
Shariif oo war ka soo saaray kulankii Xasan iyo arrin uu codsaday madaxweynaha
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo xisbiga Himilo Qaran uu sheegay in kulanka lagu lafa-guray tabashooyin iyo qorshe ku aaddan shir wada-tashi qaran.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in kulanka "looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah” isla markaana "arrimahaasi laga heshiiyey.”
Sida lagu sheegay bayaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in uu adkeeyey in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Bayaanka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay "midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.”
Sida aan xog ku helnay, Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.
Dhinaca kale, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa imanaya xilli ay dhawaan madaxweynayaashu isku fahmi waayeen kulan ku dhexmaray Madaxtooyada, isla markaana ay haatan xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan inay shir ku yeeshaan Garoowe.
Shirkaas oo ah mid ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doona aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah mucaaradka.
Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ayaa haatan shirar gaar-gaar ah ka wada caasimadda Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aaddan qorshaha kala-guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa isbeddel dhab ah.


0 



Shariif oo war ka soo saaray kulankii Xasan iyo arrin uu codsaday madaxweynaha
.