya dadka uu sheegay inay si qiyaano ah ku qaateen dhalashada Maraykanka
Dowladsa Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameyneysa kiisaska socdaalka iyo jinsiyad-qaadashada ee la xiriira muhaajiriin ka yimid 19 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo hubiyo in dad ka mid ahi ay helaan jinsiyadda Mareykanka si khiyaano ah, taasoo keeni karta in laga laabto jinsiyaddaas, sida DHS u xaqiijisay Fox News.
"Sharciga Mareykanka wuxuu dhigaya in haddii qof uu jinsiyad ku helo khiyaano, ay taasi sabab u noqon karto in laga qaado jinsiyadda,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha waaxda Caddaaladda ee DHS, Tricia McLaughlin, bayaan ay siisay Fox News.
newsinsideDib u eegistan waxay diiradda saaraysaa in khiyaano ay ka dhacday intii lagu jiray habraaca socdaalka ama jinsiyad-qaadashada, sida guur been ah ama bixinta xog aan sax ahayn si loo helo sharci deggenaansho ama jinsiyad.
DHS waxay carrabka ku adkeysay in ka qaadista jinsiyadda ay tahay geeddi-socod sharciyeed oo aad u adag, islamarkaana lagu dabaqo oo keliya xaalado xaddidan.
Dib u eegistu waxay khuseysaa kiisaska la xiriira 19 dal oo DHS u aragto dalal walaac laga qabo, kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya. DHS ma sheegin tirada kiisaska hadda la baarayo ama in dad loo gudbiyay dacwado ka qaadis jinsiyadeed.
Ka qaadista jinsiyadda waa arrin dhif ah oo sharci ahaan aad u culus. Taariikh ahaan, dowladda federaalka waxay sanad walba qaaddaa tiro aad u yar oo kiisas ah, tan iyo sagaashamaadkii.
Xeer-ilaaliyeyaasha waa inay caddeeyaan in jinsiyadda si sharci-darro ah lagu helay, waxaana caddaynta looga baahan yahay heer sare oo mararka qaarkood qaata sanado badan si loo dhameeyo dacwadda.
Dabagalka arrintan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa iyadoo Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada (HHS) ay joojisay bixinta lacagaha daryeelka carruurta ee Minnesota, kadib eedeymo la xiriira khiyaano ay sameeyeen xarumo xanaano carruur oo badan.
DHS ma bixin jadwal cad oo ku saabsan muddada ay qaadan doonto dib u eegistu, mana sheegin in kiisaska ka qaadista jinsiyadda la filayo inay dhaqso u socdaan.
Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay taageerada dunida ee ilaalinta midnimada dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland.
Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed,kuwo sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka oomaaliya.
Soomaalida Minnesota oo wajahaya eedaymo cusub
Maamulka Trump ayaa sheegay in uu joojiyay lacagihii daryeelka carruurta ee la siin jiray gobolka Minnesota, kaddib markii nin muxaafid ah oo caan ka ah YouTube uu ku andacooday in xarumo dhowr ah oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed ay qaadanayeen lacag dadweyne iyaga oo aan wax daryeel siin jirin carruurta.
Qoraal lagu daabacay barta X maalintii Talaadada, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka (HHS) ayaa soo xigtay muuqaalkan sida weyn u faafay, isaga oo sheegay in hay’addu ay beegsan doonto "khiyaanada cad ee u muuqata inay si baahsan uga jirto gobolka Minnesota.”
Mas’uuliyiinta dawladda ayaa beeniyay eedeymaha musuqmaasuq ee lagu sheegay muuqaalkaas.
Sugidda iyo fulinta shuruucda socdaalka ayaa dhawaan sii xoogeysatay gobolka, kaas oo ay ku suganyihiin tirada ugu badan ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuusan doonayn in ay dalka sii joogaan ama ay soo galaan. "Waxaan joojinay dhammaan lacagihii daryeelka carruurta ee loo diri jiray gobolka Minnesota,” ayuu ku dhawaaqay Ku-xigeenka Xoghayaha HHS, Jim O’Neill, qoraal uu ku daabacay bartiisa X maalintii Talaadada.
Waxa uu sheegay in go’aankan uu ka dambeeyo "eedeymo culus oo sheegaya in gobolka Minnesota uu tobannaan sano gudahood malaayiin doollar oo canshuur-bixiyeyaasha ay bixiyeen loo leexiyay xarumo daryeel carruur oo been abuur ah oo ku yaalla guud ahaan Minnesota.”
Waaxdu waxay sheegtay in ay hakineyso lacagaha sannad-laha ah oo dhan 185 milyan oo doollar oo la siin jiray gobolka, ilaa laga sameeyo baaritaan dhammaystiran oo ku saabsan xarumaha la tuhunsan yahay.
Raysal Wasaaraha Israa'iil oo sharaxay sababta uu Somaliland u aqoonsaday
Raysal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal degan, Muslim ah, qunyar socod ah, isla markaana doonaya in uu xidhiidh la yeesho Israa'iil, taasina ay ku kalliftay in ay aqoonsadaan.
Netanyahu, oo waraysi siiyay warbaahinta Newsmax, ayaa sheegay in Somaliland ay ka degan tahay marka la barbar dhigo inta kale ee Soomaaliya, oo uu sheegay in ay argagixiso si ba’an u saamaysay, isla markaana aan doorashooyin toos ah ka dhicin muddo dheer.
"Somaliland waa dal Muslim ah oo ay ku nool yihiin 6 milyan oo Muslimiin qunyar socod ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan Heshiisyada Ibraahiimiyada, taasina waxan u arkaa wax wanaagsan. Doorashooyin ayay qabsadeen, halka inta kale ee Soomaaliya ay joogto Al-Shabaab, isla markaana tobannaan sano aanay doorashooyin ka dhicin," ayuu yidhi Netanyahu.
Waxa uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu noqday mid lama huraan ah, maadaama ay tahay dal Muslim ah oo doonaya in uu ku biiro Heshiisyada Ibraahiimiyaadka, isla markaana wuxuu sheegay in waddan kasta ku qasban yahay in uu aqoonsado, isaga oo intaa raaciyay, "Laakiin annaga ayaa ugu horreeyay."
Aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland ayaa la kulmay cadaadis iyo diidmo caalami ah. Dhammaan dalalkii ka qayb galay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay aqoonsiga, marka laga reebo Maraykanka, oo sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay Somaliland aqoonsato.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, Gideon Sa’ar, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in kulankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa aqoonsiga Somaliland uu muujinayay munaafaqada beesha caalamka. Waxa uu sheegay in caalamku aanu ka hadlin aqoonsiga Falastiin oo uu ku tilmaamay dal aan jirin, halka ay si weyn uga qayliyeen aqoonsiga Somaliland oo uu ku tilmaamay dal jira.
Somaliland oo u yeertay Wakiilkeeda u joogga Jabuuti.
Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland dhawaan.
Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin, hase yeeshee waxaa ay tallaabadani ku soo aadaysaa iyadoo Jabuuti ka mid noqtay dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.
Wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti waa Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse oo horey sidoo kale u soo qabtay xilal wasiirnimo.


0 



HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 1- JAN-2026
.