
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TI,MES DAILY NEWS PAPER EE AMAANTA OO AH TALAADO 25-KA NOV, 2025-KA
Madaxweynaha JFS oo furay shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud oo daahfuray Shirweyn aha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay m as’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.
Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhis maha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinaya an mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.
"Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto dar aasadda dufcadii labaad, Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doo no shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, wa xa ayna ku timid daddaal iyo hufna an shaqo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh aya a culimada Soomaaliyeed ugu baa qay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka So omaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee He y’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladni mada casriga ah, saldhigna u yahay Qor shaha Isbeddelka Qarank iyo Hiigsiga Madaxweynaha Jamhuuri yadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.
"Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay shalay fahmeen muhiimadda nidaam ka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay Aqoonsiga Qaranka. Wax aan ku bogaadinayaa dhammaan dad ka ka qayb qaadanaya dadaallada hor umarinta nidaamkaan casriga ah,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay Ra’iisul Wasaaruhu in dhammaan hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bul shada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka Aqoo nsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugna anta xogta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nid aamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey howlad eennada iyo maamulka hey’adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen mud dada kooban.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Md. Cali Yuusuf Cali, isna mada sha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dow ladda Soomaaliya ay Kaarka Aqoon siga ka sokoor lasoo kordhin doono Nidaamka Diiwaangelinta Madaniga ah, gaar ahaan marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhala shada, dhimashada, guurka iyo furriin ka.
Sidoo kale Maareeyaha Hey’add a Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qa ranka ee (NIRA), Mudane Abdiwali Tim acadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Sooma aliyeed
Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo shir caalami ah uga qaybgalay Sucuudiga
Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya ayaa ka qayb-galay Kalfadh iga 21-aad ee Shirweynaha guud ee UNIDO oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qayb-galay Kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha guud ee UN IDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Md.Jibriil ayaa sheegay in shirku xambaarsan yahay hal-ku-dhig dhiirrig elin leh oo ku saabsan awoodda maalg elinta caalamiga ah, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay taagan tahay meel taariikhi ah oo go’aan qaadasho leh, isla markaana ay ka soo gudubtay caqabado badan iyo tobannaan sano oo adkaa, halka shalay dalka uu ka jiro isbeddel muuqda oo ka socda guud ahaan Soomaaliya.
"Annagoo leh mid ka mid ah xeeb ta ugu dhaadheer Afrika, waxaan dard argelin doonnaa shaqooyin xoojinaya badqabka cuntooyinka kala duwan. Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto xarun goboleedka kalluume ysiga ee waara. Waxaan xoojin doonnaa ilaalinta badda, warshadaha ku shaqeeya dhaqaalaha buluugga ah iyo maalgelinta wax-soo-saarka kallu unka, laga bilaabo farsamaynta ilaa suuq-geynta caalamiga ah,” ayuu yiri Mudane Jibriil.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale adkeeyey in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin hantida ugu weyn ee dalka, isaga oo sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku saabsan tababarka farsamada iyo hal-abuurka dijitaalka ah, taas oo u suurtagelinaysa in ay noqdaan mishiin dhaqaajiya horu marka dalka.
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Aw qaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xuku umadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaal iyeed oo ka kala yimid daafaha caalam ka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.
Inta uu socdo shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sida bulshada loogu baraarujin karo muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay midnimadu.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Ibraahim Aadan Nadaara, oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayo arrimaha ku saabsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah culimada soomaaliye ed oo ka qeybgalaysa shirka ayaa la hadlay warbaahinta Qaranka.
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraah im Shakuul: "Marna ma banna ana in dad walaalo ahi ay si macno-darro ah isku dilaan.”
Sheekh Mustafa iyo Sheekh Max amed Dulmidiid: "Culimada ha yimaa daan baraha bulshada oo ha ka wac yigeliyaan dadka fitnada qabaa’ilka.”
Sheekh Usuuli: "Shirweynahan sanad kan wuxuu ku soo aaday xilligii ugu ha bboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.”
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Diinle: "Culim ada Soomaaliyeed aad bay uga xun yihiin in shalay dadkeenna ay isku laayaan qabyaalad iyo qabaa’il.”
Shirkan wuxuu imaanayaa xilli maalm ihii dambe culimada Soomaaliyeed ay Muqdisho iyo gobollada dalka ka wadeen wacyigelin la xiriirta colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool qeybo ka mid ah dalka. Waxaana uu qeyb ka yahay dadaa llada wacyigelin eed ee culimadu ay wadaan.
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Gobolka Banaa dir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muung aab, ayaa shalay ka qaybgalay furitaan ka Shirweynaha 3-aad ee Culimada So omaaliyeed, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha ayaa khudbadd iisa ku adkeeyay muhiimadda ay Culi madu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan ilaalinta qiyamka, diinta, midnimada iyo wacyi gelinta bulshada. Waxa uu tilma amay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay garab istaagga Culi mada, si ay u guddaan doorkooda ku aaddan hagidda bulshada.
Dr. Muungaab ayaa sheegay in horumarka ka socda Muqdisho uu ka dhashay isku-xirnaanta hoggaanka dowladda iyo dadaallada culimada, isa ga oo ammaanay hoggaanka Mada xweyne Xasan Sheekh ee mideynta Culimaa’uddiinka iyo la dagaallanka marin-habaabinta Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in maamulka Gobolka Bana adir uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqaynta culimada, isagoo rajo wan aagsan ka muujiyay in shirka sanad kan uu ka soo bixi doono talooyin mu hiim u ah dowladnimada iyo mustaqb alka dalka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Angola uga qaybgalay Shirka midowga Afrika iyo midowga Yurub
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Saalax Axmed Jaamac ayaa sha lay ka qeyb galay Shirweynaha Mido wga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola. Shirka ayaa looga hadlayaa xooji nta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halk aas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaan ka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-ha beynta amniga, iyo la-dagaallanka ko oxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaa linta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taag eerada nabadeynta iyo xasilinta Soom aaliya.
Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Md. Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay ka mid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biir ista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.
Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxa uu ugu baaqay laba da dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wada ag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.
Wasaaradda Tamarta oo goobo Ca afi maad iyo waxbarasho u sam ay s ay koronto galin lacag la’aan ah
Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto-gelin bilaash ah.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kh ayraadka Biyaha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa booqasho ku tagay xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fulisay mashruucan. Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ah Jaamacadda Ummadda Soomaa liyeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo dugsiyo ku yaalla caasimadda.
Mashruucan waxa uu ujeeddad iisu ahayd in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, si loo helo adeeg hufan oo joogto ah.
GOLAHA AQALKA SARE OO ANSIXIYAY HINDISE-SHARCIYEEDKA DAD-DHIGISTA IYO TIROKOOBKA XAALADAHA MADANIGA AH
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baa rlamaanka Soo maaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen labada Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa shir gudd oomiyay kulanka 9-aad ee Kalfa dhiga 7-aad, kaasoo ajandihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciy eedka dad-dhigista iyo tiroko obka xaaladaha madaniga ah.
Kulanka waxaa ka hor-jeediyay warbix inta Akhrinta sadd exaad ee Hindise-sharciyeedka Senatar Cabdiqani Ug aas Geelle, Guddoomiye Ku-xigeen ka Guddiga Arrimaha Gud aha ee Aqal ka Sare, iyadoo aragtiyihii iyo talooyi nkii Sanat arrada ay guddigu uu waaf ajiy ay hindise-sharciye edka.
Markii la guda galay cod u qaadi sta sharciga, 27 Senat ar ayaa ogola aday, iyadoo aan wax diidmo ama aamuso ah jirin.
Gunaanadkii kulanka, Wasiiru Do wlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Saadaad Caliyow, ayaa uga mahadceliyay San atarrada Aqalka Sare ansixinta Hind ise-sharciyeedkan oo ka mid ah shar ciyada muhiimka ah ee horum arinta adeegga dad-dhigista.
Hindise-sharciyeedkaani, oo markii hore la horgeeyay Golaha Shacabka horraantii sanadkii 2024, waxay nidaam inaysaa adeegga dad-dhigidda, kaasoo muhiimad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.
Hindisahani-sharci, oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, ayaa nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaalada ha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka carruurta.
Adeegga dad-dhigidda ayaa muddo dheer ka jiray Sooma aliya, waxaana markii ugu horreysay laga hirgeliyay gobolla da waqooyi xilligii Boqortooyadii Ingiriiska (1902–1904), hal ka dowladdii Talyaaniga ay sidoo kale soo saartay shuruuc la xiriirta arrimaha dad-dhigi dda. Adeeggan ayaa si habsami leh u socday ilaa burburkii Dowladdii Dhexe ee 1991-kii, wa xaana hindise-sharci yadani ay dib u cusboo neysiina ysaa nidaamkii hore iyadoo la waafa jinayo baahiyaha casriga ah ee dalka.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliya oo sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Al shaba ab kaliya loo ogolyahay inay hubka haystaan
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in laba dhinac kaliya loo ogol yahay inay haystaan hubka oo uu ku qeexay ciidamada Dowladda Soomaali ya iyo Kooxda Al-shabaab oo aan cid sedexaad loo ogoleyn inay hubka haysato.
Wasiirka ayaa hadalkaan sheegay mar ay warbaahinta wax ka weydiisay hadal uu jeediyay Xildhibaan Jacfar oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaan ka oo ka qeyb galaayay shir ay bee shiisu ku lahayd magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqayay inay hubkoodi qaataan.
"Sidiisaba hubka waxaa loo ogolyahay laba, dowladda oo ku badbaadinaysa dadkeedi, shabaabka oo raba inay ku laayaan dadka, dadka sedexaad ee usoo bac bac dhigta gacanta ciidanka ayaa lagu qabanayaa” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Hadalkiisa oo si weyn u qabsaday bar aha Bulshada ayaa si weyn loogu fala nqeeyay waxaana laga bixiyay ara gtiyo kala duwan, dadka su’aasha ka keenay arintaasi waxaa kamid ah Xild hibaanad Faaiza Maxamed Jeyte oo barteedi facebook kusoo qortay "Waa maxay waxa shabaab hubka loo gu ogol yahay dadka shabaabku rads an aayo oo uu rabo in uu dilana loogu diid an yahay, in ay hub qaataan si ay isu difaacaan , ma shabaabka lala shaqey staa oo Labo shabab shaqaa ka dhax eyso!”
Intaasi kadib wasiirka oo dib ay u wareysatay warbaahinta ayaa ku tilma amay hadalkii hore ee ahaa in Shab aab loo ogolyahay inay hubka qaataan ku tilmaamay mid khalad ama si qadaf ah uga dhacay, waxaana uu shaaca ka qaaday in cid aan ahayn Ciidamada Dowladda aysan hub ku dhex wadan karin Magaalada Muqdisho.
"Ula jeedkeeygu ma ahayn in Al sha baab hubka loo ogol yahay balse waxa ay ahayd inaan sheego inay cid labaad oo hub qaadata ay u hiilineyso Shab aab, qabiil xitaa ha ahaato, hadalkeygii horena waxa uu ahaa mid qadaf ah” ayuu wasiirka u sheegay saxaafadda.
Wixii ka dambeeyay isku dhacyadii ciidanka Dowladda iyo kuwa taabac san Mucaaradka ku dhexmray sal dhi ga Degmada Warta Nabadda, Sar aaki isha Ciidanka iyo mas'uuliyiinta Dowl adda ayaa ku celcelinayay inaan maga alada Caasimadda aan lagu qaa dan karin wax hub ah si aan loo qalqal gali nin ammaanka guud ee caasim adda.
Guddoomiyaha Guddiga Doora shooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiy ayaasha
Guddoomiyaha Guddiga Doora shooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdi maha Qaranka (GDMSQ), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shalay magaalada Gaalkacyo ka daah-furay Diiwaange linta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Mudug, saraakiil amni iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in diiw aangelinta codbixiyayaasha ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qeybgalka shacabka ee go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Guddigu ku howlan yahay in hab-raaca diiwaangel intu noqdo mid hufan, daah-furan oo loo siman yahay.
Xildhibaanadii ka qaybgalay furitaa nka ayaa uga mahadceliyey Guddiga Door ashooyinka dadaallada ay wada an, iyaga oo ku boorriyay shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaangelinta si ay u helaan kaarka codbixinta.
Wasiir Dekaddaha Oo Qeybgalay Shirka 34-Aad Ee Golaha Hay’Adda Baddaha Adduunka
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada London uga qeybgalay shir ka 34-aad ee Golaha Hay’adda Badda ha Adduunka (IMO) oo goordhaw furmay.
Shirkaan waxaa qeyb ka ah oo wasiirka wehliya Maa reeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Max amed Cali Nuur (Ameriko), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo masuuliyiin kale
Taliyaha ciidamada Sudan oo si kulul uga hadlay soo jeedintii Mare ykanka ee joojinta dagaalka
Taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dam beysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhex dhexad iyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhig
Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada degdeg ga ah ee RSF, uu baabi’in doono door ka Ciidamada Qalabka Sida, isla mar kaana u ogolaan doono male eshiyada inay ku sii sugnaadaan goo bahooda
PUNTLAND OO DIL KU XUKUNTAY HAWEE NEY DISHAY GABAR 14 JIR AH
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay inay dishay marxuumad Saabi riin Saylaan, oo ahayd gabar 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dhageysi saacado badan qaat ay oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada. Sidoo kale, maxkam addu waxay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $500 ku xukuntay sayga Hodan, oo 65 jir ah, kaasi oo lagu helay inuu qeyb ku lahaa dambiga.
Inkasta oo Hodan Maxamuud ay max k amadda ka sheegtay inay ay san dilin Saabi riin, haddana waxay qiratay inay jirdil joogto ah u geysan jirtay. Maxkamaddu wax ay sheegtay in cadd aymaha la soo bandhigay ay muujinay aan in ay iyadu ka dambeysay falka dilka ah.
Maxkamaddu waxay labada eed eysane u ogolaatay muddada racfaan ka oo ah hal bil. Qareenka u dooday eed eysanaha ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka maxkama dda isagoo sheegay inuu racfaan ka qaatay xukunka lagu riday Hodan.
Marxuumad Saabiriin, oo aan weli la aasin, ayaa lagu wadaa in galabta loo wareejiyo ehelkeeda si ay u aasa an.Dilka Saabiriin ayaa sidoo kale sab abay mudaharaadyo ka dhacay ma gaalada Gaalkacyo, kuwaas oo saba bay dhimashada hal qof iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.
Booliiska Gobolka Banaadir Oo Gacanta Kusoo Dhigay Dad Ku Eedeysan Jirdil Iyo Dhaawac Loo Gays tay Gabar Yar Oo 13 Jir Ah
Ciidanka Booliiska gobolka Ban aadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada
Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Cabdikariin iyo Shukri Cali oo ku eedeysayn iney jirdil iyo dhaawac u gaysteen gabar yar oo 13 jir ah.
Gabadha yar ee jirdilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaaba Caasho Cali, waxayna ku nooleyd guriga labada eedeysane ee gacanta ku soo dhigeen ciidanka Booliiska ee kala Xasan iyo Shukri.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gob olka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xasan iyo Shukri loo gudbin doono Maxkamadda awooda u leh kiiskooda si loogu qaado ciqaabta ka dhalanaysa dambiga ay u gaysteen gabdhaha yar ee ku nooleyd gurigooda.
Qoraalka kasoo baxay Booliiska gobo lka Banaadir ayaa sidoo kale loogu ba aqay qeybaha kala duwan ee bulshada in hay'adaha amaanka kusoo wargali yaan kiisaska noocaan kale ah si wax looga qabto.
"Muwaadiniinta soomaaliyeed meel kasta joogaan, waxaa laga codsanay aa in ay la so wadaagaan Hay,addaha ama anka hadii soogaaraan falal nuuc aan oo kala ah, si aan uwada ilaalino masuuliyadda naga saaran caruurta Soomaa liyeed" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta gu ud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo shalay Maxk am adda darajada koowaad ee gob olka Mudug ee Puntland dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diir iye oo lagu helay inay si arxan daro ah u dishay Saabiriin Saylaan oo ahayd gabar yar oo 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd.
SRAA’IIL OO DISHAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN KOOXDA XISBULLAH
Milateriga Israa’iil ayaa dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Xisb ullah ee dalka Lubnaan kadib weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen dul eedka koonfureed ee magaa lada Beyr uut ee caasimadda Lubnaan, inkastoo xabbad joojin laga gaaray dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah.
Waxa ay ku tilshalayy Haitham Cali al-Tabtabai, mad axa shaqaalaha ee Hezbollah, inuu yahay ruug-cadaa koox da oo soo qabtay jagooyin sars are oo xirriir ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Lub naan ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen 28 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka oo ku dha cay dhismo dabaq ah oo ku yaalla deg mada Dahieh oo ay dadku ku badan yihiin.
Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida Tabtabai, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil ay ka gudubtay "khadka cas” markii ay duqeynta fulisay.
Duqeynta ayaa ah tii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka gey sato koonfurta Bei rut muddo bilo ah.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Israa’iil ay kordhisay ololaheeda ka dhanka ah dadka iyo bartilmaameed yada ay ku sheegtay inay xiriir la leey ihiin Xisbullah – oo ah koox Muslim Shi ico ah oo ay taageerto Iran – inkastoo xabbad joojin ay garwadeen ka aha ayeen Mareykanka iyo Faransi iska uu dhaqan galay bishii November ee la soo dhaafay.
Saraakiisha Israa’iil ayaa shee gay in Xisbullah ay isku dayday inay dib u dhisto awooddeeda ciidan, isla markaana ay hub sharci darro ah soo gelisay Lubnaan, isla markaana ay sare u qaadayso soo saarista diyaarad aha aan duuliy aha lahayn ee wax qarx iya, waxaana jirta cabsi isa soo tara ysa oo laga qabo inuu dagaalka xoogeysto.
Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Ao un, ayaa ku boorriyay beesha caalam ka inay cadaadis ku saaraan Israa’iil – oo weli haysata ugu yaraan shan goo bood oo ku yaalla koo nfurta Lubnaan – si ay u joojiyaan weerarrada iyo inay ka ba xaan dalkaas, isagoo sheegay in ficillada Israa’iil ay xadg udub ku yihiin heshiiskii lagu soo afjaray 13 bilood oo colaad ah.
Dowladda Lubnaan ayaa wacad ku martay inay hubka ka dhigi doonto ururka Xisbullah, balse kooxda ayaa ku gacan seyrtay baaqyo ah in laga hadlo mustaqbalka hubke eda, ka hor inta aysan Israa’iil joojin weeraradeeda, si buux dana uga bixin Lubnaan, ayna sii deyn maxaabiis u dhalatay Lubnaan.
Sarkaal ka tirsan diblomaasiyiinta reer galbeedka oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in maamulka uu cadaadis kala kulmayo maamulka Trump oo sii kordhaya dulqaad la’a anta waxa ay u arkaan horumarka gaa bis ah ee ka dhanka ah kooxdan oo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
Khilaafkii ugu dambeeyay ee u dhex eeya Israel iyo Xisbullah ayaa qarxay ka dib markii kooxda Lubnaan ay bilaa been inay gantaalo ku garaa caan goo baha Israel maalin kadib wee raradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Xisbullah ayaa sheegtay inay u dhaqmayso si wadajir ah Falasti iniyiinta Gaza.
Ciidamada xoogga oo deegaanka Cali Heele ku dilay Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaa iye ed oo ay garab ka yihiin ciidamada dad ka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Cali Heyle ee hoostaga magaalada Masaga waa ee gobolka Galgaduud.
La wareegitaanka deegaanka ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada huwanta ah ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen gobolka.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gudaha deegaan ka ku beegsad ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, halka as oo lagu dilay horjoogihii koox da ee deegaanka, Axmed Sheekh Cu mar, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Saraakiishu waxay sheegeen in talla abadan ay qeyb ka tahay burburinta shabakadaha Al-Shabaab ee ku dhu umaaleysanaya tuulooyinka ku yaalla bariga Galgaduud.
Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale shalay gaaray tuulooyin ka le oo ay hore ugu sugnaayeen mal ee shiyaad Al-Shabaab ah, iyagoo halk aas ka sameeyay baaritaano iyo nadi ifin amni. Waxaa la sheegay in kooxihii halkaas ku jiray ay qaarkood isaga carareen goobaha ay ku dhuum aaley sanayeen.
Wararka ka imaanaya Masaga waa ayaa sheegaya in weli howlgal cul us uu ka socdo deegaanada hoostaga magaalada, iyadoo ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin goobo kale oo muhiim u ah male eshiyaad
MAXKAMADDA CIIDAMADA OO WADA QORSHE XASAANADDA LOOGA QAADAYO, LAGUNA MAXKAMADEYNAAYO XILDHIBA ANO KA TIRSAN BAARLAMAANKA
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay gudoonka Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka Federaalka kaga dalba neyso in xasaanadda laga qaado xub no ka tirsan Baarlamaanka oo lagu eedey nayo inay ku lug leeyihiin dilal maleeshiyo beeleed ka gayste en qey bo ka mid ah gobolka Shabellaha Hoo se.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamad da ciidamada qalabka sida Gaasha an le dhexe Axmed Xaaji Cabdull aahi Ka mey oo Warbaahinta kula hadlay dee gaanka Yaaqbariweyne oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Wanla weyn ayaa sheegay inay jiraan mas uuliyiin xasaanad leh oo hurinaya rabshadaha malee shiya adku ka gaysa nayaan wadada u dhaxeyso Wanla weyn iyo Yaaqbariweyne.
"Waxaa jira masuuliyiin xasaanad leh oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee ku dagaalamay degmada Wanlaw eyn, Masuuliyiintaas waxay maleeshi yaadka siiyaan hub, rasaas, lacago iyo sidoo kalena waxay ku difaacaan afka oo dhanka baraha bulshada ayay taag eero iyo difaac la hortaagan yihiin mar walba.” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku xige enka Maxkamadda Ciidamada Axmed Xaaji Cabdullaahi Kamey.
Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan cadey mo ku saabsan in masuuliyiintaasi oo magacyadoodu uusan sheegin inay hoos yimaadaan labada maleeshiyo ee dhibaatada ka geysta qeybo ka mid ah deegaanada hoostaga Wanlaweyn.
"Hada waxaan soo uruurinay ama aan helnay cadeymo farabadan oo cadey naya in masuuliyiintaasi xasaanadda leh ay taakuleeyaan ama ay hoos yima adaan maleeshiy aadkii ku dagaalamay degmada Wanlaweyn.” ayuu yiri G/le Dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi Kam ey.
Kamey ayaa tilmaamay in cadeyma ha ay la wadaagi doonaan gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Anshax Marinta ee Baar lamaanka, si ay u weydiistaan codsi xa saanad ka qaadis ah, ka hor maxkama deyntooda.Ugu dambeyntii hadalka ka soo yee ray Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxka madda ayaa imanaya, iyadoo maxkam addu ay Sabtidii xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku xukuntay qaar ka mid maleeshiyaadka beelaha ee labadii sano ee la soo dhaafay dilalka ka gay sa nayay inta u dhaxeyso degmada Wan laweyn iyo Y/Bariweyne .


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TI,MES DAILY NEWS PAPER EE AMAANTA OO AH TALAADO 25-KA NOV, 2025-KA
..