Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib xadgudubkii…

0
Thursday December 25, 2025 - 13:18:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib xadgudubkii…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta askari maanta ku xad-gudbay muwaadin usoo axay doorashada tooska ee ka socota magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banadir, Macallin Mahdi oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in lasoo xiray eedeysane Maxamed Cali Cabdi oo ka tirsan laamaha amniga, kaas oo muuqaal laga soo duubay, isaga oo garaacaya qof shacab ah oo ku jira safka doorashad, mid kamid ah goobaha cod-bixinta.

 

 

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, ayaa gacanta ku dhigay sargaal ku eedaysan inuu ku xadgudbay muwaadiniin u soo baxay inay ka qayb qaataan doorashada ka socota caasimadda” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looaga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

"Eedaysanaha ayaa lagu magacaabaa X/le.Maxamed Cali Cabdi, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo” ayuu mar kale yiri taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

 

 

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo si weyn laamaha amniga ay u adkeeyeen nabad-gelyada caasimada, si loo sugo amniga doorashada, waxaana xalay waddooyinka waa wayn lagu soo daadiyay ciidamo badan.

Markii ugu horreysay 57 sano kadib dadweynaha Soomaaliyeed ayaa saaka xilli hore safaf dhaadheer u galay doorasho qof yo cod ah, si ay u soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmadooda, waxaana tartamaya ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka.

Si kastaba, Doorashadan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa bannaanka ka jooga xubnaha mucaaradka oo shalay shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada, iyaga oo dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa.



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip