Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho

0
Sunday December 14, 2025 - 11:27:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay tababarkii ugu horreeyay ee Maaliyadda Cimilada (Climate Finance) ee loo qabto Bangiyada Soomaaliyeed, (Somali Bankers Association).

Kulankaan aqoon-is-weydaarsiga ah ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka caalamiga ah ee maaliyadda cimilada, sanduuqyada waaweyn ee caalamiga ah (Vertical Funds) iyo fursadaha ay u heli karaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed, Sidoo kale kulanka ayaa u suurageliyay khubarada bangiyada Soomaaliyeed in ay soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ku saabsan helitaanka maalgelinta cimilada iyo sida ay Bangiyadu ugu celin karaan maalgelintaas macaamiisha, si loo xoojiyo adkeysiga bulshooyinka.

Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA), Dr. Ahmed Khadar Jamaac, ayaa bogaadiyay kulankaan aqoon-is-weydaarsiga ah ee maaliyadda cimillada, isaga oo xusay muhiimada uu u leeyahay bangiyada Soomaaliyeed marka la eego isbeddelka ku socda nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah cimilada Maaliyadda.

Kulankaan aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dhammaan Bangiyada ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan maalgelin ku leh waaxyaha u nugul isbeddelka cimilada, sida beeraha iyo tamarta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip