Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

0
Monday December 15, 2025 - 13:24:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

 Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta iyo horumarinta nidaamka xeer-dajinta dowladda, si loo horumariyo sharciyada hay’adaha dowliga ah.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen la-taliyeyaasha dhanka sharciga ee dowladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud, iyo La-taliyaha Arrimaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Abukaate Cumar Cabdulle Dhageey, ayaa lagu falanqeeyay sidii loo tayeyn lahaa xeerarka dowladda, iyadoo la jeediyay doodo iyo aragtiyo dhaxal-gal ah.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay in mar walba la isku dayay hagaajinta habka xeer-dajinta dowladda, haatanna ay muhiim tahay in dib loo eego nidaamkaas oo la casriyeeyo, isaga oo ammaanay dadaalka la-taliyeyaasha sharciyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka socday wasaaradaha dowladda iyo sharci-yaqaano madaxbannaan, iyadoo ujeedadu ahayd in la helo hannaan mideysan oo hufan oo lagu saleeyo xeer-dajinta.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip