
Muxuu ahaa ujeedka kulanka dhex-maray Khayre iyo Madaale? + Sawirro
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Khayre ayaa yimid, kadib markii uu Madaale booqasho ugu tegay, waxaana wehlinayay xubno kale oo siyaasiyiin ah.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa booqasho sharafeed uu guddoomiye Yuusuf Madaale ugu tegay musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo haatan dhaq-dhaqaaq ka wada caasimada, maadaama lagu jiro xilli doorasho oo xasaasi ah.
"Waxaan Booqasho sharafeed iyo is-xog wareysi ugu tagay Raysul Wasaarihii Hore ee JFS, Mudane Xasan Cali kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa sida maamuuska leh uu iisoo dhaweeyay, waxaana ka wadahadalnay sidii deganaashaha dalkeena leysaga kaashan lahaa” ayuu qoraalkiisa yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadda kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dhawaan uu ka carooday markii musharraxa xisbiga ee gobolka laga dhigay guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), cabashadaas oo mar dambe si hoose xal looga gaaray.
Mar kasta oo lasoo gaaro xilliga kala guurka siyaasiyiinta ayaa sameeya kala gurasho, waxaaana sii xoogeysta dhaq-dhaqaaqa ay koox kasta ku dooneyso inay kula wareegto hoggaanka Villa Soomaaliya, waxayna kulamadaan iyo abaabulka ka socda Muqdisho ay qayb ka yihiin ololaha doorasho oo ay ururradu ku doonayaan in ay guul wayn ku gaaraan. xigasho:-caasimadda.net




0 


Muxuu ahaa ujeedka kulanka dhex-maray Khayre iyo Madaale? + Sawirro
..