HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 8- JAN-2026

0
Thursday January 08, 2026 - 08:47:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 8- JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Cabdi xaashi oo soo hadlay: Soomalinimo aan wax isku siino

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka soomaaliya, mudane cabdi xaashi cabdullahi oo shalayjeediyay khudbad xasaasi ah ayaa ka hadlay xaaladda guud ee soomaaliya, isaga oo diray farriin culus oo muhiim ah.

Cabdi xaashi ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha qabiilka ee la dagay dalkeenna, wuxuuna sheegay inuu dib u dhigay dadka soomaaliyeed, isaga oo ku baaqan in soomaalinimo wax lagu wada qabsado.

"waxaa ina dilay waa qabiil oo dib u dhaca dalkaan koow ka ah soomalinimo aan wax isku siino dalkana halaga fikiro” Ayuu yiri guddoomiye cabdi xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "waan ku faraxsanahay inaan sidaas isku wada qiimeyno oo aynu qirno qofkeenna qiimaha innoo leh, waxaa idin leeyahay guuleysta howshiinuna halkaas haka sii socoto”.

Guddoomiyaha aqalka sare oo inta badan ka hadlay wadaniyadda ayaa marar badantix ku cabiray dareenkiisa, isaga oo ku taliyay inay shaqeyso dowladnimada .

"dowladdeennii baynu duminay qaxooti ayeynu nahay aan qiime ku lahayn adduunka, aynu ka fekirno waddaniyad iyo sidaan dalkeena dib ugu mideyn lahayn waxaynu noqonay dowlado reera ah cadow baa inna kala qaybiyey, soomaali ma anfacdo reero calan sita, war qarannaa ina anfacda ma kala go’i karno.” Ayuu horay ugu yiri khudbad uu ka jeed iyay golaha dhexdiisa.

Waxaa kale oo uu xilligaas ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada da lka, isla markaana laga tego qabiilka iyo calamada gaar gaarka ah ee haatan la sameystay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay israa’iil siisay maamulka somaliland, kaas oo ay si weyn u diideen dowladda federaaka iyo saaxibadeeda caalamka

Guddoomiyaha gobolka bana adir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha deg mooyin kooda

Guddoomiyaha maamulka gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho dr. Xasan maxamed xuseen (muungaab) ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka guddoom iyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada dadweynaha, xoojinta nabadgalyada, bilicda caasimadda, iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah bulshada ku nool muqdisho.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee duqa muqdisho uu la qaato guddoomiyeyaasha degmooyinka tan iyo doorashadii golaha deegaa nka ee qabsoontay 25-ka bishii disee mbar 2025 ee la soo dhaafay, ayaa la gu faray guddoomi yeyaasha degmo oyinka ilaalinta danaha shacabka, adkeynta amniga, kor-u-qaadidda iyo bilicda magaalada, iyo in si dhow loola shaqeeyo bulshada, si’ loo dar eensiiyo lahaanshaha dowladnima da.

Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda deg mooyinkooda, caqabadaha jira iyo fursadaha looga gudbi karo, iyagoo muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan joogteynta wadashaqeynta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexjira.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda iskaashi ah, isla-xisaabtan, iyo hirgeli nta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka ku dhaqan caasimadda muqdisho.

Taliyaha gobolka booli ska banaadir oo mamnuucay gaadiidka xamuulka qaada ee ka badan xadkii sharciga

Taliyaha booliska gobolka banaadir, g/sare mahdi cumar mumin, ayaa shalayshaaciyay in laga mamnuucay magaalada caasim adda ah ee muqdisho gaadiidka xamuulka qaada ee ka badan xadkii sharciga, taas oo bilaabanaysa isla shalay. 

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka iyo mida lagula dagaallamayo khataraha ka dhasha gaadiidka xad-dhaafka ah.

Taliye mahdi ayaa sheegay in, "gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raray waa laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan gudaha caasimadda.”

Ujeedada tallaabadan, ayuu taliyuhu sheegay, waa in laga hortago shilalka ka dhasha gaadiidka aan degganeyn ee xad-dhaafka ah, kuwaas oo halis weyn ku ah badbaadada dadweyna ha.

Sawirro muujinaya gaadiid xad-dhaaf ah xamuul usoo qaaday sida dhagaxaanta ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana ka dashay falcelino ay sameeyeen dadka isticmaala baraha bulshada iyagoo ka digaya khataraha ay dhalin karaan, waxaana shacabka ay si weyn uga walaacsan yihiin halista ay keenaan mararka qaarkiis.

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa lagu boorriyey inay si degdeg ah u wajahdo arrintan si loo ilaaliyo dadka magaalada ku nool loona hubiyo in gaadiidka lagu wado si nabadgelyo leh.

Go’aankan ayaa ka turjumaya welwelka shacabka ee la xiriira amniga waddooyinka iyo gaadiidka culus.Dad badan ayaa ugu baaqay in la adkeeyo xeerarka iyo kormeerka si khatarahaas si wax ku ool ah looga hortago


Culimada soomaaliyeed oo muqdisho ku qabtay isu soo bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta israa’iil kula kacday soomaaliya

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka israa’iil kula kacday midnimada soomaaliya oo culimada soomaal iyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda taallada dajirka dahsoon ee magaalada muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee bulshadda,maamulka gobolka banaadir,bulshada rayidka iyo madax kala duwan iyadoo halkaas shacabka iyo madaxduba ku soo bandhigayaan siday uga soo horjeedaan xadgudubka israa’iil sidoo kalena diyaar ugu yihiin difaaca midnimada soomaaliya iyo ilaalinteeda.

Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey siday waajibka u tahay difaaca midnimada dalka ugu horayn sheekh cali wajiis oo goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada soomaaliyeed shalaywaxay iskugu soo baxeen in ay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta .”

Sidoo kale sheekh yuusuf cali ceynte oo goobta kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri "shalayoo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay israa’iil.”

Sheekh cabdullaahi axmed ayaa isaguna si adag u sheegay in dadka soomaaliyeed ma aqbali doonin in israa’iil ku soo xadgudubto midnimada dalkeenna.

Guddoomiyaha ku-xigeenka midowga golayaasha culimada soomaaliyeed, sheekh bashiir axmed salaad ayaa isaguna yiri "haddaan nahay islaam, walaalo ma nihin yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo xadgudbo.”

Ugu dambayn guddoomiyaha mido wga golayaasha culimada soomaal iyeed sheekh suufo yare oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri "culimada soomaaliyeed shalaywaxay sameynayaan bann aan bax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”

Ciidamada mareykanka oo qabtay markab labaad oo dal laga leeyahay aanu jirin

Ciidanka badda mareykanka ayaa arbacadan gacanta ku dhigay ma rkab labaad oo ganacsi, ka dib ay ka fuliyeen badda caribb ean-ka.

Markabkan oo ah nooca shidaalka qaada, laguna magacaabo mt sophia ayaa lala xiriiriyay in uu ka mid yahay maraakiibta lagu eedeeyay in ay jebiyeen cunqabateynta mareykan ka ee shidaalka venezuela.

Taliska ciidamada mareykanka ee koonfurta (us southcom) ayaa sheegay in markabkan uu watay calanka panama, xilligii ay ciidamadu qabanayeen.

Taliska ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in markabku uu yahay mid aan dal-na laga leeyahay, horeyna loo cunaqabateeyay.

Taliska ayaa intaasi ku daray in ciidanka ilaalada xeebaha ee marey kanka ay hadda markabkan u gelbin ayaan dhinaca dalkaasi mareykanka.

Madaxweynaha mareykanka, don ald trump ayaa bishii december ciidam ada ku amray in la go’doomiyo mara akiibta shidaalka ee ku xadg udbay cunaqabateynta marey kanka, isla-markaana geliya, kana baxaya dalka venezuela.

Waxa uu noqonaya markabkii labaad ee ay shalayqabtaan ciidamada mareykanka ee fulinaya amarka dowladda mareykanka.

Hawlgalka mareykanka ee yurub (useucom) ayaa markabka bella-1, balse dhawaan magaciisa u bedelay marinera ku qabtay badda yurub amaba waqoyiga badweynta atlantic-ga.

Taliska ciidanka booliiska oo warbixin ka soo saaray koox dhalinyaro abaabulan oo sameeyey banaan bax fowdo ah

taliska ciidanka booliska soomaaliyeed wuxuu bulshada soomaaliyeed u xaqiijinayaa in shalayoo ay

Taariikhdu tahay 06-01-2026 abaaro 10:55am subaxnimo xaafad ka mid ah degmada deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar dukaan uu lahaa muwaadin soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay carruur iyo haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay ciidanka booliiska soomaaliyeed oo gaarey goobta,

Ciidanka booliska intii ay ku guda jireen badbaadinta hantida waxaa ka dhashey rabshado abaabulan oo isku bedelay dhagax-tuur lagala horyimid ciidanka booliska ee gurmadka ku yimid,

Waxaa shaqaaqadaas ku dhaawacmay ilaa 3 qofood oo rayid ah waxaana la geeyey isbitaalada oo hada lagu dhabiibayo. Ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacadadaas

Haddaba ciidanka booliska soomaaliyeed wuxuu arrintaas ku wadaa baaris dheeraad ah, si looga hortago dadka faafinaya wararka been abuurka ah.

Wabillaahi towfiiq.

Ururka iskaashiga islaamka oo shir degdeg ah ka yeelanaya aqoonsiga israel ee somaliland

xoghaynta guud ee ururka iskaashiga islaamka (oic) ayaa shaacisay in shir degdeg ah la isugu yeerayo golaha wasiirrada arrimaha dibadda, kaas oo qabsoomi doona sabtida 10-ka janaayo 2026, laguna qaban doono xarunta ururka ee magaalada jeddah.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee ka taagan jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, gaar ahaan kaddib tallaabo muran badan dhalisay oo ay israel ku dhawaaqday inay ku aqoonsanayso somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay dowladda soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka ah.

Ururka iskaashiga islaamka ayaa sheegay in shirkan looga gol leeyahay in la mideeyo mowqifka dalalka islaamka, lana muujiyo taageero cad oo buuxda oo loo hayo midnimada, madaxbannaanida iyo dhul ahaan wadajirka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah iyo go’aannadii hore ee ururka.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda israel, gideon sa’ar, uu booqasho ku tegay magaalada hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay madaxda somaliland. Dowladda soomaaliya ayaa booqashadaas ku tilshalayy mid sharci-darro ah, kuna sheegtay "faragelin aan fasax loo haysan” Oo lagu sameeyay dhulka soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda israel ayaa dhankeeda sheegtay in wasiirku uu la kulmay madaxweynaha somaliland cabdiraxmaan maxamed cabdullaahi (cirro), isla markaana israel ay ballan-qaadday gargaar dhinacyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, iyo sidoo kale iskaashi dhanka difaaca ah.

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadaas, iyadoo sheegtay in wax xiriir ama booqasho rasmi ah oo lala yeesho somaliland aanay sharci ahayn haddii aan oggolaansho laga haysan dowladda federaalka.

Sidoo kale, jaamacadda carabta ayaa ku dhawaaqday inay si cad uga soo horjeeddo wax xiriir rasmi ah ama mid aan rasmi ahayn oo lala yeesho somaliland, kana baxsan midnimada iyo madax-bannaanida soomaaliya, iyagoo ka digay in arrintan ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan badda cas, gacanka cadmeed iyo geeska afrika.

Indhaha siyaasadda soomaaliya iyo tan caalamkaba ayaa hadda ku sii jeeda natiijada ka soo bixi doonta shirka degdegga ah ee ururka iskaashiga islaamka, kaas oo la filayo in uu cadeeyo mowqif midaysan oo taageeraya soomaaliya iyo midnimadeeda.

Isbahaysiga sacuudigu hog aamiyo oo sheegay in hogga amiyaha stc zubaidi uu baxsaday kahor wadahadal lada riyadh

Isbahaysiga sacuudigu hoggaamiyo ayaa arbacadii sheegay in aidrous al-zubaidi, hoggaamiyaha southern transitional council (stc), uu ka baaqday safar uu ugu ambabixi lahaa sacuudiga, halkaas oo wadahadallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda ka taagan koonfurta yemen la qorsheeyay.

Afhayeenka isbahaysiga, turki al-maliki, ayaa sheegay in zubaidi lagu amray 4-tii janaayo inuu 48 saacadood gudahood u safro riyadh si uu ula kulmo rashad al-alimi, madaxa golaha hoggaanka madaxw ey naha yemen, balse uusan imaanin ballanta.

Isbahaysigu wuxuu sheegay in duulimaad ay lahayd yemenia airways oo siday wafdi stc ah uu dib u dhacay, islamarkaana zubaidi uusan raacin diyaaradda. Intii dib u dhacaasi socday, isbahaysigu wuxuu ku eedeeyay zubaidi inuu dhaqaajiyay ciidamo iyo hub loo diray al-dhalea, isla markaana uu hub u qaybiyay dagaalyahanno ku sugan caden.

Ciidamada isbahaysiga ayaa sheegay inay qaadeen weerarro xaddidan oo ka-hortag ah oo ka dhacay al-dhalea, iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda yemen iyo homeland shield forces, si looga hortago dagaal ballaaran.

Xiisaddan ayaa muujinaysa khilaafka u dhexeeya sacuudiga iyo imaaraadka ee ku saabsan doorka stc ee koonfurta yemen. Stc, oo taageero ka heysta imaaraadka, wuxuu doonayaa is-maamul ama madax-bannaani, halka sacuudigu uu taageero midnimada yemen.

Dhanka kale, warbaahinta gobolka ayaa sheegtay in golaha hoggaanka madaxweynaha uu zubaidi xilka ka qaaday kuna eedeeyay khiyaano qaran. Stc ayaa beenisay arrintaas, waxayna sheegtay in zubaidi uu weli ku sugan yahay caden kana shaqeynayo waajibaadkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda sucuudiga oo olole ka dhan ah imaaraatka u tagay mareykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada sacuudi carabiya, amiir faisal bin farhan, ayaa gaaray magaalada washington ee dalka mareykanka, isagoo bilaabay booq asho rasmi ah oo qayb ka ah dadaa llada lagu xoojinayo xiriirka ka dhex eeya labada dal. 

Booqashadan ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah, marka loo eego xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka bariga dhexe iyo isbeddellada siyaas adeed ee kasoo cusboonaaday gobolka geeska iyo gacanka cadan.

Wasiir farxaan ayaa olole weyn oo caalami ah ugu jira midnimada dalalka soomaaliya, yemen iyo suudaan. Socdaalkiisa kahor waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya oo dhawaan riyaad ku booqday.

Imaaraadka carabta oo mar kale xaqiijisay taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida soomaaliya

Dowladda isu-tagga imaaraadka carabta (uae) ayaa mar kale xaqiij isay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada dhul eed, amniga iyo xasilloonida jamhu uriyadda federaalka soomaa liya.imaaraadka ayaa hoosta ka xarr iiqday muhiimadda ay leedahay xooji nta hay’adaha dowliga ah iyo hirgel inta horumar waara oo dalka ka hana qaada, si loo adkeeyo dowladni mada iyo xasilloonida soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu muujiyay kulan heer sare ah oo 6-da janaayo 2026 ka dhacay magaalada addis ababa, kaas oo u dhexeeyay guddiga mid owga afrika (auc) iyo dowladda isu-tagga imaaraadka carabta.

Kulanka, oo imaaraadka uu ku mat alay wasiiru-dowlaha arrimaha dib adda sheekh shakhboot bin nahyan al nahyan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya uae iyo midowga afrika, iyadoo lagu salaynayo heshiiska is-afgarad ee labada dhinac kala saxiixdeen sanadkii 2019.

Imaaraadka carabta ayaa soo bandhigay hindisaha cusub ee "ai for development”, oo miisaaniyaddiisu tahay hal bilyan oo doollar, kaas oo loogu talagalay in lagu taageero horumarka qaaradda afrika iyada oo loo marayo hal-abuurnimo, tiknool ajiyad casri ah iyo isbeddel dijitaal ah.

Go’aanka imaaraatka ayaa kusoo aadaya iyadoo xiriirka soomaaliya iyo imaaraadka carabta uu mugdi sii galayo, kaddib markii israa’iil ay aqoonsatay somaliland, tallaabadan ayay dowladda federaalka soom aaliya aaminsan tahay in abu dhabi si muuqata ugu lug leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, imaaraadka carabta ayaa muddo sannado ah door muhiim ah ka ciyaarayay taageeridda soomaaliya, oo ay ka mid yihiin bixinta mushaaraadka ciidamada amniga, tababarro iyo qalab militari, iyo sidoo kale kaalmo toos ah oo miisaaniyadeed oo lagu taageerayo hay’adaha dowladda.

Ruushka oo jawaab jilicsan ka bixiyay qabsashada marey kanka ee marka bka watay calanka ruushka

Ruushka ayaa cambaareeyay la war eegitaanka ciidamada mareyka nka ee markabka shidaalka qaada ee bella-1, balse dhawaan magaciisa u bedelay marinera.

Wasaaradda gaadiidka ruushka ayaa sheegtay in ay ka xun tahay qabsashada mareykanka ee markab sitay calanka ruushka, isla-marka ana marayay badweynta atlantic-ga.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay lumiyeen isgaarsiinta markabka, ka dib markii ciidamada mareykanka ay kor u fuuleen.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in dal-na uusan xaq u lahayn in uu xoog u adeegsado markab ku diiwaan-gashan shuruucda dal kale.

"iyadoo la raacayo heshiiskii qara mada midoobey ee sharciga badaha ee sanadkii 1982-kii, xorriy adda socdaalka waxay khuseysaa biyaha badda sare, mana jirto dowlad xaq u leh in ay xoog u adeegsato maraakiibta sida saxda ah uga diiwaan-gashan dowlado kale.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in markabka marinera uu 24-kii bishii december helay ogolaansho ku-meel-gaar ah, si uu ugu gooshi amaba ugu safro calanka ruushka.

"24-kii bishii december, 2025 waxaa markabka marinera la siiyay ogolaansho ku-meel-gaar ah inuu ku socdaalo calanka ruushka, oo la soo saaray si waafaqsan sharciga ruushka iyo xeerarka caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada mareykanka ayaa shalaymarkabkan ganacsiga ku qabtay xeebaha yurub, xilli uu ku sii jeeday ruushka, isla-markaana aanu wadin wax shidaal ah.

Ciidamada mareykanka ayaa la wareegay maamulka markabkaasi, ka hor inta aysan goobta soo gaarin gurmadka maraakiibta dagaalka ee dalkaasi ruushka.

Ka dib la wareegitaanka mareykanka ee markabka, jawaabta uu ruushku ka bixiyay waxay ahayd mid hoose, mana sheegin in moscow ay ka daba tageyso markabkaasi

Sucuudiga oo weeraray gur iga hoggaamiyaha gooni u goosadka yemen

Sacuudiga ayaa sheegay inuu fuliyay "weerarro xaddidan” Oo uu la beegsaday goobo uu adeegsanayay hoggaamiyaha gooni-u-goosadka koonfureed caydaruuus al-zubaidi. 

Bartilmaameedka ugu weyn ayaa ahaa xero ku taalla gobolka dhale, oo ku yaalla koonfurta yemen.

Arrintan waxay dhacday saac ado kaddib markii al-zubaidi uu ku guuldarreystay inuu raaco diyaa rad loo qorsheeyay inay u qaaddo riy aad, halkaas oo la filayay inuu kaga qayb galo wadahadallo.

Sacuudiga ayaa sheegay in caydar uuus uu u baxsaday meel aan la garanayn.

Guddoomiyaha gobolka ban aadir oo dhagax-dhigay wa ddo cusub oo laga hirga linaayo jamhuuriya

Guddoomiyaha gobolka banaadir mudane xasan maxamed xuseen (muungaab) oo ay garab taagan yihiin maamulka gobolkaasi ayaa shalayy dhagax-dhigay dhismaha waddada jamhuriya ee degmada kaaraan oo ka tirsan gobolka banaadir.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xafladdii dhagax-dhigga ayaa xusay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mashruucyada horumarineed ee ay dowladda soomaaliya ka waddo gudaha dalka,gaar ahaan magaalada muqdisho.

"canshuurta laga qaado bulshada soomaaliyeed qeyb kamid ah in aan dib ugu celinno oo aan kaabayaasha dhaqaale ku dhisno waa mid ka mid ah waajibaadka na saaran” Ayuu yiri mudan muungaab.

Guddoomiyaha gobolka banaadir mudane xasan maxamed xuseen (muungaab) waxa uu qiray in si caddaalad ah degmooyinka gobolka looga fulin doono mashruucyada wax ku oolka ah ee ay u baahan yihiin bulshada xamar.

Dhismaha wadada jamhuuriya ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo muddo lix bilood ah,iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo waddo dhererkeedu yahay 3 kiilo mitir iyo bar oo laba dhinac ah,taas oo guud ahaan noqoneysa 7 kiilo mitir.

Wasiir Fiqi oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shalaytababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.

Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay isu soo bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Soomaaliya oo Culimada Soomaaliyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda Taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee bulshadda,maamulka gobolka Banaadir,bulshada rayidka iyo madax kala duwan iyadoo halkaas shacabka iyo madaxduba ku soo bandhigayaan siday uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil sidoo kalena diyaar ugu yihiin difaaca midnimada Soomaaliya iyo ilaalinteeda.

Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey siday waajibka u tahay difaaca midnimada dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed shalaywaxay iskugu soo baxeen in ay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta Israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta .”

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo goobta kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri "shalayoo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay Israa’iil.”

Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonin in Israa’iil ku soo xadgudubto midnimada dalkeenna.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri "Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo xadgudbo.”

Ugu dambayn Guddoomiyaha midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufo Yare oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri "Culimada Soomaaliyeed shalaywaxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip