Mareykanka oo ka hadlay weerarka Australia

0
Monday December 15, 2025 - 17:48:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka hadlay weerarka Australia

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Isniintii telefoonka kula hadlay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Australia, Penny Wong, iyagoo "ka wada hadlay weerarkii argagixiso ee naceybka Yuhuudda ku saleysnaa ee ka dhacay Bondi Beach ee Sydney”, ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, oo soo saaray bayaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku "si adag u cambaareynayo weerarka argagixiso ee foosha xun”, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

     "Ma jiri karo is afgarad ku saleysan naceybka Yuhuudda – dhibaatadaan waa in la wajahaa lana guuleystaa.”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska New South Wales ayaa sheegay in 15 qof, oo ay ku jirto gabar 10 jir ah, lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay Bondi Beach Axaddii – da’doodu waxay u dhaxaysaa 10 ilaa 87 sano.

Weerarku wuxuu dhacay iyadoo munaasabad lagu xusayay bilowga Hanukkah – booliiska ayaana sheegay inay ula fal galayaan dhacdo argagixiso.

Labada nin ee hubeysnaa waxay ahaayeen aabe iyo wiil, sida ay booliiska sheegeen. Ninka 50 jirka ah ayaa isna ku dhintay goobta halka ninka 24 jirka ah uu ku jiro isbitaal, iyadoo xaaladdiisuna halis tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip