HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 4- JAN-2026

0
Sunday January 04, 2026 - 08:57:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 4- JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Aqoon Siga Israaiil Ee Somaliland Wuxuu Fursad U Abuuri Karaa Al-Shaba Ab

Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud ayaa ka digay in xiisadaha gobolka ee la xiri ira Somaliland ay abuuri karaan fursado cus ub oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya sagoo la had layay Al Arabiya English, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, balse ay halis cusub ka dhalan karto faragalinta Isr aaiil ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in joogitaan ama saameyn Israa’iil ku yeelato Somaliland ay ka faa’iidaysan karto Al-Shab aab, maaddaama kooxda alshabaab ay sheegato inay ka soo horjeeddo farage linta shisheeye ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shee gay in Al-Shabaab ay u badan tahay inay arri mahaas u adeegsato dacaayad ay ku soo jii dato dagaalyahanno cusub isla markaana ku kordhiso maalgelinteeda.

"Al-Shabaab waxay isu soo bandhigtaa inay ka soo horjeeddo shisheeyaha,” ayuu yiri, isa goo intaa ku daray in kooxdu ka dhigi doonto ku lug lahaanshaha Israa’iil marmarsiiyo ay ku dardargeliso weerarro cusub iyo abaabul.

Inkastoo uu qiray khatarta jirta, Mada xweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkaystay in ciida mada ammaanka Soomaaliya ay shalayka awood iyo diyaarsanaan badan yihiin mar ka sta oo hore si ay ula tacaalaan hanjabaad aha noocaas ah.

Ra’Iisulwasaare Xamse Oo Caawa Tegay Goobaha Lagu Nasto Ee Magaalada Dhuusa Mareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhu uriyadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey goobaha lagu nasto ee magaalada, isaga oo bogaa diyey horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha, oo la caweeyey buls hadii uu la kulmay, ayaa kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalinta uga aaddan adkay nta nabadda, kobcinta horumarka iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Mudane Xamsa ayaa xusay in amniga iyo xasilloonida ka jirta Dhuusamareeb ay sald hig u yihiin horumarka dhaqaale iyo mid buls ho, waxa uuna ku ammaanay ganacsa tada iyo shacabka magaalada sida ay uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda Galmu dug.

Golaha Shacabka Soomaali Ya Oo Ansixiyay Hindise Shar Ciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baa rlamaanka Soomaaliya ayaa shalayans ixiyay Hindise Sharciyeed ka Daawada, kadib markii ay ka dood een isla markaana cod u qaadeen. 

Kalfadhiga ayaa ahaa kii 7-aad, kula nkiisuna wuxuu ka dhacay magaala da Muqdisho, wax aana shir guddoom ineysay Guddoomiye ku xigeenka koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar waxaana Natiijada Codeeynta ay noqotay 141 Xildhibaan oo taageer tay hindis aha, 1 Xildhibaan oo ka aamustay iyadoo ays an jirin Wax diidmo ah sida ay ku dhawa aqday Marwo Sacdiya.

Ansixinta hindise sharciyeedka ayaa ti mid kadib markii guddiga Horumarinta Adeeg ga Bulshada ee Golaha Shacabka uu xildhi baannada u soo bandhigay warbix inta akhr inta saddexaad ee hindis aha.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Guddo omiy aha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulsh ada, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa xil dhibaannada uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka, iyagoo sheegay in waq tigan uu muhiim u yahay bulshada Soom aal iyeed oo ay baahi weyn u qabaan adeegyada caafimaadka.

Intii lagu guda jiray kalfadhiga, mudana yaasha ayaa sidoo kale ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada, iyagoo ka hadlay Saameynta xun ee tubaakadu ku leedahay bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo Baah ida loo qabo in la sameeyo siyaas ado mid eysan oo ka hortagaya isticmaal ka tuba akada

Mudanayaasha ayaa sidoo kale la siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharc iyeedka Amniga Seybarka Soomaa liya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, si loo sii wado dib-u-eegista iyo ansixinta sharc iyada muhiimka ah ee dalka.

Sheekh Maxamed Weli Oo Lagu Xi Ray Magaalada Hargeysa

Ciidamada Somaliland ayaa xalay Maga alada Hargeysa ku xiray Sheekh Maxamed Weli Sheekh Cabdirashiid, oo ka mid ah cul imada reer Somaliland.

Sheekh Maxamed Weli ayaa hadda Ima am ka ahaa Masjid Jaamicii hore ee Harg eysa, kaas oo ku dhex yaala Suuqa Weyn ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in sheekha loo haysto kiis la xiriira in uu khudbaddii Jimcaha ku soo qaatay heshiiska Abraham, oo ah he shiis uu Mareykanku riixayo, isla-markaana la gu caadiyeynayo xiriirka dalalka Carabta ama Islaamka iyo Israel. Madaxweyne Donald Tru mp ayaa sanadkii 2020 soo bandhigay heshi iska Abraham, markaas oo dhowr dal oo Carab ah uu ka dhaadhiciyay in ay hagaajiy aan xiriirkooda Israel.

Muuqaalka khudbadda ee Sheekh Max amed Weli ayaa waxaa laga arki karay, isagoo Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax maan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ugu baaqaya in aanu saxiixin heshiiskan, maada ama uu ka horimanayo qaddiyadda qarani mada Falastiin, isla-markaana uu u xaglinayo dhinaca Israel.

Sheekh Maxamed Weli ayaa u muuqday mid uu khudbaddiisa kaga sii horudhacayo safarka lagu wado in Madaxweyne Cirro uu bishan ku tago Israel, si uu u saxiixo hesh iiskan, iyagoo ku bedelanaya aqoonsiga Isra el ay Somaliland ugu aqoonsatay dal mada xbannaan.

"Waxa shalayMadaxweynaheenna lagu wado, Ilaahay haka ilaaliyo.” Ayuu Sheekh Maxamed Weli ku sheegay khudbaddiisii Jimcaha.

Masuuliyiinta Somaliland iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin xarigga Sheeh Maxamed Weli, oo ka mid ah Culimada Suuf ida ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Kooxda Imaaraadka Carab Ta Uu Teegaaro Ee Yemen Oo Shaaciyey Afti Madax-Banaani

Kooxaha goo ni-u-goosadka ah ee Koon furta dalka Yemen, kuwaas oo taageero ka hela dowla dda Isutagga Imaaraadka Car abta, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inay qaban doonaan afti dad weyne oo ku saabsan madax-banna anida Koonfurta, xilli ay socda an dagaallo dhiig ku daatay oo u dhexeeya iyaga iyo Sacu udiga oo garabsan aya xulafa diisa Yemen.

Golaha KMG ah ee Koonfurta (STC) ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan xilli kala guur ah oo soconaya labo sano, kaas oo ay qayb ka tahay qabashada afti lagu dhawaa qayo dowlad madax-bannaan, talla abadan oo timid kadib markii ciidamado odu ay bishii Diseembar la wareegeen dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta dalkaas.

"Waxaan ku dhawaaqeynaa billowga xilli kala guur ah oo qaadanaya laba sano, Goluhuna wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay dammaanad ka noqoto wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso ee Koonfurta iyo Waqooy iga,” ayuu yiri mMadax weynaha STC, Ceydaruus Al-Zubeydi, oo ka hadla yay telefishinka.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Zubeydi wuxuu ka digay in kooxda ay madax-bannaani "degdeg ah” ku dhawaaqi doonto haddii aan la helin wada-hadal ama haddii Koonfurta Yemen ay markale la kulanto weerarro.

"Bayaankan dastuuriga ah wuxuu si toos ah u dhaqangeli doonaa isla markiiba ka hor waqtigaas haddii aan baaqa la dhageysan, ama haddii shacabka Koonfurta, dhulkooda, ama ciidamadooda ay la kulmaan wax weera rro ciidan ah,” ayuu raaciyay.

Afhay eenka STC, Anwar al-Tamimi, ayaa markii dambe u sheegayAl Jazeera Mubas herin tallaabada aftida loo qaadayo ay waafa qsan tahay sharciga caalamiga ah, isagoo yiri: "Bayaankan waa la diyaariyay iyadoo aan loo eegin dhaqdhaqaaqyada ciidamada Gaashaanka Qaranka (National Shield) iyo la wareegidda ay la wareegeen xarumo dhowr ah.”

Sida uu qoray wargeyskaAsharq Al Aw sat, ciidamada Gaashaanka Qaranka oo ay dowladdu taageerto ayaa Jimcihii la geeyay gobolka Xadramuut ee bariga Yemen, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen falla agonimo kaga imaanaysa cutubyo ka tirsan STC. Balse, ciidamadan ayaa la kul may weerar jidgal oo dhowr ah, taas oo kee ntay in isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaam iyo ay soo diraan diyaaradahooda dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Xadramuut, Saalim Al-Khanbaashi, ayaa ugu baaqay kooxda STC inay hubka dhigaan. "Waxaan dib u xoojineynaa caddaaladda qadiyadda Koonf urta, anagoo diideyna waddada gacan ku hay nta ciidan iyo iska hor imaadka, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal inuu noqdo dhabaha lagu soo celinayo xuquuqda,” ayuu yiri Jimcihii.

khilaafka sacuudiga iyo imaaraadka

Sacuudi Carabiya ayaa horraantii toddo baadkan duqeymo cirka ah ka fulisay goobo ay haysteen STC oo ku yaalla koonfurta bari ee Yemen. Maalintii Talaadada, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeeyay dekedda Al-Mu kalla, iyagoo beegsaday shixnad hub ah oo xiriir la leh Imaaraadka oo loo waday STC.

Duqeyntaas ayaa dhalisay is-weydaarsi diblo maasiyadeed oo aad u kulul oo aan hore loo arag oo dhex maray Riyadh iyo Abu Dhabi.

Jimcihii, ugu yaraan 29 dagaalyahan oo ka tirsan STC ayaa la dilay in ka badan 20 kale na waa la dhaawacay, sida uu wakaaladda AFP u sheegay sarkaal milateri oo ka tirsan kooxdaas, kadib markii diyaaradaha Sacuud iga ay duqeeyeen xeryo ay leeyihiin STC oo ku yaalla Xadramuut.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamo ay Riyadh taageerto ay qaadeen duullaan ay dib ugu soo ceshanayaan dhulkii ay STC qabsadeen bishii Diseembar. Boqort ooyada Sacuudiga ayaa taageerta Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Dalka Yemen ayaa fowdo galay kadib ma rkii Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda San ca toban sano ka hor. Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga dadku ku badan yahay ee Yemen.

Bishii Diseembar, ciidamada STC waxay qabsadeen dhul ballaaran oo koonfurta Yem en ah. Jawaab ahaan, Sacuudiga ayaa aba abulay xulafadiisa, oo ay ku jiraan Isbah eys iga Qabiilada Xadramuut iyo maleeshi yaad lagu magacaabo Gaashaanka Qaran ka, si ay dib ugu riixaan STC.

Dagaalkan ayaa banaanka soo dhigay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuud iga iyo Imaaraadka, oo ah laba quwadood oo Khaliijka ah, islamarkaana ah xulafada Mare ykanka. Labada dal ayaa toban sano ka hor soo farageliyay Yemen si ay u ridaan falla agada Xuuthiyiinta, balse ku guuldare ystay.

Dhawaanahan, Imaaraadka iyo Sacu udiga ayaa ku kala aragti duwanaaday arrim aha Yemen iyo Suudaan, iyagoo sidoo kale siyaasado kala duwan ka qaatay dagaalka Israa’iil ee Gasa iyo dowladda Axmed Al-Sharaa ee Suuriya.ku dhawaaqista aftida ee STC ayaa imaa neysa kadib markii Israa’iil ay si dhinac kaliya ah u aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland inay ta hay dowlad madax-bannaan. Somaliland ay aa xiriir qoto dheer oo dhanka ciidanka iyo siyaasadda ah la leh Imaaraadka. Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Abu Dhabi ma aysan cambaareyn go’aanka Israa’iil.

Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Marka ee gobolka shabeaha hoose ka dib howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu fuli yeen. 

Maleeshiyaadkii Khaawarijta ee sida dhuumaaleysiga u joogay deegaankaas ayaa firxday ka dib markii au ka war heleen in ciida mada Dowladda ay ku soo wahajan yihiin. Hadda deegaanka Jilib Mark waa deg an yah ay waxaanna ku sugan ciidamada isg arabs anaya ee Xoogga Dalka.

Dadka deegaanka oo qaatinka taagnaa Baadda iyo cagajugleynta Khawaarijta ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidamada Qara nka ee deegaanka gaaray, iyagoo uga mah adceliyay dhibta Khawaarijta ee ay ka dulq aadeen

Dfs Oo Sheegtay In La Beegsaday Xaruntii Ugu Weyneed Al-Shabaab Ay Ku Laheyd Gobolka Baay.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal militari oo culus ka fuliyay deegaanka Buula Fuuleey ee gobolka Baay, halkaas oo ka mid ah xarumaha ugu waa weyn ee ay ku sugnaayeen malee shiyaadka Al-shabaab.

War rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Fed eraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cii damada gaarka ah ee Danab, oo kaashana ya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen ha wlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo bartilmaameedkiisu ahaa xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaay een deegaanka Buula Fuuleey.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ay aa beegsaday goobo ay deggenaayeen ho rjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan mal eeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la xaqii jiyay in lagu dilay in ka badan 20 xubno od oo isugu jiray horjoogayaal iyo malee shiyaad.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burbur iyay idaacad ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku faafin jireen dacaayado oda, taas oo ku taallay isla deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya weli ma soo bandhigin magacyada xubnaha Al-shabaab ee la dilay, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogaya asha ama maleeshiyaadka lagu khaariji yay hawlgalkan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo laba m aalmood ka hor weerar la mid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay cirib tirka maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo xo ojineysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada dal

Puntland Oo Ciidamadii Ugu Badnaa Kasoo Saartay Calmiska Ad, Iyadoo Ku Daabulaysa Calma Dow

Puntland ayaa ka soo saartay ciidamadii ugu badnaa ee ka dagaallamayay buuraleyda Cal miskaad ee gobolka Bari, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu halkaas ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.

Ciidamadan ayaa shalayy laga soo daadgure eyay deegaanka Turmasaale, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu adkaa ee Daacish, isl amarkaana laga xoreeyay horraantii sanadkii hore.

Laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in si weyn loo wiiqay awooddii Daacish ee Ca lmiskaad, iyagoo xusay in ay halkaas ku hareen kooxo yar oo firxad ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya togga Baallade.

Waxa ay intaas ku dareen in la sameeyay gu uto guur-guurta oo loo bixiyay "Afmeer”, kuwa as oo loogu talagalay inay si joogto ah uga h owlgalaan Calmiskaad, si loo soo afjaro har aadiga Daacish ee weli ku sugan aaggaas.

Ciidamada laga soo saaray Calmiskaad ayaa loo diyaarinayaa inay ka qeyb qaataan howl galka xiga ee Unkad, kaas oo laga fulin doo no buuraha Calmadow, halkaas oo ay ku sug an yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Puntland ayaa talis ciidan ka dhistay gobolka Sanaag, iyadoo la filayo in halkaas looga dhawaaqo bilowga rasmiga ah ee howlgalka Calmadow.

Inkasta oo Daacish laga sifeeyay inta bad an Calmiskaad, haddana weli waxay dhibaa to ku hayaan dadka reer guuraaga ah, iyagoo ka qaata xoolaha ay haystaan si ay ugu quut aan, maaddaama kooxdaasi ay ku jirto xaal ad go’doon ah. Dhanka kale, Daacish ayaa maalmo ka hor qarax aan wax khasaare ah geysan ka fulisay deegaanka Turmasaale, oo ay ciidamadu shalayka baxeen. Qaraxaasi wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay, laguna doonayay in lagu beegsado ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhi Gga Soomaaliya Oo Shaacis Ay Dilka Hoggaamiyeyaal Sa Re Oo AlShabaab Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Soo-maaliya, Axmed Maca llin Fiqi, ayaa shalayshir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isag oo faahfa ahin ka bixiyay howlgallo amni oo ballaaran oo ay dhawaan fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday hogaamiyeyaal sa re ee ka tirsan kooxda AlSha-baab.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka jaraa’id ujeedkiisu ahaa in shacabka Soomaaliyeed lala wadaago guulo amni oo muhiim ah oo la gaaray maalmahan, gaar ahaan howlgallo sa babay in la dilo qaar kamid ah hoggaamiy eyaasha ugu khatarta badan Kooxda AlShabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu xaqiijiyay in 10kii December 2025, Hay’adda Sirdoonka iyo Na bad Sugidda Qaranka (NISA), iyada oo ka ashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ay fulisay duqeyn hawada ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay, taas oo ka dhacday deg mada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Jilib ayuu wasiirku ku tilmaamay inay tahay xarunta ugu muhiimsan ee AlShabaab, hal kaas oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyey aasha kooxda, lagu tababaro dagaalyahann ada cusub, laguna diyaariyo qaraxyada iyo qorsheyaasha weerarrada.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay labo hoggaa miye oo ka mid ahaa kuwa ugu halista badan taariikhda AlShabaab oo kala ahaa Abdul laahi Cismaan Maxamed Abuu Bakar (Engin eer Ismail) oo ahaa Khabiirka ugu weyn ee qaraxyada kooxda, isla markaana loo diyaari nayay inuu noqdo hoggaamiye sare mustaq balka iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoor leex) oo Mas’uul ka ahaa ammaanka gudaha iyo qorsheynta weerarrada dibadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in labadaas nin ay si toos ah mas’uul uga ahaayeen qaraxyo, dilal qorsheysan, iyo falal argagixiso oo wax yeello weyn u geystay shacabka Soom aaliy eed.

Intaa kaddib, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Ciidamada Gaarka ah ee Danab ay fuliyeen howlgal kale oo ka dhacay Buulo Ful aay, kaas oo lagu dilay in ka badan 20 daga alyahan oo AlShabaab ah, isla mark aana lagu burburiyay Idaacadda Andal us, oo ah ayd warbaahin ay kooxda u adeeg san jirtay dacaayad iyo marin-habaabinta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in dib loo furay waddada xeebta Muqdisho iyo Marka, taas oo muddo dheer ay AlShabaab u adee gsan jirtay inay ku cabsi geliso shacabka una carqaladeyso ganacsiga iyo isu socodka dadka. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Hay’adda NISA doorkii ay ku lahayd ururinta sirdoonka, wuxuuna sidoo kale ammaanay Dowladda Mareyka nka taageerada hawada ee ay ka geysatay howlgalladaas.

"Bishii la soo dhaafay, AlShabaab waxay la kulantay khasaaraha ugu weyn ee dhinaca hoggaanka iyo dagaalyahannada, Hoggaa miye argagixiso ah ma jiro oo ka badbaadi kara gacanta dowladda, Haddii ‘Injineerkii weynaa’ uusan baxsan karin, cid kale ma baxsan karto.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dowladda Turkiga Oo Shaaca Ka Qaaday Bisha La Billaabayo Shid Aal Qodista Soomaaliya

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabii ciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in dowladda Turkiga ay bisha Febraayo u soo diri doonto Sooma aliya markab sameeya qodista shida alka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalk eeda.

Bayraktar ayaa sheegay in howlgalada markabka qodista ee lagu magacaabo Cagri Bey ay diiradda saari doonaan aagagga bad da ee Soomaaliya, balse ma uusan bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qiyaasta kheyraadka la filayo ama baaxadda maalga shiga lagu bixinayo.

"Sannadka 2026-ka wuxuu noqon doonaa sanadkii aan daah-furi lahayn waa cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay, "Dadaalkeenna waxaan ugu bish aa reyn doonnaa shacabkeenna.”

Kobcinta Iskaashiga Tamar Ta Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horraantii toddobaadkan shee gay in markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis uu muddo sagaal bilood ah howlaha saha minta ka waday biyaha Soomaaliya, taas oo hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer ee iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Tala adadii magaalada Istanbul kula qabtay mada xweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxa muud, ayuu Erdogan sheegay in Turk iga uu raxan-kiisa maraakiibta ku soo kor dhiyay laba markab oo cusub oo kuwa badda hoose qoda ah.

"Midka koowaad ee labadan markab, oo aan u bixinnay Cagri Bey, wuxuu ka hawlgali doonaa xeebaha Soomaaliya, halka kan kalena, oo la yiraahdo Yildirim, uu ka shaqe yn doono Badda Madow,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ku biiritaanka maraakiibtan cusub ay Turkiga ka dhigeyso dalka afaraad ee caalamka ugu awoodda badan dhanka maraakiibta qoda alka badda moolka dheer.

Erdogan ayaa xusay in Turkigu qorsheynayo inuu billaabo howlaha qodista sannadka 2026-ka, isagoo tilmaamay in la filayo in howl ahan ay wax weyn ka tari doonaan horum arka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa sannadkii 2024-kii heshiis sahamin tamar ah la saxiixday Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dadaallada uu ku doon ayo inuu ku ballaariyo ilaha tamartiisa, hoos na ugu dhigo ku tiirsanaanta shidaalka diba dda, isagoo maalgashi ku sameynaya masha ariicda sahaminta ee gudaha iyo dibaddaba.

Iskaashiga Kalluumeysiga Iyo Hawada Sare

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in heshiis gaar ah oo ku saabsan kalluumeysiga uu waji cusub u yeelay iskaashiga labada dal. Heshii skan ayaa dhigaya in Turkiga uu taageero awoodda farsamo ee Soomaaliya, isla mar kaana uu gacan ka geysto la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Intaa waxaa dheer, Erdogan wuxuu shaaca ka qaaday in Turkigu qorsheynayo inuu saldhig dayax-gacmeed (Spaceport) ka dhiso Soomaaliya.

"Iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiix nay, waxaan hiigsaneynaa inaan saldhigga gantaallada cirka loo diro ka dhisno Soom aaliya,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in wajiga koowaad ee mashruucan oo ka koob an saddex heer la naqshadeeyay, dhismih iisuna uu ka billowday Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga.

Saraakiisha ayaa sheegaya in masha ariic dan ay ka tarjumayaan sida uu u sii kordh ayo xiriirka dhaqaale, tamar iyo teknoo lajiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Sooma aliya.

Trump Oo Shaaciyay In La Qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro Iyo Xaaskiisa

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah dalka Venezuela iyo madaxweyne Nicolás Maduro.

Qoraal uu Trump ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu ku sheegay in Madaxweyne Nicolás Maduro iyo xaaskiisa la "qabtay lana saaray diyaarad dalka dibeddii sa u qaadday, kaddib hawlgal uu sheegay in si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Mare ykanka iyo hay’a daha ammaanka ee Mare ykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii Venezuela lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Mareykanka, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabs an halka lagu hayo ama nooca eedeymaha loo jeedinayo.

Sheegashadan ayaa imaaneysa xilli xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Venezuela, kaddib warar sheegaya qarax yo iyo dhaqdhaqaaq militari oo ka dhacay caasimadda Caracas. Ilaa iyo hadda, dowlad da Venezuela ka ma aysan hadlin hadalka Trump, sidoo kale na ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid hay’adaha Mareykanka ama warbaahinta caalamiga ah oo si madax-bannaan u caddeynayasheegashadaas.

Wararku weli waa kuwo is khilaafsan, wax aana socda dabagal ku saabsan xaqiiq ada hadalkan uu shaaciyay Trump.

Trump Oo Hanjabaad Culus U Diray Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Tru mp ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo shee gay in Washington "ay u imaan doonto badbaadintooda” 

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: "Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Lataliyaha sare ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Trump uu "ka taxadaro” hadii uu soo farageliyo, isagoo ka digay qalalaase ka dhalan kara bariga dhexe.

Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu soo waram ayaa in lagu dilay dalka Iran kadib ku dhawa ad todobaad oo ay socdeen mudaahar aadyo waaweyn oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya.

Jimcihii qoraal uu Trump soo dhigay bart iisaTruth Social, wuxuu sheegay "Haddii Iran ay toogto oo ay si xun u disho dibad-baxa yaa sha nabdoon, taas oo ah caado ay leey ihiin, Mara ykanka wuxuu u imaan doonaa badba adintooda .

Maxkamadda Ciidamada Ju Bbaland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fuliyay Askari Ka Tirs Anaa Ciidamada Madaxtoo Yada

Maxkam adda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shalaysi rasmi ah u fulisay xukun dil toog asho ah oo lagu riday dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaas oo ka tirsanaa ciida mada madaxtooyada Jubbaland.

Xukun ka dilka ah ayaa ka dhashay fal uu Aa dan Ibraahim horey ugu dilay Allaha u naxari istee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada mad axtooy ada Dowlad Goboleedka Jubb aland, Dilkaasi ayaa dhacay 24-kii Juun 2025, kaddib muran soo kala dhexga lay labada askari.

Sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah, muranka labada askari ayaa ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, taas oo ugu dambeyn isku beddeshay gacan ka hadal, halkaas oo Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu mindi ku dilay saaxiibkiis Cabdifa taax Cumar Shariif.

Kaddib baaritaanno socday muddo, Max kamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubb aland ayaa saddex jeer u fariisatay dhageys iga dacwadda, iyadoo ugu dam beyn go’aam isay in eedeysanaha la gu xukumo dil toga sho ah, taas oo ah qisaasta marxuum Cabd ifataax Cumar Shariif.

shalayayay maxkamaddu si buuxda u fulisay xukunkaas, iyadoo goobta fulinta xuk unka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka iyo cadaal adda. Gaa shaanle Ismaaciil Cabdi Cali, xeer ilaaliy aha Maxkamadda Ciidam ada Jubbal and, ayaa warbaahinta u akhri yay xukunka, isagoo xaqiijiyay in qisaasta si sharci ah loo fuliyay. Fulinta xukunkan ayaa imaaneysa xilli maa mulka Jubbaland uu marar badan ku celceli yay in uu adkeynayo ilaalinta sharc iga, isla markaana aan marnaba la aqbali doonin dambiyada ka dhex dhaca ciidam ada qala bka sida

Vladimir Padrino Oo Sheegay In Venezuela Ay La Dagaalameyso Ciidamada Mareykanka

Wasiirka Difaaca Venezuela, Vladi-mir Padrino López ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ay u midoobaan weerarka ay Ciida mada Mareykanka ku soo qaadeen dalkaasi, isla-markaana ay ku kaxeysteen Madaxwe ynihii Qaranka, Nicolás Maduro iyo Marwada 1aad ee dalkaasi, Cilia Flores.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in loo baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan, waxa uu ku sheegay gardarrada ugu xun Mareykanka ee ka dhanka ah dalko oda.

Wasiirka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsa ha badan Ciidamada Militariga looga hawlg elin doono dalka oo dhan, iyadoo laga horta gayo haddii meelo ka mid ah dalka ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye.

"Way na soo weerareen, balse hoos noo ma dhigi doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Difa aca Venezuela oo adkeeyay midnimada sha ca bka dhexdooda ah.

" Venezuela waxay iska caabin doontaa ciid amada shisheeye, annagoo raacayna am aradii Madaxweyne Maduro.” Ayuu yiri Was iirku. Dhanka kale Wasiir López ayaa shee gay in ay wadaan xog uruurin ay ku ogaana yaan hasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay duqaymihii Marey kanka.López ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay garaaceen goobaha rayidka.

Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela, Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in Venezu ela ay diiday duulaanka qaawan ee Mareyk anka, isla-markaana ay cambaareynayaan.

Xaalad aad u kacsan ayaa ka jirta dalka Venezuela, ka dib duqayntii xooganeyd ee shalayy ay Ciidamada Mareykanka ka fuliye en dalkaasi iyo warkii xigay ee Madaxweyne Donald Trump uu ku sheegay in Mareykanku uu gacanta ku dhigay Maduro iyo xaaskiisa, dalkana laga duuliyay.

Dad Ku Dhintay Dhulgariir Cabirik Iisu Yahay 6.5 Oo Ku Dhuftay Mexico

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koo nfurta iyo bartamaha Mexico Jimcadii.

Warbaahinta CBS, ee Maraykanka ayaa she egtay in ilaa fiidnimadii jimcaha waqtiga ma xaliga ah ee dalkaas, labo qof ay dhinteen hal ka dhowr kale ay dhaawacmeen.

Xudunta dhulgariirka cabirkiisu ahaa 6.5 ayaa ku dhawayd magaalada dalxiiska caa nka ah ee Acapulco, oo ku taal agagaarka San Marcos ee gobolka koonfur-galbeed ee Guerrero.

Gobolka Guerrero, guddoomiyaha gobol ka Evelyn Salgado ayaa sheegtay in hawe eney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku dhimatay, halka Clara Brugada, duqa maga alada Mexico City, ay xaqiijisay geerida nin 60 jir ah. Waxay sidoo kale sheegtay in 12 qof oo kale ay dhaawacmeen

Xildhibaanno Reer Awdal Ah Oo Xukuumadda Somaliland Ku Eed Eeyay In Ay Cabudhin Ku Hayso Dadka Gobol

Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Xildhiba an Maydhane, oo ka tirsan Golaha Waki illada Somaliland, ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cagajuglayn iyo cabudhin ku hayso dadka reer Awdal, kaddib markii la sheegay in la xidh-xidhay dhallinyaro calanka Falastiin lasoo baxay. 

Waxay xukuumadda ku eedeeyeen in dhalli nyaro reer Boorama ah loo xidhay qaadash ada calanka dalka Falastiin, xilli dadka reer Somaliland ay ku dabaal-degayeen calanka Israa’iil, kaddib markii dowladda Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

Waxay sheegeen in ay sharcigu ka soo horjeeddo in dad lagu xidho qaadashada calanka Falastiin, iyagoo xusay in magaalada Boorama ay tahay magaalo nabdoon, balse xukuumaddu ay nabadgelyo-darro ka abuura yso.Hadda cidda xidhan faraha ha laga soo qaado, haddii magaalada aydaan idinku kici nayn, oo in aad rogtaan aydaan doonayn, xorriyatul-qawlka Dastuurka Somaliland ayaa jideeyay,” ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.

Dhanka kale, waxay sheegeen in ay doonay aan in beelaha Somaliland ay saamiga xukuu madda si siman u qaybsadaan, iyagoo shee gay in laba mid uun ay noqon doonto: in saa miga ay doonayaan la siiyo ama in reer Aw dal ka go’aan Somaliland.

"Shuhadadii inaga dhimatay dhiiggoodu waa in uu wax inoo gooyaa oo aynu wax ku helnaa. Haddii taasina dhici weydo, sida lagu sii wada joogayo way adkaanay saa. Umad dayada in la qayb-qaybiyana marnaba Cirro kaama oggolaanayno,” ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.

Marka laga yimaaddo gobolka Awdal, waxa jira dad kale oo isugu jira culimo iyo aqoony ahanno oo maalmihii la soo dhaafay lagu xidhay magaalada Hargeysa, kaddib markii ay dhaliileen xidhiidhka Israa’iil iyo Somal ila




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip