AQALKA SARE oo maanta ansixiyay wax ka beddelka…

0
Monday December 15, 2025 - 17:44:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQALKA SARE oo maanta ansixiyay wax ka beddelka…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kadib dood iyo akhrin rasmi ah oo ay ku sameeyeen Golaha.

 

Kulanka maanta oo ahaa kii 12-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Aqalka Sareataq waxaa shir-gudoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo kan 2-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu horrayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada ka hor-akhriyay Warbixinta wax-ka-beddelka Hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

Kaddibna waxaa la geliyay cod, ansaxinta wax ka badalka hindise sharciyeedkaas, iyadoo ay oggol u codeeyeen 29 Sanatar, labo Sanatar ayaa ka aamustay, ma jirin Sanatar diiday, sidaas ayuuna hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed uu goluhu ku meel-mariyay.

Dhinaca kale, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen (Cawke) ayaa Sanatarrada u faah-faahiyay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo qaabkii uu guddiga Garsoorka, Cadaaladda ee Aqalka Sare uu u qaabeeyay soo- eedinnadii lala wadaagay Guddiga.

Kaddibna waxaa la gudo galay ansaxinta hinde sharicyeedkaas, iyadoo ay oggol u codeeyeen 30 Sanatar, waxaa diiday hal senator, mana jirin cid ka aamustay, sidaas ayaana Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ku ansaxmy.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Macallin Maxamuud oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa Sanatarrada uga mahadceliyay ansixinta sharcigan muhiimka ah.

Sidoo kale wuxuu xusay in sharcigani kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta nidaamka caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan da’yarta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip