
Intee ayay la egtahay awoodda militariga Venezuela?
Militeriga Maraykanka aad ayey uga awood badan yihiin kuwa Venezuela. Awooda ciidamada Venezuela lama barbardhigi karo kuwa Mareykanka. Waxaa haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin mushaarka oo ku yar iyo tayada oo hooseysa.
Wadanka waa uu leeyahay awood difaac oo cirka iyo mid badda ah oo adag. Qalabka militeri uu dalka ku tiisran yahay waxaa sameeyay Shiinaha iyo Ruushka. Wadanka waxa uu awood u leeyahay in uu meel fog ka ogaado weerarada ku soo socda.
Cunaqabateynta wadanka saarneyd ayaaa keentay in qalabka militeri iyo dayactirkaba yaraadaan, taasna waxay keentay in ay daciifto awoodda radaar-rada.
Qalabka milateriga waa kuwa inta badan Ruushku sameeyay oo tobannaan sano soo shaqeynayay, tayadooduna waa kuwa liita. Caracas waxay iibsatay ku dhowaad 20 diyaaradaha dagaalka Ruushku sameeyo ee Sukhoi ah. Laga soo bilaabo sanadihii 2000 ilaa iyo hada ayey diyaaradaha soo gadaneysa.
Diyaaradahaas waxaa loo arkaa in ay ka hooseeyaan marka la barbardhigo kuwa Maraykanka ee B-2, waxaana sidoo kale duugoobay helikobtarrada, taangiyada iyo gantaallada garabka laga rido ee Ruushku sameeyay ee Venezuela haytsato.
Weerarkii Maraykanku qaaday 3-da Janaayo wuxuu u muuqday mid si gaar ah u bartilmaameedsaday radaarrada, nidaamyada difaaca cirka, saldhigyada cirka, iyo kaabayaasha badda, gaar ahaan kuwa yaalay agagaarka Caracas iyo La Guaira.
Arrintaas waxay curyaamisay hoggaanka iyo isgaarsiinta ciidanka. Inkastoo khasaaro weyn dhacay, qalab badan oo militeri ayaa weli ku haray meelo kale.
Jawaab la'aanta nidaamyada difaaca cirka waxay muujineysaa suuragalnimada in ciidanka heshiis lala gaaray. Wararka qaar ayaa sheegaya qabashada Maduro iyo iska caabin la'aanta weyn in ay ka timid kala qaybsanaan xooggan oo ka dhex jirta ciidanka Venezuela.

Xigashada Sawirka,AFP


0 


Intee ayay la egtahay awoodda militariga Venezuela?
.