
Sawirro: Dhoolatus weyn oo ka dhacay Muqdisho – Miyaa la soo afjaray jiritaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniintii maanta hoggaamiyay Isu-soo-bax dadweyne oo ka qabsoomay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Isu-soo-baxan dadweyne oo ahaa kii ugu dambeeyay ee wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Dhoolatuskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Mas’uuliyiinta Gobolka, Guddoomiyeyaal degmo, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqollaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
"Mudane Raysal Wasaare, Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho waa isdiiwaangeliyeen, hal milyan oo qof ayaa isdiiwaangeliyey. Kaararka codbixinta waa qaateen, inay madaxdooda doortaan ayey diyaar u yihiin, inay Mustaqbalkooda ka arrimiyaan ayey diyaar u yihiin,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
"Waxa ay ka mahadcelinayaan in Xukuumadda Danqaran iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ka ay ka dhabeeyeen ballanqaadkii ahaa hirgelinta doorasho toos ah, oo qof iyo cod ah.”
Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha oo hadal-jeedin sameeyay ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashada, sugidda amniga, iyo doorka shacabka ee go’aaminta masiirkooda.
Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u hananayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, iyagoo dooran doona mas’uuliyiinta ay rabaan.
"Waxaa la soo afjari doonaa wixii loo yiqiinnay doorasho dadban, in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan dad yar. Waxa aan rajaynayaa in dimoqraadiyadda bariga Muqdisho ka soo billaabato, oo ay Kaaraan ka soo billaabato,” ayuu yiri.
"Laba beri kadib 25-ka bisha 12-aad 2025, waa maalin u weyn degmadan Kaaraan, caasimadda qaranka ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaa u baryi doona waa cusub. Waxaa qormi doonta taariikh cusub. Muwaadinka Soomaaliyeed xuquuq dastuuri ah oo ka maqnayd konton sano ka badan ayuu dib u hanan doonaa.”
Isu-soo-baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay goobaha codbixinta u dareeraan maalinta khamiista ah ee soo socota si ay u gutaan waajibaadkooda uu dammaanad qaadayo dastuurka qaranka, si ay codkooda ugu gaaraan yoolka ah: in la dhiso caasimad ka ammaan badan sida maanta, ka mideysan, kana horumarsan.





0 



Sawirro: Dhoolatus weyn oo ka dhacay Muqdisho – Miyaa la soo afjaray jiritaanka…
,