Al-Jazeera oo kashiftay sida dhuumaaleysiga ah ee Gideon Sa'ar uu ku galay Hargeisa

0
Wednesday January 07, 2026 - 07:16:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Jazeera oo kashiftay sida dhuumaaleysiga ah ee Gideon Sa'ar uu ku galay Hargeisa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Isla markii ay ka kacday garoonka Addis Ababa, diyaaraddii siday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa qarisay halka ay ku sii jeeddo, ilaa markii dambe ay saraakiishu si rasmi ah u shaaciyeen inay caga-dhigatay garoonka Hargeysa ee caasimadda maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

 Waaxda xaqiijinta xogta dhijitaalka ah ee Al Jazeera ayaa daba-gal ku sameysay safarka diyaaradda, iyadoo heshay macluumaad la xiriira dalka laga leeyahay, nooca ay tahay, iyo taariikhdeeda.
 Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka Addis Ababa subaxnimadii Talaadada, abaare 9:24 barqanimo ee waqtiga maxalliga ah. Daqiiqado kadib, markii ay ka fogaatay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan, diyaaradda ayaa laga waayay radar-ka dadweynuhu kala socdaan duulimaadyada, iyadoo signalkeedu lumay, mana aysan shaacin halka ay u socoto.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay in maamulayaasha diyaaraddu ay xadeeyeen muuqaalka raadraaca duulimaadka, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka, shirkadaha diyaaraduhuna ay u baahan yihiin oggolaansho federaal ah si ay u galaan hawada Soomaaliya.

Maadaama aysan u badnayn in Israa’iil ay oggolaansho noocaas ah hesho, waxaa diyaaradda qasab ku noqotay in ay hawada Soomaaliya kusoo gasho si sharci-darro ah oo dhuumaalaysi ah. Tani waxay muujinaysaa in xitaa kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, haddana ay weli xannibayaan shuruucda caalamiga ah.

 

 

Goor dambe, barta rasmiga ah ee Madaxtooyada Somaliland ku leedahay X (Twitter) ayaa faafisay muuqaal muujinaya soo dhaweynta uu hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo saraakiil sare oo la socotay.

Muuqaalka ayaa laga dhex arkay diyaaraddii siday Sa’ar, taas oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Romania oo lagu magacaabo Fly Lili, waxayna ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Kadib markii dib u eegis lagu sameeyay faahfaahinta diyaaradda loo adeegsaday safarka Sa’ar, kooxda xaqiijinta dhijitaalka ah ayaa ogaaday xogo cusub.

 

Iyadoo la is-waafajinayo muuqaallada ay baahisay madaxtooyada Somaliland iyo sawirro hore oo laga hayay diyaaraddan, laguna daba-galay xogta FlightRadar, waxaa la ogaaday in diyaaraddu ay ka soo kacday magaalada Tel Aviv subaxnimadii Isniinta abaare 8:52 waqtiga maxalliga ah.

Waxay Addis Ababa gaartay abaare 1:55 duhurnimo, taas oo waafaqsan xaqiijinta warbaahinta qaranka Israa’iil ee sheegtay in Sa’ar uu "Somaliland” ku gaaray sii-maridda Itoobiya.

Booqashadan ayaa imaanaysa kadib markii Israa’iil ay 26-kii December si rasmi ah u aqoonsatay maamulkaas gooni-u-goosadka ah inuu yahay dal "madax-bannaan oo qaran leh”.

  

Go’aankaas ayaa la kulmay diidmo ballaaran oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyo baaqyo isdaba-joog ah oo ku aaddan in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip