
Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo booqasho shaqo ku jooga dalka.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Turkiga Ünsal Hayal, waxaana ka mid ah Taliyaha Arrimaha Dibadda Gökhan Demirtola iyo Taliye ku xigeenka Arrimaha Dibadda Turgay Olgun.
Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya.
Booqashada wafdigan ayaa la xiriirta xoojinta iskaashiga amni iyo tababarka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidanka iyo is-weydaarsiga khibradaha amni.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya, iyadoo si joogto ah u taageerta dhismaha iyo horumarinta hay’adaha amniga dalka.


0 



Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
.