WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 27-KA OKTOOBAR 2015 -KA

0
Tuesday October 27, 2015 - 08:53:42 in Wararka by
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 27-KA OKTOOBAR 2015 -KA

    MADAXWEYNAHA OO U AMBABAXAY DALALKA BOQORTOOYADA SACUUDIGA IYO INDIA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooya da Sacuudiga, halkaas oo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO U AMBABAXAY DALALKA BOQORTOOYADA SACUUDIGA IYO INDIA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooya da Sacuudiga, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono Boqor Salman bin Cabdulcaziz Al Sacuud. Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa inta uu joogo Sacuudiga, madaxda dalkaasi kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood dhex mara.

Socdaalka dalka Sacuudiga ka dib, Madaxweynaha waxaa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo wad damada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afr ika iyo India, iska ashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ga nacsiga iyo sha qa abuurka.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

QOYS SOOMAALIYEED OO GURIGOODII LAGU GUBAY XILLI AY HURDEEN DALKA NORWAY

Wararka ka imanaya dalka Norway ayaa sheegaya in qoys Soomaali ah oo deganaa magaalada Ulstein ee dalka Norway gurigii ay degenaayeen lagu gubay markii labaad muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Gurigan ayaa waxaa ku noolaa 12 ruux oo lix kamid ah ay carruur ahaayeen, Qoyskan ayaa hadda si kumeelgaar ah u daggan hotel ku yaal isla magaaladaasi Ulstein ayaa waxaa labadii marba dabka la qabadsiiyay gurigooda saq dhexe xilli ay hurdayeen, wax aana hurdada ka toosiyay dad deriska ah.Waxaa bannaanka guriga laga helay caagad baasiin laga daadiyey oo loo maleynayo in loo adeeg saday gubitaanka guriga.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in hal ruux ayay booliska u qabteen dabkii koowaad laakiin ma cadda cidda ka dambeysa dabkan labaad. Wiil ka mid ah qoyskan oo lagu magacaabo Maxamed ayaa saxaafadda Norway u sheegay in arrintani cabsi gelisay maadaama ay tahay markii labaad oo habeen madow gurigooda lagu gubo.

Qoyskan ayaa shan sano ka hor dalka Norway yimid, waxaana afar ka mid ah shantaasi sano ay dagganaayeen magaalada Ulstein. Arrintan ayaa kusoo beeg meysa xilli dalka dariska la ah Norway ee Swedan maalmahan dambe kaamam badan oo qoxooti dagan yihiin iyo guryaba dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale qof wajiga soo xirtey ayaa seef la dhacay arday asalkoodu uusan ah ayn reer Yurub oo wax ku baranaysay iskuul ku yaal dalka Sweden waxaana halkaa ku dhintey macalin iyo arday asalkiisu ahaa Soomaali.Wadamada reer Yurub ayaa haatan waxaa ka soo baxaya isir neceyb iyadoo weli ay kumanaan ruux ay qaxootinimo ku soo galayaan wadamada reer Yurub.

GUDOOMAYAHIII GOBOLKA BANAADIR OO XILKA LAGA QAADAY, IYO GUDOOMIYE CUSUB OO LA MAGACAABAY

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweynaha ayaa guddoomiye cusub gobolka Banaa dir lagu magacaabay, iyadoo xilkii looga qaaday Guddoo miyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaa lada Muqdisho.

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay ware egto xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyadoo xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Sheekh oo galinka danbe ee shalay shir jara`id ku qabtay Xarunta Wasaarada Aririmaha Gudaha iyo faderaalka ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaaday Gudoomiyahii Gobolka Banaadir, loona magacaabay Guddoomiya ha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA SOOMAALIYA OO SHALAY GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hog aaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur gal an xaalada magaalada iyo fataha ada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga Shabeelle.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro, Xil dhibaano iyo qubaro, waxaana jirta cabsi laga qabo roobab dabeylo wato inay ku dhuftaan meelo ka mid ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa kormeeri doona Wabiga Shabelle ee mara Beled weyn, waxaana ay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, si ay ugala hadlaan wararka ka soo yeeray culimada sayniska, gaar ahaan roobabka la saadaalinayo ee loogu magac daray ElNino.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ca bdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in u jeedka Safarkan uu yahay in dadka gobolka Hiiraan laga wacyi geliyo saamaynta ka dhalan karta dabaylo laga baqa yo inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah gobolkaas.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago degmooyin ka tirsan gobolada dalka ee ay maraan wabiyada, si uu ugu kuur galo xaalada, waxaana beryahan dowladdu waday dadaalo la xiriira sidii deg deg ah loogu gurman lahaa marka ay dhacaan musiibooyin

MADAXWEYNAHII HORE EE BANADIR STATE C/LAAHI DHEERE "LABA KURSI KII JOOGAA RAAYA”

Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedkii Banadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud (C/llaahi Dheere) ayaa si diiran u soo dhaweeyay Magaca abista Gudoo miyaha cumar ee ,maamulka gobolka Banaadir Md. Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale.oo habiinkii habeen hore loo magacaabay inuu hogaanka u qa bto maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xilkiina laga xayuubiyay gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir Xasan Mungaab.

Md C/laahi dheere waxaa uu yiri waxaan si farxad leh iyo kalsooniba ay ku dheehan tahay aan u soo dhaweynenaa magacaabista gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho, waxaana lee nahay md gudoomiye soo dhawoow kuna soo dhawoow Gobolka banaadir wax aana ku siineynaa balanqaad aad isku haleynkarto kaas oo ay ka muuqato kals ooni kal iyo lab ah ,waxaana sidoo kale kuu balanqaadeynaa inaan kula shaa qeyndoono markasta iyo xili kasta inaan kula garab taa gan wada shaqeyn dhab ah.

Madaxweynihii hore ee banadir State Md C/laahi axmed maxamuud C/laahi dheere waxaa kaloo uu xusay in magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ay ku soo beegantay xili maamulka gobolka banaadir uu ciriiri siigal ayay waxaana uu hoosta ka xariiqay in godoomiyaha cusub looga fahiyo in uu la yimaado dareen wadaninimo oo ay ku dheehan tahay cadaalad iyo horumarin dhan kasta leh, waxaana uu sidoo kale mahad balaaran uu u jeediyay madaxw eynaha dawladda fededraalka soomaliya Md Xasan sheikh maxamuud oo isagu soo magacaabay shaqsi si weeyn loogu kalsoon yahay in uu xiligaan wax badan ka qaban karro arimaha faraha badan ee ka jira caasimadda soomaliya ee muq disho oo ah indhihii umadda soomaliyeed, iyadoo gudoomiyaha looga fadhiyo in uu wax ka qabto arimaha bulshadda oo ay ugu horeyso dhanka Amniga oo muh iim u ah bulshadda muqdisho.

WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO HABEEN HORE KA DHACAY MASAAJID KU YAALA MAGAALADA NAJRAN

Weerar ismiidaamin ah, ayaa Habeen hore ka dhacay Masaajid ku yaala Magaal ada Najran Ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Najran waxay ku taallaa Koonfur Galbeed Sacuudiga, waxayna dhacdaa xud uuda uu Sacuudigu la wadaago dalka ay dagaaladu ka soconayan ee Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay xaqiijisay in qaraxaasi uu dhac ay xilligii Salaadda Maqribka, islamarkaana uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaaw aca tiro kale.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Man sour alTurki, ayaa sheegay hay’adaha amnigu in ay billaabeen baaritaano la xiriira qofka falka gay stay.

Weerarkan oo ka dhacay Masaajidka AlMashhad, ayaa waxaa jira warar mad ax banna an oo sheegaya in dhimashadu tahay laba ruux, halka dhaawacuna uu intaa ka badan yahay.

Dhismaha Masaajidka, ayaa waxaa burbur ka soo gaaray qaraxaasi, mana jir to cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, oo ahaa mid si weyn looga maq lay Magaalada.

Sacuudiga oo dagaal xoogan kula jira Ururka Daacish iyo Jabhadda Xuuthiy iinta Yemen, ayaa waxaa soo badanaya qaraxyada ka dhacaaya dalkaasi.

GAROONKA MAGAALADA BEIRUT OO LAGU QABTAY DAROOGO BADAN OO LOO WADAY DALKA SACUUDIGA

Dowladda Lubnaan, ayaa waxay shalay gacanta ku dhigtay daroogo loo waday dalka Sacuudi Carabiya, iyadoo dhinaca kalana xabsiga la dhigay koox Sacuudi yan ah oo dar oogadaasi diyaarad saari rabtay.

Daroogadan oo nooceedu lagu sheegay Captagon, kana koobneyd laba ton, ay aa wax aa gacanta ku dhigay Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Garoonka Beirut.

Warbaahinta Lubnaan, ayaa waxay habeen hore baahisay in daroogadaasi ay ku sii jeeday Ma gaalada Caasimadda ah Riyadh, lana haayo shan qof Sacuu diga u dhashay oo dhoo fineysay.

Warbaahinta, ayaa tebisay in daroogadaasi la qabtay, xilli la doonaayay in la saaro diyaarad ku sii jeeday Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Captagon waa daroogo ka sameysan walxa maskaxda kiciya, waxaana lagu sameeyaa dalka ay dagaaladu halakeeyen ee Suuriya, oo xuduud la wadaago Labnaan.

Daroogadan, ayaa caan ka ah Wadamada Bariga Dhexe oo xoogeeda laga istic maalo. Xoogaga ka dagaalamaya Suuriya waxaa lagu tilmaamaa kuwo adeeg sada daroogaasi.

Ilo wareedyo, ayaa AP iyo AFP u sheegay dadka loo xiray dhoofinta darooga daasi in uu ku jiro Amiir Sacuudiyan ah, inkastoo aanay jirin cid weli si rasmi ihi u xaqiijisay

SAFIIRKA BRITAIN EE SOMALIYA OO SHALAY BOOQASHO KU TAGTEY MAGAALADA KISMAAYO

Safiirka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Harriet Mathe ws, ayaa waxay shalay gaartay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mado obe), ayaa wefdiga Safiiradda ku qaabilay Garoonka Magaalada Kismaayo, oo kulan ay ku yeesheen.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, roobabka El Nino oo sida la sheegay Soomaaliya ku soo wajahan iyo hiigsiga sanadka 2016ka, oo sida uu qorshuhu yahay ay doorasho guud ka dhacdo dalka.

MAAMULKA DEGMADA MAHADAY OO KU EEDEEYAY HAY’ADAHA SAMAFALKA WAXQABAD LA’AAN

M/ulka D/Mahaday ee G/Sh/dhexe ayaa eedeyn u soo jeediyay hay’adaha sam afalka ee ka howlgala gobolka iyagoo ka codsaday Wasaarada Arrimaha Gud aha ee Dowlada Federalka in ay guddi xaqiiqo raadis ah u soo dirto degmada Mahaday oo saameyn weyn ay ku yeesheen roobabka deyrta.

D/Mahaday iyo deegaanada ku xeeran ay aa muddo 10 maalmood ah waxaa si isdaba joog ah uga da’ayay roobab dhibaato u geys tay dad iyo duunyo, wax aa ku baaba’ay beero faro badan, waxaana ku barakacay qoysas faro badan. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen degmada Mahaday mas’uuliyiinteedad ayaa waxa ay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka iyagoo sheegay inay san waxba u qaban degmada oo dhibaato xoog leh haatan la soo deristey.

"Degmada waa ammaan waxayna u baah an tahay gargaarka hay’adaha samafalka mana ahan in xilliga kaalmada loo baahan yahay la iska dhego

tiro,waxaan ka dacweyn doonaa maxkamada adduunka haddii aysan hay’aduhu si degdeg ah wax ugu qaban shacabka degmada oo haatan xilli adag ku jira.”ayuu ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada maamulka degmada Mahaday Saalax fulaal.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyada degmada Mahaday Maxamed Bashiir Qaasin ayaa baaq u direy shacaba ka soo jeeda degmada Mahaday inay qeyb ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa isagoo xusay in la furi doono accounta lambar u gaar ah gargaarka shacabka degmada.

Guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa ka cod saday dowlada in ay il gaar ah ku soo fiiriso shacabka degmada, isagoo xusay in ay go’oday wadada isku xirta gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Hiiraan,ayna ka sha qeeyeen sidii aysan u go’i lahayn wadada gasha degmada Mahaday.

"Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha samafalka kuwa wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo dowlada Federalka in wax loo qabto shacabka degmada Mahaday oo haa tan dhibaato daran ay hayso, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka degmada ee qurbo joogta ah inay wax u qabtaan dadkooda oo haatan roobabka ay dhibaateeye en,”ayuuyiri guddoomiyaha degmada Mahaday oo ka hadlayay shirka jaraa’id.

Qoysas badan ayaa ku barakacay roobab isdabajoog ah oo ka da’ay deg mada Mahaday waxayna baabi’iyeen roobabkaas beero waaweyn oo beeralaydu ay soo goosanayeen gaar ahaan dalagga sisinta oo caan ku ah degmada Mah aday.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa keentay magaalada Jowhar cunto farobadan iyo gargaar kale oo loogu talogalay dadka ay saameynta ku yeeshaan roobabka deyrta balse illaa iyo hadda ma jirto wax gargaar ah oo ay hay’ada WFP gaarsiisay shacabka baahida u hayso cuntada ee maalin walba roobabku ay ku da’ayaan.

QAAR KA MID AH GOLAHA WASIIRADA SOMALILAND IYO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA OO ISCASILAY

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ay is casileen Wasiiro katirsanaa Xukuumada Som aliland iyo Xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirada iscasilay ayaa ayaa kuwa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sida Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Is casilaada ayaa waxaa ay ku sheegeen wasiirada is casilay in ay ka dam beysay kadib markii Madaxweynaha uu la saftay dhinac ka mid ah xisbiga Kul miye.

Halkan ka Aqriso Liiska Wasiirada iyo xubnaha kale ee is casilay.

1Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis

2.Wasiirki Cadaalada Xuseen Axmed

3..Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir

5. Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed

7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman

8. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan.

9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi

10Afhayeenki Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul

Waxaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socdana xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland ay is casilaan. Khilaaf ku sal aysan cidda maamulaysa haamaha keydka shidaalka ee dekeda Berbera ayaa heer xun gaaray iyadoo ay ku kala qeybsameen siyaasiyiinta maamulka la magac baxay Somaliland

SOMALILAND: DADKA NAAFADA AH OO LAGU TACADIYO LANA DAYACO HALA XAQIIJIYO DUSHA KALA SOCOSHADA, SOO AFJARIDDA JEEBAYNTA, DAWEYNTA QASABKA AH

Dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku nool Somaliland ayaa waxaa sii kor dhaysa in lagu qasbo xarumaha lagu hayo, halkaas oo ay ku wajahaan tac addiya ba’an iyo xaalado xun,Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay dorraad ay soo saartay. Mas’uuliyiinta Somaliland waa inay du sha kala socdaan dhammaan xarumaha lagu daweeyo dadka qaba xunuun ka dhimirka, oo ay mamnuucaan jeebaynta, ayna sameeyaan adeegyo isk aa wax u qabsa ah oo loo fidiyo dadka qaba xanuunkaasi.

Warbixinta oo ka kooban 78bog, oo cinwaan looga dhigay "

Loo Jeebe Eyay Sidii Maxaabiis’:Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Dad Ka Cudurada Dhi Mir Ka Qaba Ee Ku Nool Somaliland,

”ayaa waxaa lagu ogaaday in ragga looga shakiyo ama qaba xanuunka dhimirka ay wajahaan xarig xadgudub ah, garaac, daweyn qasab ah, iyo in la geeyo xarumo caafimaad oo guud a ma gaar loo leeyahay oo buux dhaafay. Intooda badan raali kama aha in la xiro isla markaana awood uma laha inay diidan xarigga.Gaar ahaan gooba ha gaarka loo leeyahay ayaa dadka qaba xanuunka dhimirka waxa ay waj ahaan ciqaab iyo jeebayn waqti dheer jirta, in kali loo xiro, oo la karantiilo weliba lagu soo rogo xayiraado adag oo dhanka dhaqdhaqaaqa ah. Daraa sada ayaa lagu ogaaday muhiimada adeegyada caafimaadka maskaxda ay u leedahay deegaannada kasoo kabanaya dagaalka.Sida ay sheegtay Hay’ adda Caafimaadka Adduunka, Somaliland ayaa waxaa ka jira heer sareeya oo ah xanuunka dhimirka.

"Halkii ay ka siin lahaayeen daweyn ku habboon oo ay raali ka yihiin ama soo kabsasho, ayaa xarumahan waxa ay ku dhaqaan dadka ku nool xeerar la mid ah kuwa xabsiga, karantiilid iyo daweyn qasab ah,” waxaa sidaa tiri Laetitia Bader, oo ah cilmi baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ayna intaa ku dartay "Mas’uuliyiinta Somaliland waa inay si degdeg ah wax uga qabtaan tacaddiyada ka dhaca gudaha xarumaha lagu dawe eyo dhimirka.”

201510AFR_Somaliland_Mentalhealth_BUTTON

HRWatch ayaa waxa ay daraasad ka sameysay magaalooyinka Hargey sa, Ber bera iyo Gabiley, waxaana ay wareysatay in ka badan 115 qof, oo ay ka mid yih iin 47 qof oo looga shakiyay ama qaba xanuunka dhimirka, ku waas oo xarumo lagu hayay.Intooda badan waxa ay wajahayeen tacaddi yo.Hannaanka asaasiga ah,dusha kala socoshada garsoorka iyo qaababka ay cadaalad ku heli karaan ayaan dhammaantood jirin. Daraasada ayaa in ta badan diiradda saartay xaruma ha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo dadka cudurada dhimirka qaba ee ku yaalla Hargeysa.Maadaama inta bad an xarumahaasi lagu hayo rag, ayaa wax yaabaha lagu ogaaday daraasad da waxa ay inta badan ka hadlayaan xaaladahooda, inkasta oo haweenka cudurada dhimirka qaba ay sidoo kale la kul maan tacaddiyo ba’an.

Somaliland ayaanan kaydin macluumaadka rasmiga ah ee ku saabsan tirada dadka qaba xanuunka dhimirka, balse daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadkaasi ay aad u sareyso, iyadoo middaa loo tiirinayo rabshadihii iyo ja hwareerkii ka dhashay dagaalkii sokeeye, adeegyada caafimaad oo aan jirin iyo cunista badan ee jaadka. Muddo sanado ahba, dadka qaba xanuunka dhimirka ayaa faraha laga qaadi jiray, iyagoo wajihi ji ray faquuq ay bulshada kala kulma an, ama waxa ay inta badan ku tiirsana an jireen qaraabo aan fahansanayn oo aan macluumaad badan ka haysan xaaladooda caafimaad, isla markaana aanan haysan cid caawisa.

Sanadkii 2014ka, mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ansixiyay qorshayaal u aqoo nsanaya dadka qaba xanuunka dhimirka inay yihiin kuwa muhiimad gaar ah leh, waxaana ay ku baaqeen in la diyaariyo xeer waafaqsan Axdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah.Hasayeeshee qorshayaashaasi lama meel marin, taageerada caal amka ee ku aaddan adeegyada caafimaadkana wa xa ay si weyn u hareer mar tay daryeelka caafimaadka dhimirka. Somaliland ayaa iminka waxaa ka hawlgalo oo keliya laba dhakhtar oo ah kuwa dabi ibo xanuunka dhimirka kuwaasoo ay tahay inay daweeyaan qiyaastii 3.5 milyan oo ruux.

Sanadihii dambe, waxaa Hargeysa ku soo batay xarumaha gaarka loo le eyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka, kuwaasi oo ka faa’iideysana ya ba ahida ballaaran ee loo qabo adeegooda, iyadoo ay markii hore jireen tiro kooban oo xarumahaasi ah oo ay dadweynaha leeyihiin, isla markaana burbursan oo aan dhaqaale badan haysan. Adeegyada iskaa wax u qabso ah ee bulshada ayaan jir in. Halkii ay daryeel caafimaad oo ku habboon iyo la talin u sameyn lahaayeen dadka ay ogolaanshaha ka haystaan, ayaa xa rumahaasi waxa ay inta badan yih iin kuwo dadka lagu hayo oo karantiil ah, sida ay ogaatay HR.Watch. Inta badan dadka la wareystay ayaa sheegay inayagoon raali ka ahayn ay xarumahaasi ge eyeen ehelkooda. Qaarkood ayaa halkaa lagu hayay ilaa shan sano, iyagoo aan awood u lahayn in ay di idaan xarigooda. Tiro ka mid ah dadka halkaasi lagu hayo ayaa laga keena y qurbaha.

Ilaalada iyo shaqaalaha kale ee xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa dad ka ku haya deegaan aad u ilaalsan, mararka qaar ay ciqaab ka jirto, waxaa na ay kula dhaqmaan xarig, jadwal adag, karantiil dheer, garaacid iyo jeeb ayn.Jeebaynta ayaa inta badan la adeegsadaa marka dadkaasi la geeyo xa rumaha gaarka loo leeyahay, si loo xakameeyo iyo weliba qaab ciqaab ah, inkastoo aanay aad u ba dnayn, waxaa sidoo kale jeebaynta laga adeegsa daa qeybta lagula tacaalo xan uunka dhimirka ee Cisbitaalka Guud ee Ber bera. "Waa xeer u yaalla dhammaan dadka cusub inay jeebaysnaadaan,” waxaa sidaa yiri nin 27 sano jir ah oo muddo laba bilood ah ku qaatay xa run gaar ah, ka dib markii ay halkaasi si qa sab ah ku geeyeen waalidkiis. Waxa uu intaa ku daray "Waan jeebaysnaa labadii bilood ee aan halkaasi joogay.Waxaan dareemay sidii in xoriyadda la iga qaa day.”

Qeybta dhimirka ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa ah kan keliya ee ay HR W. ku aragtay in aanay ka jirin jeebayn. Waa in xarumaha kale ee ay dowl addu maamusho ama kuwa gaarka loo leeyahay ay ku daydaan tusaalaha asi, ayay tiri Human Rights Watch. H.R.Watch ayaa ogaatay in ilaalada ay mararka qaar gara acaan dadka xarumaha ku xiran ee diida inay dawadoo da qaataan, ama ay raac aan amarada ama muujiya calaamadaha dabeeca do gardara ah.

"Dorraad, mid ka mid ah bukaannada ayaa la dagaallamay waardiyaha, ka dib waxay ku gacaareen suun,” waxaa sidaa yiri bukaan ku jira goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka.Waxa uu intaa ku daray, "Waxa uu rabay in laga furo silsiladda. Shan ilaa lix jeer ayay la dha ceen suunka.” Qaar ka mid ah dadka ku jira xarumaha dadweynaha iyo ku wa gaarka loo leeyahay ayaa lagu qasbaa dawooyinka, ama la suuxiyaa si loo siiyo.Dawooyinka dhimirka ayaa inta badan loo qoraa iyadoo lagu sale ynayo baaritaan caafimaad oo aan laga fikirin.Bukaanka ayaan inta badan loo sheegin waxa laga helay.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in inta badan ay xarumaha ku guul dareystaan sidii dadkaasi ay bulshada ugu laaban lahaayeen. Waxay bixiy aan hawlo fara ku tiris ah oo macno leh. Inta badan dadka ku xiran xaruma ha gaarka loo leeyahay ayaa waqtigooda ku qaata gudaha qolalkooda, iya goo inta badan jeebaysan, ama ku jira qolal xiran oo mararka qaar mugdi ah.HRW.ayaa sheegtay in wax ka qabashada dhibaatada xanuunka dhimi rka ee Somaliland ay u baahan tahay dadaal dheeri ah. Dowladda ayaa ho wshaasi ka bilaabi karta iyadoo mamnuuceysa jeebaynta, nidaamineysa oo dusha kala soconeysa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dhimirka, iyo iyadoo xaqiijineysa in dadka xarumahaasi la geeyo ay haystaan qaab ay cadaalad ku heli karaan.

Waa in sidoo kale ay Somaliland diiradda saartaa hakinta tallaabooyinka dadkaasi xarumaha lagu geynayo, ayna la shaqeysaa dadkaasi qaba xanu unka dhimirka, qoysaskooda, iyo bulshada oo ay ka mid yihiin qurba joogta si wax looga qabto faquuqa dadkaasi lagula kaco. Dowladdu waa in ay sam eysaa habab ku habboon oo ay dadka dhimirka qaba ay ku noolaanayaan ammaan, madax bannaani iyo sharaf bulshada dhexdeeda ah.

Marka la eego tirada badan ee dadka xarumaha dhimirka loo geynayo adeegsiga jaadka awgiis, mas’uuliyiintu waa inay dadka daroogada adeegs ada u sameeyaan adeegyo la mid ah kuwa heerka bulshada.

Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin ayaa hadda dib u eegis ku sameynaya qorshayaasha caafimaadka, waana inay fursaddaasi uga faa’iideystaan sidii ay caafimaadka maskaxda ugu dari lah aayeen qorshahooda iyo barnaamijyadooda, waxaa sidaa tiri HR Watch.

Somaliland oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwa daaga yihiin, waa inay shaqaaleysiisa ayna tababartaa xirfadlayaal badan oo dhanka dhimirka ah, ayna ku dadaashaa bixinta daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka maskaxda, ballan qaadida helitaanka daweynta iyo la tal inta ku dhisan madax bannaanida iyo ogolaanshaha bukaanka, iyo xaqiijin ta in si joogta ah oo nidaamnsan loo helo dawooyinka dhimirka.Dowladdu waa in sidoo kale ay xoojisaa siyaasadaheeda ku aaddan caafimaadka ma skaxda, iyo hirgelinta qorshayaashaasi, oo ay ka mid tahay ansixinta xeer ka caafimaadka maskaxda kaasoo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. "Waa hayb sooc; in xarumo lagu hayo mudda dheer dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaana ay xadgudub ku tahay xuquuqd ooda asaasiga ah, mana siineyso adeegyada ay u baahan yihiin,” ayay tiri Bader, oo intaa sii raacisay "Balse, Somaliland waxa ay fursad u haysataa inay dhisto nidaam dadka qaba xanuunka dhimirka siinaya taageero iyo weliba madax bannaani.”

""Loo Jeebeeyay Sidii Maxaabiis’: Tacaddiyada ka dhanka ah Dadka Cud urada Dhimirka Qaba ee ku nool Somaliland,” waxaa laga heli karaa:

https://www.hrw.org/node/282319// Haddii aad dooneyso warbixinno dhe eraad ah oo Human Rights Watch ay ka diyaarisay Soomaaliya, Fadlan Bo oqo: https://www.hrw.org/africa/somalia... Wixii faahfaahin dheeraad ah, fad lan kala xiriir: Gudaha Hargeysa, Laetitia Bader oo ku hadasha (Ingiriis, iyo Af Faransiis): + 252 633680337 ama +254700241854 (Nairobi); ama baderl@hrw.org. Ka raac barta Twitterka ee @LaetitiaBader

Gudaha Washington, DC, Maria Burnett oo ku hadasha (Ingiriis): +19173791696+19173791696 (taleefanka gacanta); ama burnetm@hrw.org. Ka raac barta Twitterka ee @MariaHRWAfrica

Gudaha New York, Shantha Barriga oo ku hadasha (Ingiriis):+12122161823+12122161823 (taleefanka xafiiska), ama +19173615245+19173615245 (taleefanka gacanta); ama barrigs@hrw.org Ka raac barta Twitterka ee @Shanth aHRW. Gudaha New York, Leslie Lefkow oo ku hadasha (Ingiriis): +16462203522+16462203522 (taleefanka gacanta); ama lefkowl@hrw.org. Ka raac barta Twitterka ee @LefkowHRW

Laetitia Bader

Researcher

Human Rights Watch

baderl@hrw.org

Skype: leti.b

Kenya Mobile: +254 700 241 854

Kenya Office: +254 730 646 104

 

PUNTLAND OO KA HADLAY ARAGTIDOODA KU AADAN KU BIIRISTA ALSHABAABTA GALGALA EE URURKA DAACISH

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka she egaya in xubno ka tirsan Alshabaab ee ku sugan buuraha Goolis ay ku biireen ururka islaamiga ah ee Daacish/ISIS.

Wasiirka amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali [Qarjab] ayaa sheegay in Daacish, AlShabaab iyo AlQaacida ay dhamaantood yihiin ururo argagxiso oo aanay jirin waxay isdhaamaan.

Sidoo kale, Qarjab oo la hadlayay VOAda ayaa xusay inuu maqlay wararka ku saabsan in in AlQaacida ay dhaqaalihii ka jarteen Alshabaab, isla ma rkaana ay xubno ka tirsan Alshabaab ay dhaqaale dartiis ugu biireen ururka Da acish.

"Innagu war uma hayno sababta ay kooxdani ugu biirtay Daacish, ba lse waxaa jira warar kutirikuteen ah oo sheegaya inay dhaqaale ahaan ugu biir een. Sidoo kalena Alshabaab waxaan u aragnaa rag ay dhaqaale badan ku bixiy aan kooxaha argagaxisada ee adeegsada,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ahayd waxa ciidamadooda sirdoonka ay uga soo sheegeen wixii maalintii Khamiista ahayd ka dhacay buuraha Galg ala, ayuu kaga jawaabay wasiirku.

"Marka hor wax dowladeed wax idaacad laga sheegi karo ma ahan oo dowl addu sir ayay ka leedahay, waxay la dagaalamaysana waa cadow, mana ahan in uu cadowgaasi sirtaada ogaado. Laakiinse waxaan kuu sheegayaa in Puntland ay ka go’an tahay inay la dagaalanto urur walba oo argagaxiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.”

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ku biirista ay ururka Daacish ku biireen xoogagga Alshabaab ee ku sugan buuraha Galgala aysan waxba u dhimi doonin, ayna sababayso inaan sii xoojinno dagaalka aan kula jirno.

"Aragtideenna waxaa ka mid noqonaysa inaan baaritaanno adag ku sameyno doomaha ka imaanaya dalka Yemen iyo dadka qoxootiga ah ee ka ima anaya waddan kaas, waayo waxaa dhici karta in la isku soo qariyo oo qoxooti la Iska soo dhigo, si aan uga hortagno inay noo soo gudubto argagaxiso,” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Puntland.

Dhanka kale, wasiirka amniga Puntland wuxuu xusay inay adkeyn ayaan amniga xeebaha badaha Puntland intii ay awoodaan, wixii awoodooda ka baxsanna ay dalalka la dagaalama argagaxisada ka codsana yaan inay gacan ka siiyaan, sidii looga hortegi lahaa argagaxisada.

GAROONKA MAGAALADA BEIRUT OO LAGU QABTAY DAROOGO BADAN OO LOO WADAY DALKA SACUUDIGA

Dowladda Lubnaan, ayaa waxay dorraad gacanta ku dhigtay daroogo loo waday dalka Sacuudi Carabiya, iyadoo dhinaca kalana xabsiga la dhigay ko ox Sacuudi yan ah oo daroogadaasi diyaarad saari rabtay.

Daroogadan oo nooceedu lagu sheegay Captagon, kana koobneyd la ba ton, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Garoonka Beirut.

Warbaahinta Lubnaan, ayaa waxay xalay baahisay in daroogadaasi ay ku sii jeeday Magaalada Caasimadda ah Riyadh, lana haayo shan qof Sacuudiga u dhashay oo dhoofineysay.

Warbaahinta, ayaa tebisay in daroogadaasi la qabtay, xilli la doonaa yay in la saaro diyaarad ku sii jeeday Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Captagon waa daroogo ka sameysan walxa maskaxda kiciya, waxaa na lagu sameeyaa dalka ay dagaaladu halakeeyen ee Suuriya, oo xuduud la wad aago Labnaan.

Daroogadan, ayaa caan ka ah Wadamada Bariga Dhexe oo xoogeeda laga isticmaalo. Xoogaga ka dagaalamaya Suuriya waxaa lagu tilmaamaa kuwo adeegsada daroogaasi.

Ilo wareedyo, ayaa AP iyo AFP u sheegay dadka loo xiray dhoofinta daroog adaasi in uu ku jiro Amiir Sacuudiyan ah, inkastoo aanay jirin cid weli si rasmi ihi u xaqi ijisay

SAFIIRKA BRITAIN EE SOMALIYA OO DORRAAD BOOQASHO KU TAGTEY MAGAALADA KISMAAYO ….

Safiirka Britain u fadhiya dalka Somaliya, haweeneyda lagu magacaa bo Harriet Mathews, ayaa waxay shalay gaartay Magaalada Kismaayo Ee Xaru nta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Ma doobe), ayaa wefdiga Safiiradda ku qaabilay Garoonka Magaalada Kismaayo, oo kulan ay ku yeesheen.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, roo bab ka El Nino oo sida la sheegay Somaliya ku soo wajahan iyo hiigsiga sanadka 2016ka, oo sida uu qorshuhu yahay ay doorasho guud ka dhacdo dalka.

Safiiradda, ayaa waxay sheegtay in Britain ay ka go’an tahay inay gacan u fidiso shacabka degan deegaanada ku teedsan Wabiga Jubba. Haddii ay noqon laheyd dadka degan Gobolada Jubbooyinka & Gedo.

Sidoo kale waxay sheegtay in Maamulka Jubbaland ay kala shaqayn doo nto, sidii loo wejihi lahaa fatahaadaha la fillaayo in Wabiga Jubba uu ka gaysto Goboladaasi, mar ka ay da’aan roobabka El Nino.

Harriet Mathews oo sii hadleysay, ayaa sheegtay in Britain ay bixin doonto tasiilaad ka ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland, si ammaanka ugu xoojiyan.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa Boqortooyada Britain kaga mahad celiyay taa geerada ay siinayso Jubbaland iyo gebi ahaanba dalka Somaliya.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip