Hay'adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

0
Monday December 15, 2025 - 12:45:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

-Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.

Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.

Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.

SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip