Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

0
Monday December 15, 2025 - 17:31:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

(SONNA(:- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu dhagax-dhigay mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iyo dayactirka xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagrafi) ee Dowladda Hoose ee Xamar. Mashaariicdan ayaa laf-dhabar u ah tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed oo waara. Waxa uu tilmaamay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isaga oo hoosta ka xarriiqay in "gacanna doorasho lagu galayo, gacanna amniga lagu sugayo, isla markaana la joogteynayo horumarinta iyo dib u dhiska.”

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, iyo mas’uuliyiin kale.

 

XIGASHO:-SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip