Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saartay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

0
Saturday December 27, 2025 - 14:37:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saartay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay aqoonsiga ay Israel siisay maamulka Somaliland, kaas oo la kulmay diidmo xooggan.

 

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo soo duubay khudbad socotay 9:26 daqiiqo ayaa sheegay in kooxda ay si weyn uga soo horjeedo heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Israel, gaar ahaan aqoonsiga shalay lagu dhawaaqay.

 

 

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Israel ay qabasato dhulkaas, isaga oo ku hanjabay inay ka dagaalami doonaan.

"Haddii aan nahay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaan kasoo horjeednaa oo diideynaa damacaas ay Yahuudu ka leedahay maamulka riddada ah ee ka jira Waqooyi Galbeed. Ma aqbaleyno in qaybo ka mid ah dhulkaas qaadato ama ay isticmaasho, waana ka dagaalameynaa,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay soo dhaweystaan Israel oo uu sheegay ‘in laga nacay’ caalamka intiisa badan.

 

 

"Waxaa dulinimo heerkii ugu xumaa ah in Netanyahu oo adduunka oo dhan laga soo nacay inay maanta dad Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin inuu u sheegay inuu aqoonsaday” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay "Taarkiihda ma dhicin waddan ay Yahuudi wax tartay ama wanaagsan ay u horseeday, taas beddalkeedna qolo walaba oo faraha ay lasoo galaan waxay u horseedaan hoog iyo halaag.”

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxaana ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale saaxibadeeda caalamka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip