
Duuliyihi meydka Maxamed Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Somalia oo hadlay
31 sano ka hor, maanta oo kale, Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere), oo ah laba duuliye oo Kenyan ah, ayaa xafiiskooda oo ku yaallay garoonka diyaaradaha Wilson ee u dhow caasimadda Nairobi ku helay hawl aan la filayn. Hawshaasi waxay ahayd mid xasaasi ah, halis weynna ku lamaanayd.
Xuseen iyo Maxamed oo ku guda jiray shaqadooda maalinlaha ah ayaa waxaa u yimid diblomaasi u dhashay Nayjeeriya. Diblomaasigaas ayaa ka codsaday in ay diyaarad ku soo qaadaan maydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, si loo geeyo dalka hooyo ee Soomaaliya, looguna aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos.
Siyaad Barre waxa uu Nayjeeriya ku joogay magangalyo siyaasadeed, waxaana uu geeriyooday isagoo 80 jir ah.
Maxamed Canshuur oo hore uga tirsanaa Ciidamada Cirka ee Kenya, isaga iyo Maxamed Aadan waxay wada lahaayeen shirkadda duulimaadyada Bluebird, oo ka mid ahayd shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya. Waxay aasaaseen dhowr sano ka hor xilligaas.
Isagoo markii ugu horreysay warbaahinta uga hadlay hawlgalkan, Canshuur waxa uu BBC-da u sheegay in diblomaasiga Nayjeeriyaanka ahi si cad u sheegay waxa uu rabo. Waxa uu ka codsaday isaga iyo Maxamed in ay ka kireeyaan diyaaraddooda, ayna si qarsoodi ah u qaadaan maydka marxuumka oo laga soo qaadayo magaalada Lagos ee Nayjeeriya, lana geeyo magaalada Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya, si halkaas loogu aaso Siyaad Barre.
Canshuur waxa uu sheegay in codsigaasi aad loola yaabay. "Isla markiiba waan garannay in safarkani uusan ahayn duulimaad caadi ah,” ayuu yiri.
Siyaad Barre waxa uu dalka ka baxay 28-kii Janaayo 1991, kaddib markii ay xukunka ka tuureen maleeshiyaad hubaysan. Soo qaadista maydkiisa waxay ahayd arrin siyaasiyan aad u murugsan, oo ay ku lug lahaayeen dalal badan. Waxa kale oo ay xambaarsanayd halis ah in dhibaato diblomaasiyadeed ay ka dhalato.
Canshuur waxa uu sheegay in ay ka baqayeen ciqaab adag oo ay la kulmi karaan haddii ay hawshaas qaataan, maadaama diblomaasigu codsaday in duulimaadka loo fuliyo si aan caadi ahayn, si qarsoodi ah, isla markaana ka baxsan nidaamyadii rasmiga ahaa.
"Haddii ay ogaan lahaayeen mas’uuliyiinta Kenya, dhibaatooyin waaweyn ayaa dhici lahaa,” ayuu yiri Canshuur.
I
Isha: BBC Somali


0 


Duuliyihi meydka Maxamed Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Somalia oo hadlay
.