
Shir muhiimad wayn u leh Somalia oo ka furmay Sacuudiga
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Jeddaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka furmay shir deg-deg ah oo muhiim u ah Soomaaliya, kaas oo ay yeelanayaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo (OIC).
Shirka ayaa ku furmay heer wakiilada dalalka Islaamka ee OIC, kaas oo hordhac u ah kulanka guud ee golaha wasiirrada ee ururka, waxayna xubnaha maanta isugu tegay Jeddah diyaarinayaan kalfadhi aan caadiga ahayn oo looga hadlayo aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland.
Soomaliya waxaa shirkan ku metali doono wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cali Dhaay oo maalmahaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed ka waday magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.
Cabdisalaan ayaa madasha ka jeedin doono khudbad xasaasi ah oo ku caddeyn doonomowqifka Soomaaliya, khataraha wadajira ay dalalka Islaamku wajahayaan iyo mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa garab weyn ka heshay dalalka Islaamka, waxaana si hagar la’aan usoo dhinac istaagay dalal waa wayn oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Turkiga oo dhawaan uun ku heshiiyay difaaca qarannimada Soomaaliya.
Si kastaba,Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.







0 



Shir muhiimad wayn u leh Somalia oo ka furmay Sacuudiga
.