Khilaaf hareeyey shirka Kismaayo kadib markii la diiday hoggaanka Shariif

0
Friday December 19, 2025 - 20:18:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf hareeyey shirka Kismaayo kadib markii la diiday hoggaanka Shariif

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Shirka mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada uga socday magaalada Kismaayo, ayaa durba waxaa hareeyay khilaaf xooggan oo ku saabsan cidda hoggaamineysa "Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” oo ay dhiseen Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sida ay xog ku heshayCaasimada Online, waxaa la soo jeediyay in Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo Golaha, halka Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu noqonayo Xoghahaya Golaha.

Si kastaba ha ahaatee, musharraxiinta miisaanka culus ee beesha Hawiye oo kala ah; Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku gacan-sayray in hoggaanka loo dhiibo Shariifka. Waxay ku doodeen inuu yahay musharrax, waxayna soo jeediyeen in xilkaas loo dhiibo shaqsi aan musharrax ahayn.

 

 

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa taageeray inuu hoggaanka qabto Shariif Sheekh Axmed, halka mowqifka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni aanu weli caddeyn.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah u sheegay in Shariif uu halgan xooggan iyo dadaal badan geliyay sidii uu uga hortagi lahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, tallaabadaas oo xitaa ay dadkiisu ku kala tageen. Wuxuu xusay inay ceeb tahay in Kismaayo laga diro Shariifka isaga oo laga qaaday hoggaankii mucaaradka.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal u ah shirka ayaa noo xaqiijiyay in heshiis horudhac ah laga gaaray in Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu hoggaamiyo Xoghaynta Golaha Mustaqbalka, arrintaas oo ay dhammaan dhinacyadu ogolaadeen.

 

 

Shirka ayaa hadda si ku meel-gaar ah u hakaday, waxaana socda la-tashiyo hoose oo u badan doodaha hoggaanka sare, iyada oo caawa uu Madaxweynaha Jubaland kulamo gaar-gaar ah la yeelanayo madaxda shirka.

Weli si rasmi ah looma dhammaystirin qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka, waxaana jira aragtiyo is-diiddan oo ka dhex aloosan Madasha Samatabixinta, taasi oo la-yaab ku noqotay dadkii shirka ka qeyb-galay.

Shirka ayaa furmay Khamiistii, waxaana ujeedka ugu weyn uu ahaa in lagu muujiyo diidmo mideysan oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse sida hadda muuqata weli arrintaas laguma guuleysan.



 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip