
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 3- JAN-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo u Safraya Sacuudiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u ambabaxo dalka Sacuudi Carabiya, isagoo halkaasi kula kulmi doono Dhaxal sugaha Sacuudiga Boqor Bin Salmaan.
Ajandaha ugu weyn ee laga wada hadli doono ayaa ah siddii looga hortagi lahaa gardarada iyo faragelinta Israa’iil iyo sidii iskaashi arrintaasi looga sameyn lahaa.
Dowladda Sacuudiga ayaa kaalinta hore uga jirta difaaca midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, arrinta aqoonsiga Waqooyi Galbeed iyo In Israa’iil halkaas soo dagto waxa ay u arkaan khad cas oo lama taabtaan ah.
Sidoo kale waxaa lafilayaa Sacuudiga kadib in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tago dalka Masar oo ah saaxib mu hiim ah oo ay Soomaaliya leedahay xilli yada adagna garab istaaga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga, waxaa uuna wadamad aasi ka soo helay garab istaag xooggan.
Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka ayaa si dareen leh uga soo horjeestay go’a anka Israa’iil ee ah in la kala qeybiyo dalka, waxaana tan iyo markii uu soo ifbaxay talaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somalil and magaalooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaayay banaanbaxyo dadka Sooma aliyeed ku diidan yihiin go’aankaas oo ku tilmaameen mid xadgudub ku ah Qaranim ada Soomaaliya.
Soomaaliya Oo La Wareegtay shirgodoonka golaha Ammaanka Ee Qm
Dowladda Jamhuuriyadda Feder aal ka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo ah ko wad bisha Janaayo ee sanadka 2026-a si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Gola ha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya ayaa muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doonta dalka shir-guddo ominaya Golaha Ammaan ka,wax aana la filayaa in ay hagaan kulamada muhii mka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka.Tallaabadan ayaa ah mid taa riikhi ah oo muujinaysa kororka doorka dib lomaasiya deed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wa kiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadh iya Q/Midoobay ayaa shee gay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuq ata oo caalami ah.
Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM waxay si wareeg ah ugu dhacdaa wad da mada xubnaha ka ah bil kasta, iyadoo Soomaaliya ay haatan hoggaan ka u hayso markii ugu horreysay muddo toban naan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horuma rka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caal amiga ah ee dalka.
Ra’Iisul Wasaare Xamsa: Soomaa Liya Kama Aamusayso Faragelin Lagu Sameeyo Madax-BannaAnideeda
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cab di Barre, ayaa si adag u caddeeyay mowqif ka kama dambaysta ah ee DF ka qaadatay faragelin kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida, midnimada iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed
R/Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeedi yay kulan fagaaro ah oo uu kula had layay qaar ka mid ah hal-doorka, waxgar adka iyo bulshada rayidka ah ee ku su gan M/Dhuusamareeb ee caasim adda Dowl ad-goboleedka Galmudug, halk aas oo uu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Md.Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in DFS ay si dhow ula socoto dhammaan fala lka iyo dhaqdha qaaqyada liddi ku ah mad ax-bannaanida Qaranka, isagoo xusay in faragelinta lagu eedeeyay Israa’iil ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbaya sharciga caal amiga ah iyo madaxbannaanida dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in DFS ay san marnaba ogolaan doonin in dal shi sheeye uu ku xadgudbo dhul, bad ama hawada dalka, isaga oo tilmaamay in D owladda ay qaadi doonto dhammaan talla abooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo kuwo amni ee lagama maarmEanka u ah difaaca Qaranka.
"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go ’an ilaalinta amniga, midnimada iyo kara ama da ummadda Soomaaliyeed, cid kas ta oo ku xadgudubtana waxa ay waj ihi doontaa jawaab waafaqsan xeerarka Qar anka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ugu dambeyn, R/Wasaaruhu w xa uu ugu baaqay shacabka Soomaali yeed in ay garab istaagaan Dowladda, ka na fogaad aan wararka marin-habaa binta ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in midnimo qaran ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu difaaci karo jiritaanka iyo madax-banna anida Soomaa liya.
Dood Ku Saabsan Doorka Qurba-Joogta Ee Difaaca Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dib adda ee Xukuumadda Federaalka Soom aaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qaba tay dood cilmiyeed ku saabsan doo rka Qurbo joogta Soomaalida ay ka qaad an karaan difaaca dadka iyo dalka.
Dooddaan oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah maamulka wasaaradda iyo qu rbo joogta Soomaalida eek u sugan Ma gaalada Muqdisho waxaa la isku dhaaf saday qodobbo badan oo ay ku jireen sida looga hortagi karo damaca cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho madaxba nnaanida iyo midnimada dhule ed ee Soomaaliya.
Kulankii dood cilmiyeedkaan waxaa ka hadlay xoghayaha joogtada ee Wasaar ad da Arrimaha Dibadda Xamsa Aadan Xaa doow iyo Agaasimaha Waaxda Jaali yad aha iyo Qurbo jogta Soomaaliya Ibra him Guure Maxamed iyo xubno kale.
Kulanka oo inta badan looga hadlay da maca Israel ee kala goynta dhulka Soo ma aliya waxaa qaar kamid ah qurbo joo gta oo soo gudbiyay doodooda ay muuji yeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalka ku dif aacaan af,addin iyo maal.
Puntland Oo Caddeysay MowqiFkeeda Ku Aadan Aqoonsiga Somaliland
Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horrey say ka hadlay arrimo ku aadan aqoo nsiga ay Isra a’iil siisay Somaliland, waxayna cadd ey say halka ay ka joogto ictiraafka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntl and, Md.Maxamuud Cayd iid Dirir oo wareysi siiyay Warba ahinta Daljir aya a shaaca ka qaaday in aysan marn aba gorgortan ka gala yn midnimada dadka iyo dalka Soom aaliyeed, wuxu una si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’ iil ee maa mulka Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in gume yst ayaashii reer Yurub aysan qabiil wax ugu darin qabiil kale, isla markaana haddii ay go’eyso beesha Isaaq ay la qaadaneyso inteeda oo kaliya.
"Mowqifka Puntland waa midnimo Soo maliyeed, ma jirto calan Somaliland oo lagu qaatay xorriyadda Soomaaliya. Isaaq had dii ay Soomaali ka go’ayaan Soomaal inta ay leeyihiin ayey la go’ ayaan oo ah qayb Togdheer ah iyo Ceel-afweyn ilaa xaafada-galbeed ee maga alada Ceerig aabo ah.” ayuu yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay "Gu meystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu la haa, Awdal gaarkeeda ayey ahayd, Wars angeli Saldano ayuu ahaa, Dhulbahan tena halkii sa ayuu joogay, calankaas bu luugga ah ayaa xirnimada lagu qaatay, qabiil-qabiil wax loogu dhiibay ma jirin, calan Somali land ahna ma jirin”.
Go’aanka Puntland ayaa kusoo aada ya, xilli muddo dheer ay la aamus neyd mo wqifkeeda, taas oo keentay shaki iyo in la dhaleeceeyo Saciid Deni.
Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dha waaqday inay Somaliland u aqoonsatay "dalmadax-bannaan oo leh qarannimo buu xda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la sam aysatay maamulka fadhigiisu ya hay mag aalada Hargeysa. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabad aas ku dhiirra da tan iyo markii Somaliland ay ku dhaw aaqday gooni-isu-taagga sann adkii 1991 -kii.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanya hu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay talla abo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuu na ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiye ynta xiriirka gobolka ee loo yaq aan Abraham Accords.
Dad Badan Ayaa Kudhintay Dab Ka Kacay Baar Ku Yaal Magaalada Loo Dalx Iis Tago Ee Switzerland
Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada caanka ah ee loo dalxiis tago ee Switzerland ee Zermatt, iyadoo dhowr qof ay ku dhinteen dab ba’an oo ka kacay baar ku yaal deegaanka. Dabku wuxuu bilo wday aroortii hore, isagoo si degdeg ah ugu faafay dhismaha oo ku xayirmay kuwii gudaha ku jiray.
Sababta saxda ah ee dabka ayaa wali la baarayaa, laakiin waxaa la rumey san yahay inay ka dhalatay cillad koro nto. Dab ku si degdeg ah ayuu u koray, isagoo qabs aday baarka oo sababay fow do magaal ada iyadoo dadka deegaanka iyo boo qdayaashu ay isku dayayeen inay ka bax sadaan dabka.
Dab-damiyayaashu si degdeg ah ayay goobta u yimaadeen waxayna si aan kala joogsi lahayn uga shaqeeyeen daminta d abka iyo badbaadinta kuwa ku xayiran gudaha. Iyadoo ay dadaalkooda socdeen, dhowr qof ayaa naftooda ku waayay dabka, taasoo bulshada ka dhigtay mid naxdin iyo baroordiiq leh.
Maamulka deegaanka ayaa tacsi u dir ay qoysaska dhibanayaasha waxayna ball an qaadeen baaritaan buuxa oo ku saab san dhacdada. Magaalada Zermatt wax aa loo yaqaanaa muuqaalkeeda quruxda ba dan iyo barafka heerka caalami ah, laakiin hadda waxaa weligeed lagu cala amadeyn doonaa dhacdadan naxdinta leh.
Dhimashada dadka ku dhintay dabkan waxay si cad u xasuusinaysaa muhiimad da ay leedahay tallaabooyinka badbaa da da dabka ee goobaha dadweynaha. Waa lama huraan in ganacsiyada iyo goobaha ganacsigu ay yeeshaan habra acyo bad baado oo habboon si looga hortago in ma siibooyinka noocaas ahi dhacaan.
Iyadoo bulshada Zermatt ay u murugoo nayso dadkii naftooda ku waayay, waxay sidoo kale isu imaanayaan si ay isu taageeraan xilligan adag. Magaalada wax aa loo yaqaanaa bulshadeeda isku xiran, dadka deegaankana waxay isu soo baxaya an kuwa ay saameysay masii bada.
Baaritaanka sababta dabka ayaa soc da, mas’uuliyiintuna waxay ka shaqey naya an sidii loo ogaan lahaa inta uu le’eg yahay khasaaraha. Dhanka kale, magaal ada Ze rmatt waxaa looga tagay inay ka baroor ato khasaaraha dhimashada iyo inay la qab sato saameynta ba’an ee dabka ka kacay magaaladooda ay jecel yihiin ee loo dalxiis tago.
URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO GARAB ISTAAG U MUUJIYAY SOOM AALIYA
Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dar dargalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda Dalka Soomaliya ku yeeshay Ma gaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Xo ghaynta Guud ee ururka waxaa looga had lay horumarrada ka socda dalalka islaamka iyo xaaladda Jam huuriyadda Federaalka Soomaal iya, gaar ahaan xilligaan oo oo ay muuqdaan in ay hoos u dhaceen damacii Israel ee ay ku aqoonsatay maamulka Soomaalil and.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arri ma ha Siyaasadda, Mudane Yous sef bin Mo hammed Al-Dubaie oo ku hadl aayey mag aca Xoghayaha Guud Hissein Bra him Taha ayaa sheegay in midnim ada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhule ed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabt aan ah.
Mas’uulkaasi ayaa xusay in dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddell ada degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kula nkaan uu ku soo beegmayo waqti Soomaaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madaxban naanida iyo midnimada dheleed ee Soo maaliya.
Guddigga Fulinte ee ururka Iskaashiga Isla amka waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Jam huuriy adda Federaalka Soomaaliya,i ya goo sidoo kale cambaareeyay xadgud ubka xu kuumadda Israel ay ku dooneyso in ay bur buriso midnimada Soomaali ya,isla marka ana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo badda Cas.
SIDEE XAD-GUDUBKA ISRAA’IIL EE SOOMAALIYA U BURBURIYAY DANIHII IMAAR AADKA EE…
Dhawaaqii sida weyn looga horyimid ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Net anyahu uu Jimcihii hore ku sheegay in uu aqoonsaday Somaliland, ayaa horseeday isbeddel degdeg ah oo ku yimid danihii Isutagga Imaaraadka Carab ta ee uu ka lahaa dalal kala duwan
Dalka ugu horreeya ee Imaaraadku caqabad kala kulmo ayaa noqday Yem en, kadib markii ay fahantay in Imaaraat ku ku howlan yahay dadaallo lagu doon ayo in qayb kamid ah dalkeeda ay aqoon sato Israa’iil.
Arrintaas awgeed, Xukuumadda Abu Dhabi waxaa lagu amray in ay dalka Yem en kaga baxdo muddo 24 saac gudahood ah, amar kaas oo si buuxda loo fuliyay.
Sidoo kale, dhaqdhaqaaqyadii Imaaraat ka ee dalalka Suudaan, Liibiya iyo dalal kale oo Carbeed ayaa si weyn hoos loo gu dhigay, si looga hortago in mar kale la ga eryo dalalkaas, gaar ahaan iyadoo Im aara atku sanadihii u dambeeyay ku uruurinay ay ciidamo, hub iyo dhaqaale badan dalal dhowr ah.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in arrintani ay keentay khilaaf gudaha ah oo ka dhex curtay xubnaha ku mideysan Isut agga Imaaraadka Carabta, iyadoo qaar ka mid ah ay muujiyeen caro ku aaddan sir qar soon oo la ogaaday, taas oo ay muddo dh aqaale ku bixinayeen iyaga oo aan xog buuxda ka hayn.
Dhinaca kale, Sacuudiga oo muddo si dhow ula socday qorshayaasha uu waday Isutagga Imaaraadka Carabta, ay aa ade egsaday istaraatiijiyado adag oo intooda badan hirgalay, kuwaas oo ay kamid tahay beegsiga kooxihii lagu
Imaaraada Oo Uruurinayay Yemen Iyo Xoojinta Kacdoon Nada Gudaha Dalkaas.
Imaaraadka Carabta ayaa hadda wajahaya cambaarayn ballaaran oo uga imaanaysa dalalka Carabta, waxaana dib loo milicsanayaa qalabkii iyo qorsha yaashii fashilmay ee uu u adeegsaday kala fogeynta dalalka ay rabshaduhu ka jiraan, isaga oo arrintaas u ekeeyay mid gargaar ah.
Qaar kamid ah muwaadiniinta Imaaraad ka ayaa billaabay in ay adeegsadaan baa saboorro dalal kale ah si ay uga baxsa daan xaaladaha adag ee soo waja hay, sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Sidoo kale, waxaa yaraaday socda alkii dadka danaha Imaaraatka ku leh ee u safrayay dalalkaas.
Ugu dambeyn, Imaaraadka Carabta waxaa loo arkaa marin ay Israa’iil u ade egsato xiriirinta xubno doonaya in laga gooyo dalalkooda, waxaana kordh ay sa farro qarsoon oo ay sameyna yaan xub n ahaas, inkasta oo haatan uu jiro feej ign aan cusub oo lagu kormeerayo dhaqdha qaaqaasi.
DAGAAL LAGA CABSI QABO INUU SANADKAN UU DHEXMARO ITOOBI YA IYO ERITREA
Wargeyska Foreign Policy, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in mid ka mid ah dagaallada qarka loo saaranyahay dunidda inay ka dhacaan sannadkan 2026 , inuu safka hore ku jiro dagaal dhex mari kara Itoobiya iyo Eritrea.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay dagaal isku diyaariyeen , hadallo colaadeedna ay sare u qaadeen, halka dunidana ay ka jeesatay in labada dal la dhex galo , sabab la xiriirta in gobol kasta oo dunidda ah oo ay xataa ku jiraan dalalka xasilloonida ay ka jirtay ee Yurub , marxalad la isku diyaarinayo dagaal iyo difaac qaran oo aysan lahayn indho ay meel kale waxa ka socda ku eegaan.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay gobolka Geeska Afrika , inuu wajahayo sannad kulul oo ay suragalnimada colaad dagaal isku rogta ay sare martay, xilli dagaalka Suudaan uu gaaray meel uu ka fogaaday in la dabaqabto.
Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in labada dal ay xuduudooda geeyeen ciidamo badan, taasi halis ku ah nolosha kumanaan qof oo shacab ah.
MAGACYADA LABA HORJOOGE OO KA TIRS ANAA AL-SHABAAB OO LA GU DILAY JILIB
Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jub bada Dhexe ayaa lagu dilay labo horjo oge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sida ay shaacisay hay’adda NISA, howl-galkan ayaa dhacay 10-kii December, wa xaana lagu beegsaday Cabdullaahi Cism aan Maxamed, oo magaciisa afgara sha du ahaa Injineer Ismaaciil iyo Cabdik ari in Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ahaa maskaxda hawl-gallada khatarta badan ee kooxda.
Howl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdo onka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka.
Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarree ya uguna khatarta badan kooxda, isaga oo ahaa horjoogaha iyo maskaxda qayb aha qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta Al-Kataib. Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horj oogeyaasha sida gaarka ah loogu doon ista badnaa cadowga ayaa madaxii waxa uu saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar.Sidoo kale waxa uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii October iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsa day hantida iyo dhiigga shacabka Soom aaliyeed.
Dhanka kale, horjooge Cabdikarin Ma xa med Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta koo xda Al-Sha baab, ayaa si gaar ah u qaabi lsanaa deegaannada Jubbooyinka.
Howl-galkan oo ahaa mid bartilmaam eed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halistii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeya ashan ku hayeen ummadda Sooma aliyeed, sida ay sheegtay hay’ adda NISA.
XIGASHO:-CAASIMADDA,NET
HANTIDHOWRAHA GUUD EE QARA NKA OO MAANTA SAXIIXAY QO RSHA HA GUUD EE BAARISTA SANNADKA 2026
Hantidhowraha Guud ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baar ista sannadka 202, (Annual Overa
Qorshahan sanadla ha ah ayaa hagaya dhammaan hawl aha baari sta ee Xaf iiska Hanti dhowrka Gu ud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeex ayaa habka fulinta baarista han ti dhowr ee hay’adaha dowladda, jihada gu ud, mudnaanta, iyo baaxadda baari sta, ma shaariicda, iyo qaar ka mid ah ni daa myada tiknoolo jiyadda ee ay dowl addu adeegsato.
Qorshuhu wuxuu ku saleysan yahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.
Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wu xuu ka kooban yahay dhammaan no oc yada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baari sta mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansan a anta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka. Ujeeddada Isku-dha fka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuli yadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista. Natiijada laga filayo hirgelinta Qorsh aha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaa mka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fuli nta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’ada ha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.
Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadash ada hoggaanka sare ee dowladda iyo x aqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joo gto ah ugu xididada nidaamka dowadnimd a
XILDHIBAANADA KASOO JEEDA SOMALILAND OO KA MEER MEERAY DIIDMADA AQOONSIGA SOMALILAND
Xildhibaanada kasoo jeeda Somalil and ee kusugan Muqdisho ayaa si adag uga hadlay doodaha dhexyaala DF & S omaliland, iyagoo gabi ahaanba ka gaa bsaday in ay cambaareeyaan ama soo hadal-qaadan Talaabada Aqoonsiga IS R|L ay kusiisay Somaliland.
Xil dhibaanada ayaa si cad u garab ista agay arrinta Somaliland, waxayna taxeen qodobo waa weyn oo ay arar ka dhigt aan, gaar ahaana doodaha ad adag ee lax riira in Soomaaliya dib wax ugu qey bsan karto oo kaliya Koonfur & Waqooyi, sidaas oo kale ay sheegeen in ficilada kasocda dhinacyada ay xaaladda uga darayaan.
Xildhibaanada ayaa sheegay in halkii laga raadin lahaa Midnimo & dawlad Soo maaliyeed, ay Koonfurtu talada maroor satay oo dawladnimada 25kii sannaba lagu dulminayay aragtida Somaliland, ay sana taasi sax aheyn.
Dawladda Faderaalka, waxay ku ee deeyeen in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Midnimada ka leedahay, yoolka Koo nfurtuna uu yahay uun in madaxweynaha & Ra’iisulwsaaaraha la kala qaato.
Sida kaliya oo heshiis ku imaan karro ayay sheegeen in ay taahy wada hadal loo galo Koonfur & Waqooyi oo aan wax kale jirin, taas oo ka dhigan dood adag.
1- Waxaan cadeynaynaa in aan Muq disho u joogno Midnimo, waxaan aamin sanahay in dantu ku jirto wadajirka umm adda.
2- Dawladdii Soomaaliyeed 1dii July 1960-kii waxay ka dhalatay labo dawla dood "Somaliland & Somalia”, waa in la gu laabtaa heshiiskaas dibna loo qee xaa isla jidkaas.
3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka, waxaan laba da dhinac ugu baaqaynaa Somaliland & Soomaaliya gaar ahaana madaxda ho ggaanka in la joojiyo hadalada nacey bka ah ee sii kala irdhaynaya bulshada.
4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in la inkiro xaqqa dadka Soomaaliland ay leeyihiin & Dhibkii loogu geystay magaca dawladnimada Soomaaliya oo macruuf ah.
5- Argagixisada caalamiga ah waxay khatarta ku hayaan waa in laga fogaado in la diimeeyo Khilaafkaadkja siyaasiga ah ee Soomaalida u dhaxeeya, si looga fogaado oo ay adkaan in xal loo helo.
6- Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin tabanaya dhaqaa laha, amniga & socodka dadka Somalil and jooga, maadaama aan xoog lagu qas bi karin Midnimo.
7- Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay kusoo laabato miiska wada xaajoodyada si xal waara looga gaaro khilaafka jira
DAGAAL CULUS OO KA DHACAY SHAB EELLAHA DHEXE – YUU U DHAXEEYA?
Ciidamada Xoogga Dalka oo gar absanaya kuwa deegaanka ee loo yaq aano Macawiisleyda ayaa maanta dag aal culus la galay kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan nada Godka Galayda iyo Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle..
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inka sta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah.
Warar kale oo la helayo ay sidoo kale she egaya in duqaymo ay ka dhaceen deeg aanno kale oo halkaas ka dhow, walow aan faah-faahin dheeri ah laga helin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadli dagaalkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto faah-faahinta khasaaraha ka dha shay dagaalka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyi nkii dambe isku aruursanayay gobolka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciida nka xoogga dalka.
Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddoo yinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhan ka ah Al-Shabaab, iyadoo toddoba ady adii u dambeeyay ku guuleystay kha ara jinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.
KOLONYO UU LA SOCDAY MW HIRSHABELLE OO QARAX LAGULA EEGTAY JOWHAR.
Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax miino lala beegsaday kulanyo gelbineysay Madaxw eynaha maamulka Hirshabelle Cali Gu udlaawe Xuseen xilli uu maraayay halka loo yaqaan Jiiro Carmoole oo u dhaxee sa Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere.
Mid ka mid ah gaadiidka ayaa la shee gay inuu haleelay Qaraxa, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan Hirshabelle ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in 2 qof ay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ah askar iyo ciidan, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayal ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Kolonyada galbibaysay masuul iyiinta ay maanta ka tageen magaalada Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay maga alada Jowhar.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooy ada maamulka Hirshabelle Maxamed Nu ur Shuuriye ayaa xaqiijiyay qaraxa, isa goo qoraal uu soo qoray ku yiri ” Alle ay aa mahad leh, caafimaad iyo soo kab asho ayaan u rajeynayaa saaxiibada gaa riga nala saarnaa.”
Ma jiraan khasaare kale oo ka dhash ay qaraxa, sidoo kale ma jirto wax khasa are oo soo gaaray madaxweynaha Hirs habelle Cali Guudlaawe.
Dadka ku dhaaawacmay ayaa lagu da aawaynaa isbitaalada magaalada Jow har ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Maamulka degmada Jowhar iyo Kan Hirshabelle ma jirto cid ka hadashay ilaa iyo hadda qaraxa.
Muuqaallo laga duubay magaalada Aligodarz ee gobolka Lorestan, oo la faa fiyay 1-da Janaayo, ayaa muujina yay mu daharaadayaal ku dhawaaq aya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin "Pahlavi wuu soo laabanayaa,” "Jaavid Shah,” iyo "Ge eri kaligii taliye,” iyaga oo taagan waddo ka mid ah magaalada.Boosaaso: Shaqaalaha Muruq-maalka Dekedda oo Shaqada Laga Joojiyay, Dekedduna Xiran
Waxaa saaka gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii shaqada laga joojiyay shaqaalaha muruq-maalka (xoog-xaraashka) ee ka howlgala dekedda, taas oo ay maamusho shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Shaqaalaha muruq-maalka ayaa sheegay in DP World iyo maamulka dekedda ay si buuxda u diideen in ay gudaha u soo galaan dekedda, taas oo keentay in shaqadii dekeddu istaagto saaka, isla markaana ay xirmato gebi ahaanba. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo nolol-maalmeedkooda ka raadsan jiray dekedda, kuna tiirsanaa shaqada maalinlaha ah.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka cabanaya amar cusub oo ay DP World saaka soo rogtay, kaas oo faraya dhammaan shaqaalaha dekedda in ay soo iibsadaan dhar shaqo oo gaar ah oo laga doonayo in lagu shaqeeyo wixii hadda ka dambeeya, iyadoo qiimaha dharkaasi ay yihiin kuwa qaali ah.
Arrintan ayaa si weyn u saameysay shaqaalaha muruq-maalka, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta lacagtaas, maadaama ay yihiin shaqaale maalin-joog ah. Waxay sidoo kale xuseen in aysan xiran karin koofiyadaha iyo qalabka kale ee la farayo, maadaama ay yihiin xamaali alaabta madaxa ku qaada, isla markaana cimilada kulul ee Boosaaso aysan u sahlayn isticmaalka dhar iyo qalab culus.
Qaar kamid ah shaqaalaha dekedda ayaa saaka la hadlay warbaahinta, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay shaqadooda, waxayna ka digeen in arrintan ay keeni karto kacdoon shaqaale, qalalaase iyo dhibaato nololeed haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DP World ama maamulka dekedda Boosaaso, balse xaaladda dekedda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay arrintan ka dhalan karaan tallaabooyin kale oo ay qaadaan shaqaalaha shaqada laga joojiyay.
URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO GARAB ISTAAG U MUUJIYAY SOO MAALIYA
Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaash iga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dardargalinta howlaha ururka iyo la soc odka xaaladda Dalka Soomaliya ku yee shay Magaalada Jiddah ee Dalka Sacu udi Carabiya.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Xog haynta Guud ee ururka waxaa looga had lay horumarrada ka socda dalalka isla amka iyo xaaladda Jamhuuriya dda Fede raalka Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan oo oo ay muuqdaan in ay hoos u dhac een damacii Israel ee ay ku aqoonsatay maamulka Soomaaliland.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arri maha Siyaasadda, Mudane Youssef bin Mohammed Al-Dubaie oo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud Hissein Bra him Taha ayaa sheegay in midnimada, m adaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabtaan ah.
Mas’uulkaasi ayaa xusay in dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddella da degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kula nkaan uu ku soo beegmayo waqti Soom aaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnima da dhele ed ee Soomaaliya.
Guddigga Fulinte ee ururka Iskaashi ga Islaamka waxa ay carabka ku adkee yeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sidoo kale cambaareeyay xadgu dubka xukuumad da Israel ay ku doone yso inay burburiso midnimada JFS ,isla markaana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo badda Cas.


0 



HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 3- JAN-2026
.