
Uganda oo sheegtay Shabaab inaan looga adkaan karin Dagaal Milateri
Wuxuu tusaale u soo qaatay dalalka Bariga Afrika inay sameeyaan qaabab ay dadka ku tababaraan si ay isaga dhiciyaan Kooxaha Islaamiyiinta, taasi oo sahli karta ayuu yiri Shabaabka Somaliya ka dagaalama in la wiiqo.
Wasiirka ayaa sheegay in kororka dhalinyarada ku biirta Al-Shabaab iyo Boko Haram ay sababtay fursadaha shaqada oo dhalinyarada ku yar, faragalinta Shisheeye iyo kooxaha oo dhalinyarada caqliga ka xada.
Wasiirka arimaha dibada Uganda ayaa sheegay in dagaalka Milateri ee ka socdo Soomaaliya uusan xal u aheyn dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loona baahan yahay in dowlada Soomaaliya ay ogaato asal aasaaska Alshabaab.
Uganda Somaliya waxaa ka jooga ciidamo badan oo ka mid ah howlgalka Amisom, waxaana ay ka howlgalaan Xoogooda Magaalada Muqdisho, laakiin malahan dhaq-dhaqaaq badan oo Shabaab ay kula dagaalamaan, marka loo eego hubko casriga ah ay haystaan iyo sida aysan ugu dhaqaaqin dagaalka Shabaabka.
Ururka Al Shabaab oo Somaliya ka dhisan, ayaa weeraro kala duwan ka geysta dalalka Kenya iyo Uganda, sidoo kale Shabaabka waxa ay ku hanjabaan inay weeraro ka geysan doonaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somaliya.
Uganda oo sheegtay Shabaab inaan looga adkaan karin Dagaal Milateri
Dowladda Uganda ayaa sheegtay Shabaab inaan looga adkaan karin dagaal Milateri oo kaliya, balse loo baahan yahay in la isticmaalo xeelado kala duwan oo ka baxsan dagaalka si Xoogaga Shabaab loo wiiqo.