HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 13- JAN-2026

0
Tuesday January 13, 2026 - 08:34:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE 13- JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya awooddooda dastuuriga ah kana duulaya waajibaadka saaran ee ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayaa shalay qaatay go’aan muhiim ah oo lagu difaacayo qarannimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu, kaddib qiimeyn qoto dheer oo ay ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay iyo warbixinno la xiriira arrimaha amniga, siyaasadda, iyo madaxbannaanida dalka, ayaa si rasmi ah u burriyay dhammaan heshiisyadii iyo wadashaqeyntii u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo lala galay hay’adaha dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada dalka, difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku dhaqanka sharciga, dastuurka, iyo heshiisyada caalamiga ah ee dalka uu saxiixay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax oo ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya iyo aqoonsi beenaadka ay siisay maamulka Somaliland.

Dibadbaxayal ayaa isugu baxay afaafka hore ee xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah xadgudubka Israa’iil iyo kala qeybinta Dalkeenn.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Beljimka ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, Israa’iilna ku dhicin in ay ku gardaradoodo dalkeenna iyo dadkeenna.

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Alshabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii biyaha ay isticmaali jireen Khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamadu ay heleen dhowr god oo Khawaarijtu ku keydsan jireen caagag gaaraya dhowr boqol, kuwaas oo ay ku jireen biyo ay ugu talagaleen horjoogayaashooda iyo maleeshiyaadka ku sugnaa aagga Jilib Marko.

Dhawaan ayay ahayd markii howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay Alshabaab looga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli deegaanno badan oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha hoose ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan waxaa soo abaabulay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn uga caraysan falka gardarrada ah ee Israa’iil, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, kuna adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,iyagoo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta wadajirka ummadda.

"Haddii aan nahay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Qaranka ku taageereynaa difaaca midnimida dalka.” Afhayeenka Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in xilligan oo kale ay lagama maarmaan tahay midnimo, wadashaqeyn iyo wadarjir si looga gudbo caqabadaha jira.

Waxay si adag u muujiyeen diidmadooda ku aaddan xadgudubka qaawan ee YH-DA kula kacday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in ay si cad u cambaareynayaan faragelinta Israa’iil ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo feejignaan qaran.

Xildhibanada Golaha Shacabka BFS oo ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xidhibaanad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, waxaana ogolaatay 139-Xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Go’aankan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale muujinaya dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta caafimaadka dadweynaha iyo la jaanqaadidda heshiisyada caalamiga ah

Maxay ka wadahadleen Sheekh Shariif, Saacid Shirdoon iyo Fahad Yaasiin?.

Madax sare oo ka tirsan Xisbiga Midowga Haybad Qaran, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xalay booqasho ku tagay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi ku saabsan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, midnimada qaranka, dowlad-dhiska, iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiga heer qaran, isla markaana la helo aragti mideysan oo ku wajahan ka gudbidda caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira.

Waxay hoosta ka xariiqeen in talo wadaag joogto ah uu yahay furaha xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka aloosan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xalka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu saleeyo ku laabashada ku shaqeynta Dastuurkii KMG ahaa, iyada oo la tixraacayo go’aamadii hore ee Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo xubno ka yihiin mas’uuliyiintan siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta ayaa isla meel dhigay in xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta ay u baahan tahay bisayl siyaasadeed, isu-tanaasul, iyo in laga hormariyo danaha qaranka khilaafaadka shaqsiyeed ama kooxeed.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed, is-mariwaa doorasho, iyo is-jiid-jiid xooggan oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, taas oo saameyn ku yeelatay geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal taleefan ah la yeeshay mudane Wang Yi Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, islamarkaana ah xubin ka tirsan guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CPC).

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen xoogga iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo taageerada ay isu muujiyaan danaha aasaasiga ah ee mid kasta. Waxay soo dhaweeyeen horumarka xiriirka labada dal, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wax ku oolka ah, iyagoo adkeeyay ka go’naanshahooda wadajirka ah ee madaxbannaanida, midnimada, iyo faragelin-la’aanta arrimaha gudaha.

Shiinuhu wuxuu mar kale adkeeyay taageeradiisa buuxda ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda adag ee mabda’a Hal-Shiine, dhammaan dadaallada Shiinaha ee dib-u-mideynta Qaranka, iyo awoodda Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758.

Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, kaalmada horumarinta, is-dhaafsiga bulshooyinka, iyo isu-duwidda dhinaca hay’adaha caalamiga ah, iyo sidoo kale horumarinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Ugu dambayn, labada dhinac waxay mar kale ku celisay in dhammaan dalalku ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay ka soo horjeedaan hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ee xiriirka caalamiga ah, iyo inay diidaan tallaabooyinka qasabka ah iyo cabsi-gelinta ah ee ku xadgudba madaxbannaanida dalalka kale.

Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo ku dhawaaqay inay joojiyeen Wadashaqeynta Wasaaradda Awqaafta DFS

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa shalay si wadajir ah u soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah, iyaga oo ku dhawaaqay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib khilaaf soo jiitamayay, oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada-shaqeynta, wada-tashiga iyo is-waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta.

Wasaaradahan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Federaalka inay ku tumaneyso mabda’a federaalka, isla markaana aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada ee ku xusan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in arrimaha awqaafta, diinta, masaajidda, iyo maamulidda culimada ay si toos ah ula xiriiraan bulshada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo wadatashi dhab ah iyo isla xisaabtan cad.

Wasaaradaha saxiixay go’aankan ayaa caddeeyay In wixii hawlo ah, munaasabado diimeed ama go’aano la xiriira arrimaha awqaafta iyo diinta, aysan mar dambe ka qeyb geli doonin haddii aysan ku imaan wada-tashi iyo oggolaansho buuxa, islamarkaana ay sii wadi doonaan adeegyada diinta ee ay u hayaan bulshadooda, iyagoo u maraya maamul dowlad-goboleedkooda.

Sidoo kale ay diyaar u yihiin wada-hadal mustaqbalka, balse ku saleysan ixtiraam dastuur, isla xisaabtan iyo cadaalad.

Dhanka kale ilaa iyo hadda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka kama aysan hadlin warsaxaafadeedkan, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ay soo saartay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay masuuliyiin ka socota hay’adda IOM, gaar ahaan unugga u qaabilsan Xasillinta Bulshooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo taageeridda hirgelinta barnaamijyada Xasillinta, kuwaas oo mudnaan siinaya gaarsiinta gargaarka degdegga ah iyo adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo deegaannada dhowaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sare u qaadista wada-shaqeynta, iyo dardargelinta fulinta barnaamijyada la xiriira xasillinta, si loo hubiyo gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada.

Doon sidday muhaajiriin oo ku qallibmatay Turkiga

Hal qof ayaa dhintay shalay toddobo kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay badda Aegean ee xeebaha Turkiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalkaas.

Soddon iyo toddobo qof oo rakaab ah oo saarnaa doon caag ah oo mareysay biyaha magaalada galbeedka Turkiga ku taal ee Dikili, ee waqooyiga Izmir, ayaa la badbaadiyay iyagoo nool, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Dikili, oo ah meel yar oo loo dalxiis tago, ayaa u dhow jasiiradda Giriiga ee Lesbos, oo u jirta ilaa 20 kiiloomitir (12 mayl).

"Howlgallada baadigoobka ah…waxa ay sii wadaan raadinta toddobada qof ee la la’yahay ee muhaajiriinta ah,” ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha.

Doomaha qlalibma ayaa ku badan marinnada halista ah ee loo maro jasiiradaha Giriiga, kuwaas oo ah marin laga galo Yurub.

Ku dhawaad ​​1,900 oo muhaajiriin ah ayaa la waayay ama laga helay badda Mediterranean-ka sanadkii 2025-kii, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah.

MW Deni oo si adag ugu hadlay khilaafka ka jira dalka iyo Midnimada.

Madaxweynaha Mamaulka Puntland Saciid Cabadullahai Deni oo jeediyay Khudbad uu kaga hadlayay xaaladaha guudahana dalka ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay ka qayb galka fagaarayaahs alooga hadlayo xaaladaha siysaadaeed ee dalka si gaar ah hadii madaxweynaha dowladda federaalka uu qabto shirkii mucaaradku ku baaqeen.

Deni ayaa intaa ku daray in dalku uu marayo meel halis ah isla markaana midnimo lagu raadinayo aflagaado aysan midnimo ahayn.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu aanu gorgortan ka geli doonin midinimada iyo wadajirka Puntland.

"Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin, iskudir iyo mushaakil ka shaqeynaya ee maahan mid midnimo ka shaqeynaya” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuu intaas ku daray in aan midnimada Soomaaliya lagu keeni karin cay iyo hanjabaad oo uu ula jeeday hadallada madaxda federaalka ay hawada u mariyaan maamulka Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay taasi horseedayso kala tag.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xusay in Puntland u taagan tahay oo ka shaqaynayso midnimada Soomaaliya iyo jiritaankeeda gaarka ah oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen ujeedadii loo asaasay 1998.

Hadalladan ayuu jeediyay xalay, xili uu la hadlayay dhalinyarada Punland

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Abshiroow, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ansixinta, kaddib markii xildhibaanadu ku meel mariyeen cod gacan taag ah, taas oo muujisay taageero ballaaran oo loo hayo axdigan.

Ansixinta Axdigan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, islamarkaana la filayo inay door weyn ka qaadato xakameynta isticmaalka tubaakada, yareynta khataraha caafimaad ee ka dhasha, iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada guud ahaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta, isaga oo u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka dadaalka ay muujiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay"Axdigaan waxa uu ka hadlayaa nooc kasta oo tubaako ah oo siyaabo kala duwan dadka u saameeya, kuwa la cabo iyo kuwa danka laga qaato labadaba, wuxuuna muhiim u yahay badbaadinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.”

Dr. Cali Xaaji ayaa xusay in ansixinta Axdiga Xakameynta Tubaakada ay Soomaaliya u horseedi doonto nidaam sharciyeed oo adag, isla markaana la jaanqaadaya heshiisyada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha tubaakada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhaqan-gelinayo axdigan, si loo xaqiijiyo bulsho caafimaad qabta, loogana hortago khataraha mustaqbalka ka dhalan kara isticmaalka tubaakada.

Wang Yi: Shiinaha Wuxuu Caasumaad u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Si loo muujiyo Taageerada Midnimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo dhulkeeda, isagoo si cad uga hor yimid isku day kasta oo lagu doonayo in "Somaliland” ay iskaashi la yeelato Taiwan si ay u raadiso gooni-isu-taag.

Wang Yi ayaa hadalkan ku sheegay wada-hadal taleefan oo uu Axaddii la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Dhaay, intii uu ku guda jiray booqasho uu ku marayay qaaradda Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu ka go’an yahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya isla markaana uu sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo difaaca, inkasta oo isbeddello ka dhacayaan masraxa caalamka.

Sidoo kale, Wang Yi ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay inuu booqasho ku tago Beijing si uu uga qeybgalo Shirka Labaad ee Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, isagoo ku tilmaamay sannadka is-dhexgalka shacabka Shiinaha iyo Afrika fursad lagu xoojinayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiirka Shiinaha ayaa sidoo kale muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bisha Janaayo, isagoo xusay masuuliyadda wadajirka ah ee labada dal ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka, la dagaallanka gooni-goosadka iyo argagixisada, iyo taageerada xasilloonida iyo horumarka qaranka. Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu dheggan tahay mabda’a Hal-Shiinaha (One-China Policy).

Ugu dambayn, safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dib-u-dhigista booqashada Wang Yi ee Muqdisho ay ka timid isbeddel jadwal iyo wadatashi saaxiibtinimo oo dhexmaray labada wasaaradood ee arrimaha dibadda, isla markaana aanay wax xiriir ah la lahayn xaalado amni.

Dowladda Shiinaha oo diidday xiriir kasta oo u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in Shiinuhu si cad uga soo horjeedo xiriir kasta oo u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan. Wuxuu mar kale xaqiijiyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid kaddib wada-hadal telefoon oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Dhaay, xilli Wang Yi uu ku guda jiray safar uu ku marayo qaaradda Afrika.

Wang Yi wuxuu sheegay in Shiinuhu sii wadi doono saaxiibtinimada iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo difaaca. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu ka soo horjeedo gooni-u-goosadka.

Wuxuu soo dhaweeyay ka-qaybgalka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee shirarka Shiinaha, wuxuuna muujiyay taageerada Shiinaha ee doorka Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ku dheggan tahay mabda’a hal-Shiinaha.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya diyaar u tahay inay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Shiinaha, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Somaliland oo ka hor timid amarka dowlada Soomaaliya, Imaaraatka-na ku tilshalayy saaxiib

Somaliland ayaa ka hor timid go'aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada ee Soomaaliya, oo Somaliland ku jirto lagaga saaray dowlada Imaaraatka Carabta, isla markaana lagu buriyay dhammaan heshiisyadii Imaaraatka lagula jiray.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in go'aanka ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in dekeda Berbera lagaga eryo shirkada Imaaraatku leeyahay ee DP World ay tahay riyo maalmeed aan suuragali doonin.

"Riyo-maalmeedka Soomaaliya waxba ma beddelayso. Berbera waa halka uu ku dhashay Madaxweynaha Somaliland, Imaaraadkuna waa saaxiib lagu kalsoon yahay oo ay Somaliland leedahay" ayuu yidhi Wasiir Khadar.

Waxa uu sheegay in Imaaraatku Berbera maalgeliyeen xilli dowladaha kale ay ka shaki qabeen, taasina ay sababtay in dunidu shalay hadlayso Berbera. "Somaliland waa qaran mabda’ leh, saaxiibbadiisana garab taagan. Imaaraadku wuu joogayaa, wax kasta oo uu yidhaahdo maamul daciif ah ee ka jira Muqdisho."

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi'iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya.

Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

Maxaa ka dambeeyey in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto Imaaraadka Carabta


Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go'aan rasmi oo ay xiriirka ugu jarayaan dowladda Imaaraadka carabta. Golaha ayaa ku sheegay qoraal ay soo saareen in ay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay'adaha maamulka dowladeed, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo soo baxay gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu sheegay in la joojin doono dhammaan hawlihii ay Imaaraadka Carabta ka wadeen magaalooyinka Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Sidoo kale, waxa ay golaha sheegeen tallaabadan ay timid kadib markii ay heleen warbixinno ay ku go'aan gaari karaan, "Go'aankaan waxa uu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada,midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka", ayaa lagu yiri qoraalka.

Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin 'faragelin siyaasadeed, taageero ay siisay Imaaraadka maamul goboleedyada Dowladda Federaalka, iyo khilaafyo la xiriira arrimaha amniga iyo tababarka ciidamada'.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer u muujisay walaac ku saabsan doorka Imaaraadka Carabta ee ku aadan gudaha dalka, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee uu la yeeshay maamul goboleedyada, taas oo ay ku tilshalayy mid dhaawacaysa midnimada qaranka.

Hawlaha Iimaaraadka ee Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, gargaar bini'aadannimo iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

Dhanka ganacsiga iyo dekedaha, Imaaraadku waxa uu door weyn ku leeyahay maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliya.

Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa maamusha dekedda Berbera, waxaana mashruucaas ay ku maageliyeen lacag gaaraysa $442 milyan oo doollar.

Dhanka amniga iyo tababarka ciidamada, Imaaraadka ayaa muddo sanado ah tababar iyo taageero siinayay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga.

Dhanka gargaarka bini'aadannimo, Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic gargaar ah, oo ay ka mid yihiin caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha, daadadka iyo colaadaha. Imaaraadku wuxuu sidoo kale dhisay isbitaallo, dugsiyaal iyo ceelal biyoodyo, gaar ahaan gobollo iyo magaalooyin ka mid ah dalka.

Eedeemaha Dowladda Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay Imaaraadka inuu si toos ah ula shaqeeyo maamulo goboleedyo gaar ah, taas oo ay ku tilshalayy faragelin ku ah nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.

Todobaadkii hore ayey markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka walaacsan tahay "isticmaalka aan la fasixin ee hawada iyo garoomada Soomaaliya ayada oo safar hawada ah loo fududaynayo shaqsi baxsad ah oo siyaasi ah". Markaas oo dowladda Imaaraadka lagu eedeeyey inay "garoomada dalka" qaarkood sii marsiisay Caydaruus Al Zubayd oo ah hogaamiyihii kooxaha ka dagaalama dalka Yaman oo u dhoofay Abu Dhabi.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in, ayadoo la shaqaynaysa hay'adaha kale ee dalka ay bilaabeen baaritaan degdeg ah sameeyeen si ay u hubiyaan warbixinta safarka Caydaruus

"Haddii la xaqiijiyo wuxuu falkaasi noqonayaa xadgudub ba'an oo loo gaystay madax banaanida iyo xeerarka socdaalka ee Soomaaliya. In loo fududeeyo qof baxsad ah, ama laga sameeyo dhul Soomaaliyeed hawlgallo dhinac kaliya ah, ayadoo aan loo haysan fasax sharci ah waa mid aan la aqbali karin" ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyey in ay adeegsato garoomo iyo dekado ay kamid yihiin garoonka magaalada Boosaaso, iyada oo 'ka dhoofisa, kana soo dejisa ciidan, saanad ciidan iyo qalab kale, kuwaas oo aysan ka war haynin dowladda dhexe ee Soomaaliya', inkasta oo aysan BBC-du xogtaan si madax banaan u xaqiijin karin.

Maaha markii u horreesay ee uu xumaado xiriirka u dhaxeeya labada dal, sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii hakad lagu sameeyey howlihii Imaaraaadka ka fulin jireen Soomaaliya.

Qoraalka galabta soo baxay ayaa waxaa wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu amray in ay dhaqan galiso go'aanka, "Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa la farayaa in ay si rasmi ah u gaarsiiso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta go'aannadaan, kalana shaqayso hirgelintooda iyada oo sida oo kale gaarsiinaysa saaxiibada caalamiga iyo kuwa gobolka sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaasna caddaynaysa xuquuqda madaxbannaani ee dalka iyo awoodihiisa dastuuriga ah", ayaa lagu yiri warqadda ay soo saareen Golaha wasiirrada.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in uu weli diyaar u tahay iskaashi caalami ah, kaas oo ku dhisan ixtiraamka labada dhinac ah, aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliya, iyo u hoggaansanaanta mabaadi'da dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah. Waxa ay intaas ku dartay in go'aankan la qaatay iyadoo la raacayo danaha qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip