Shan qof oo isku qoys ah oo ku dhintay Hargeysa kadib…

0
Monday January 05, 2026 - 09:34:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan qof oo isku qoys ah oo ku dhintay Hargeysa kadib…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo aragagax leh oo saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay uu dab gaystay khasaare hantiyeed ka kacay magaaladaasi.

Dabka ayaa qabsaday guri ay daganaayeen qoys dan-yar ah, waxaana ku dhintay 5 qof oo kamid ahaa qoyska.

Gabar kamid ah qoyska oo la hadashay MM Somali Tv ayaa sheegtay in 5 hablood oo qoyskooda ah ay ku gubteen guriga, kadib markii ay waayeen wax usoo gurmada.

 

 

"Waxaa ku dhintay laba hablood oo aan walaalo nahay iyo saddex yaryar ah oo aan habaryar u ahay way jiifeen markii uu guriga dabka ka kacay” ayay tiri gabar kamid ah qoyska ay muusiibadu ku dhcday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in carruurta geeriyootay oo qaarkood ay walaalo ahaayeen, kuwana ay dhashay walaasheed ay aad u yar yaraayeen, waxaana u wayneyd gabar 12 jir ah, waxaana u yareyd gabar kale oo 3 jir ah.

"Inanta ugu wayn waxa ahayd Faa’isa, tan ku xigta Istaahil iyo saddex yaryar oo ay dhashay walaalshey waxaa la kala yiraahdaa Iqro, Faadumo iyo Maa’iido” ayay sii raaciysay.

 

 

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay "Waxaa qoyska ka haray aniga, hooyadey iyo ilmo yar ee walaashey dhimatay ay dhashay saddexdaas ayaa intii halkan joogtay ka haray”.

Xaafadda ay dhibaatada ka dhacday ayaa waxaa isugu soo baxay dhammaan dariska ah oo gurmad la garab istaagay qoyska Soomaaliyeed ee carruurtoodu ku dhinteen dabka qabsaday gurigooda.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Somaliland, gaar ahaan ciidanka dab damiska oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

 

 

Hoose ka daawo muuqaalka





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip