
Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Jabuuti kadib go'aankii Geelle
Xukuumadda Somaliland ayaa diyaaradda dalka Jabuuti ee Air Djibouti ka joojisay inay ka howl-gasho deegaanadeeda, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dhinac.
Diyaaraddan ayaa afar maalmood toddobaadkii duulimaadyo ka samayn jirtay garoomada diyaaradaha ee Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.
Arrintan ayaa imanaysa xilli ay dhawaan Somaliland u yeeratay wakiilkii u joogay Jabuuti, isla markaana Dowladda Jabuuti ay xirtay xafiiskii Somaliland uga furnaa dalkeeda.
Xafiiskan oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayaa haatan dowladda Jabuuti waxay sheegtay in albaabada la’isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay horay u diiday.
Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay kasoo horjeedo.
Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ay ee sida uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, waxayna iyada oo dhex-joogtaGolaha Ammaanka ay si adag u difaacday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan yeeshay kulan ay uga wada-hadleen wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
Labada Madaxwene ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay mowqifka dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.



0 



Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Jabuuti kadib go'aankii Geelle
.