
HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18 NOV 2025
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo beesha caalamka ka dalbaday dhaqaale uu doorashooyinka ku qabto
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa beesha caalamka u diray codsi ku aaddan in daneeyayaasha doorashada ay ka qeyb qaataan dardargelinta dhammaan heerarka kala duwan ee geedi-socodka doorashada.
Guddigu waxa uu si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo diyaarinta miisaaniyad dhaqaale oo rasmi ah, taasoo ay sheegeen in. lagu hirgelin karo dhammaan heerarka doorashooyinka dalka. Waxay sheegeen maalgelinta doorashada in ay tahay arrin lagama maarmaan u ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda
guddiga doorashada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, daneeyayaasha siyaasadeed iyo beesha caalamka in ay kaalmo muuqata ka geystaan dhinaca dhaqaalaha, si doorashooyinka dalka aysan dib u dhac ugu imaan sababo la xiriira agab la'aan iyo maalgelinta oo yar.
Guddigu waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku ay si buuxda uga qaybqaataan kormeerka iyo taageerada dhaqaale ee howlaha doorashada si loo xaqiijiyo hufnaan iyo daahfurnaan.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo muddo xileedkiisa ay uga harsan tahay muddo dhowr bilood ah ayaa dowladdiisu isku dayaysaa inay noqoto dowladdii ugu horraysay oo 60 sano kaddib dalka ka qabata doorasho qof iyo cod oo heer degaan ah, inkastoo Puntland oo qeyb ka ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay horey u qabteen doorashooyinkan.
Wasiirka shaqada oo qaabilay danjiraha Turkiga
Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa booqasho ugu yimid Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow, iyagoo xarunta wasaaradda ku yeeshay kulan u dhexeeya labada dhinac.
Kulan ayaa looga hadlay sii wadidda heshiisyo waxqabad oo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya kala dhexeeya dhigeeda Jamhuuriyada Turkiga.
Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta isla markaasna sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii wado xiriirka labada dhinac oo ku dhisan wax wada qabsi iyo taageero.
Wasiirka wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa, waxaana uu soo jeediyey in bandhigay in safiirku gacan ka geysto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadaayo aqoontooda iyo xirfadaha farsmada, maadaama uu Turkigu u yahay saaxiib weyn oo ay leeyiin shaqacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, gaar ahaan Amniga,Horumarinta adeegyada bulshada,Taageerada dhaqaalaha iyo Mashaariicda dib-u-dhiska.
Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Koonfur Galbeed, halka safiirkuna uu bogaadiyay dadaallada maamulka ee xasillinta iyo horumarinta adeega bulshada.
labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Gargaarka, Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo "Ilaalinta iyo Xalka Waara” ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay’ado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka dhashay qiimeyn iyo dabagal muddo bilooyin ah socday, kuwaas oo diiradda lagu saarayey guulaha laga gaaray mashaariicda sannadkan soo dhammaanaya ee "Ilaalinta iyo Xalka Waara”, iyo caqabadaha weli ka jira dalalka IGAD.
Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahay, gaar ahaan:
Saameynta ka dhalatay hoos u dhaca kaalmada bini’aadannimo.
Dhibaatada sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tirada barakacayaasha oo sii badanaysa.
Horumarka muhiimka ah ee laga gaaray meelmarinta Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Gudaha.
Wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku amaanay dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha dalka.
Agaasime Mustaf Dhuxulow "Waxaan la socona dadka faafiyay iyo kuwa taageeray Borobagaandada ka dhanka ah E-TAS”
Agaasimaha Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda Soomaa liya Mustaf Sheekh Cali Dhuxu low ayaa si faahfaahsan uga had lay markii ugu horeysay hadala da ka dhanka ah Barnaam ijka E-TAS ee maalmahii lasoo dh aafay sida weyn u qabsaday bar aha bulshada.
gaasime Mustaf Dhuxulow ay aa sheegay inaan loo dulqaadan karin dad uu ku tilmaamay inay faafinayaan hadalo ka dhan ah adeegga E-TAS iyo in la suurad xumeeyo adeegyada kala duwan oo ay bixiso dowladda Fedaraal ka Soomaaliya.
e"Qofka Soomaaliga ah waxy aabo uu ku ciyaari karo iyo kuwo uusan ka hadli karin ayaa jira, tusaale ahaan waxuu dhihi karaa dhaqaalaha sidaan haloo dhigo balse dowladnimada, Haybad da, Sharafka iyo Karaamada ma dhaawici karo, ma ahan arrin lagu dhiirran karo, mana la isku dayi karo, barnaamijyada dalka isku keenaya in sumcad dilko oda loo bareero" ayuu yiri Agaa simaha Hay’adda Socda alka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Agaasimaha Hay’adda Socdaa lka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iney la socdaan dadka ku howlan barabagaanadada Barnaamijka E-TAS, isagoona uga digay iney ka waantoobaan falalkan wax u dhimaya dowladninada.
"Waxa aan la soconaa dadka faafinaya, dadka shaqada waday iyo kuwa Taageera Probagand-da ka dhanka ah E-TAS, waxa dhan waan la soconaa, waxaa halis ah mashaariicda qaranka ee Dowladnimada lagu ilaali nayo in meel fagaare ah lagu weeraro,” ayuu hadalkiisa sii raa ciyay Agaasime Mustaf Shee kh Cali Dhuxulow.
Waxaa xusid mudan in Bar na am ijkan E-TAS in Som aliland iyo Puntland ay si adag uga horyim aadeen dal ku galka elektaroo niga ah, islamar kaana uu sii kordhiyay xiisada siyaasa deed ee u dhaxeysay dowladda Fedar aalka Soomaaliya iyo Som ali land iyo Puntland.
Ugu dambeyntii hadalkaan ka soo yeeray Agaasime Mustaf Dhuxulow ayaa noqonaya Jaw aabtii ugu horreysay ee Hay’a dda Socdaalka iyo Jinsi yadda Soomaaliya kasoo saarto hadalo inta badan qabsaday Baraha
Bulshada oo sheegayay in la jabsaday Website-yada habka Online-ka ah looga dalbado adeegga E-TAS.
Wasiir Fiqi: Barnaamijka E-Visa Wuxuu Xannibay In Ajaanib Daacish Ah Diyaarad Ku Soo Galaan Buuraleyda Puntland
Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaa liya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in barnaam ijka E-Visa uu door muhiim ah ka qaatay xakameynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqa xubna ha kooxda Daacish ee ku dhu umaaleysanaya buuraleyda Cal miskaad ee Puntland.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii la daah furay nid aa mka E-Visa, uusan jirin hal qof oo katirsan Daacish oo istic ma ala diyaarad si uu ugu soo gu dbo buuraha Calmiskaad. Waxa uu xusay in sannadihii hore la qabtay basaabooro bad an oo ajaanib u badan Carab, kuwaas oo lagu tuhmayay inay ku biirayaan ama u socdaan kooxda Daacish, islamarkaana dhama antood ay ku yimaadeen garoom ada diyaaradaha ee Puntland iyo Somaliland.
newsinside"Buuraha Puntland, baasabooro badan oo ajnabi carab ah u badan oo laga qabtay Daacish, kuligood waxay ku yimaadeen diyaaradaha ka dega Puntland iyo Somaliland, Hadda waa yaraatay, hal qof oo argagixiso ah oo diyaarad soo raacay ma jiro intii la hirgaliyay E-visa, Daacish waa u dhamm aatay,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ujeed ada E-Visa aysan ahayn in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka soo degaya Puntland iyo Somaliland, balse ay tahay in si sax ah loo ogaado qof kasta oo soo galaya gudaha dalka, taas oo qeyb ka ah dadaallada amniga lagu xaqiijinayo ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn ay u diidan yihiin Somaliland iyo Puntland nidaamka ay dowla dda hirgalisay ee E-visa kaas oo siyaabo kala duwan ay warbaahi nta ugu sheegeen inaysan u hoga ansami doonin nidaamkaasi
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska oo hortagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka
Guddiga Arrim aha Gud aha, Maamulada Gobol ada iyo A mn iga ee Gola ha Shacabka ayaa shalay ku lan su’aalo weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sooma aliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdul laahi.
Kulankan ayaa ka dhacay xar unta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa waxaana shir-gu ddoominaysey Guddoomiya ha Guddiga, Xildh ibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh.
Kulanka sid oo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afe y), iyo Xoghayaha Guddiga Xild hibaan Maxamed Ibraahin Xas an.
Mas’uuliyiinta wasaaradda amniga iyo taliska booliska ayaa guddiga siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dal ka, howlaha u socda wasaar ad da Amniga, iyo qorsh eyaasha taliska Booliska ee ku aaddan sugidda amniga caasimad da iyo gobollada.
Intii kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa su’aalo kala duwan oo la xiriira amniga weydiiyay wasiirka iyo taliyaha Booliska, kuwaas oo dhankoo da ka jawaab ay dhammaan su’aalihii la weyd iiyey.
Ugu dambeyntii, labada dhi nac ayaa isku raacay in la joogt eeyo kulamada noocan oo kale ah, si kor loogu qaado isla xisa abtanka, loona dardargeliyo ho wlaha qaranka ee ay mas’uul iyadda u hayaan wasaaradda Amn iga iyo Taliska Booliska Soo maaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, oo kulanka soo xirtay, ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska sida ay uga soo qeyb galeen kulanka, iyadoo ku bogaadisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka
Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Kulankan ayaa diirradda lagu saaray cutubka lixaad ee dastuurka oo cinwaankiisu yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo cutubka 7aad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo Baaris ku Bilaabay kiiska Muwaadin Cabasho ka Gudbiyay Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay inuu qaaday tallaabo sharci ah oo ku aaddan cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen kaasoo sheegay in lagu sameeyay ku-takri fal awoodeed iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdiisa dastuuriga ah, intii uu ka dhoofayay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sida ku xusan war-saxaafadeedka, Cabdifitaax ayaa ku eedeeyay Turhan Kenmen, oo ah Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) ee Soomaaliya, inuu ku kacay ficillo baal marsan sharciga, isla markaana lagu xadgudbay xuquuqdiisa, taas oo sababtay in laga horjoogsado safarkiisii.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in markii ay soo gaartay cabashada iyo warbixinta la xiriirta dhacdada, ay isla markiiba u fureen Gal-dacwadeed si loo xaqiijiyo runta eedaha, lana bilaabay baaritaan dhab ah oo ku wajahan cidda ku lug leh arrintaas. Dacwaddan ayaa hadda u gudubtay marxalad sharciyeed oo suurtagelinaysa in la qaado tallaabooyinka ku habboon natiijada baarista kadib.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in arrinta loo wajahayo si waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana la hubin doono in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan difaac sharci oo buuxa marka ay cabasho gudbiyaan.
Hadalka shalay kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa kusoo beegmaya kadib markii Cabdifitaax Axmed Xuseen oo baraha Bulshada looga yaqaano Somali Gamer uu muqaal uu baraha bulshada la wadaagay ku sheegay inuu la kulmay tacadi ku saabsan xarig iyo in laga reebay si ula kac ah diyaaradii Turkish Airlane waliba isagoo maray dhammaan nidaamyadii hubinta ee garoonka iyo Hay'adda Socdaalka.
Somali Gamer ayaa eeda ugu kulul u jeediyay Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) oo si cad muqaalkiisa ugu sheegay inuu ahaa ruuxi ka dambeeyay in la xiro iyo in laga reebo duulimaadkii uu ku safri lahaa Turkish Airline.
Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo digniin adag ka soo saartay macdan-qodista sharci-darrada ah
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdan ta ee Dowladda Federaa lka Soomaaliya ayaa shalay mar kale adkeysay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada macdan-qodista sharci-darrada ah ee ka socda qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay ku lug leeyihiin shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali iyo ajnabi isugu jira.
Wasaaraddu waxay sheegtay in qaanuunka caalamiga ah iyo Dastuurka Federaalka Soomaa liya ay si cad u dhigay aan in maa mulka, sahminta iyo ka faa’iidey siga khayraadka dabiiciga ah uu yahay awood ay leedahay oo keli ah Dowladda Federaalka. Sidaas awgeed, waxay sheegtay wasaar addu cid kasta oo ku hawlan macdan-qodista aan Sharciye ysneyn in aysan wax sharci ah u haysan howlahooda
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in macdan-qodista sharci-darrada ah aysan kaliya ku xadgudbin madax-bannaanida iyo hantida shaca bka Soomaaliyeed, balse ay sidoo kale noqotay ilo dhaqaale oo lagu maalgeliyo falal argagix iso, kuwaas oo khatar ku ah am niga dalka iyo guud ahaan gobo lka Geeska Afrika
Wasaaradda ayaa ku boorisay dhammaan kooxaha, shaqsiyaa dka iyo hay’adaha ku lugta leh hawlahaas in ay si degdeg ah u joojiyaan, isla markaa na hakin ayaan dhammaan qorshayaash ooda aan sharciyeeysneyn. Wa xa kale oo ay caddeysay in Dowla dda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabo sharci ah oo dhameystiran haddii aan dig niintaan lagu dhaqmin.
Si kastaba ha ahaatee, wasaa rad du ma xusin cid gaar ah ama shakshsiyaad oo ku howlan macdan qodista sharci darrada ah. Arrintaan ayaa imaanaysa xilli Bariga gobolka Sanaag oo ay maamusha Puntland ay yihiin meelaha ugu badan ee isha lagu hayo qodista.
Madaxweynaha Puntland Sici id Deni ayaa horey u sheegay in ay soo dhoweynayaan cid kaste oo maalgashi ku sameynaysa sidii looga faaidaysan lahaa khey raadka macdanta ku jirta dega anadeeda.
Ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Galgaduud
Ciidamada Daraawiishta ma amulka Galmudug ayaa xalay howlgal qorsheysana ka fuliyay deegaanka Ceel lahelay ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, hal kaas oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday fariisimo koo xdu ku laheyd tuulooyin hoo sta ga deegaanka Ceel lah elay, waxaana hoggaamina yay saraa kiil ka tirsan Ururka Galayr.
newsinsideSaraakiisha Ururka Galeyr ee howlgalka hog gaaminayay oo la hadlay warbaa hinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan todoba ka mid koox da Al-shabaab lagu dilay howlga lka ka dhacay tuulooyinka hoost aga Ceel lahelay.
Waxaa sidoo kale Saraakiis hu tilmaameen in howlagalada ay wali socdaan, islamarkaana ay ku raad joogaan firxadka xub naha kale ee kooxda iyo tuulooyi nka kale oo ay gabaadka ka dhiganayaan.
Howlgaladaan ayaa imaana ya, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaanada ay koox du kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.
Maamulka Waqooyi Bari oo xayiraad safar kusoo rogay dhalinyarada ka yar da'da 30 jirka
Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawa aqay xayiraad cusub oo lagu adk eynayo safarka dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xak ameynayo tahriibka iyo ka gana csiga dadka ee gobolka kusii kor dhaya.
Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka ee maamulka Waq ooyi Bari ayaa sheegtay in go’aa nkan uu ka dhashay walaac sii xoogeysanaya oo ku saabsan so cdaalka sharci darrada ah, iya doo la helay caddeymo muuj ina ya in shabakadaha dadka dhoof iya ay adeegsanayaan fars amoo yin casri ah oo lagu tah rib inayo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa aan wali gaarin da’da ma suuliy adda. Sida ay wasaaraddu sheeg tay, arrintan waxay keentay in la xoojiyo kormeerka lagu sameeyo safarada ka baxa degaannada maamulka.
newsinsideWar-saxaafade edka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah xafiisyada bix iya tigidhada diyaaraduhu laga yaabo inay ku lug yeeshaan fud udeynta dhaqdhaqaaqyada sha bakadaha tahriibka, taas oo sababtay in maamulka uu adkee yo mas’uuliyadda saran shirkad aha socdaalka.
Amarkan cusub wuxuu si gaar ah u abbaarayaa dhammaan xaf ii syada tigidhada diyaarada ha ee ka howl-gala gobolka, oo ay ku jirto shirkad lagu magac aabo Sagal Travel Agency oo duulim aadyo u kala qaada Muqd isho iyo Laascaanood todobaad kiiba laba jeer. Wasaaraddu waxay ku wargelisay in qof kasta oo 30 sano ka yar uusan safri karin haddii aan waalid la socon, isla markaana aan la aqbali karin waraaqaha dammaanad qaadka ee aan si rasmi ah u soo marin hay’adaha dowladda iyo oday aasha deegaanka ee loo xilsaaray xaqiijinta.
Wasaaradda ayaa Sagal Tra vel Agency ku amartay inay dib u hubiso dhammaan tigidhada ay gacanta ku hayso, oo ay ku jiraan kuwa ay soo diraan shirkadaha kale ee la shaqeeya, si loo xaqi ijiyo in dhammaan shuruu cda cusub lagu dhaqmo. Maam ulka ayaa uga digay dhammaan shirkadaha safarka in ku xadg udubka amarkan looga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo lagu dari doono liiska hay’adaha lala xiriirinayo ka ganacsiga dadka.
Tallaabadan ayaa ku soo beeg maysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu sheegay inay sii kordh ayaan kiisaska dhalinyaro lagu qaldo safarro sharci u muuqda oo u beddela tahriib khatar ah, halka waalidiinta iyo odayaasha dhaqanku ay ku baaqayaan in si dhab ah loola dagaallamo shabakadaha dadka dhoofiya.
Puntland oo ka digtay in la isticmaalo adeegga E-VISA oo ay sheegtay in uusan sugnayn amni ahaan
Puntland ayaa ugu baaqday dadka u socdaalaya degaanade eda ee wata baasaboorrada ajn ebiga ah in aysan adeegsan ade egga E-VISA ee ay bixiso Dowla dda Federaalka Soomaaliya, iya doo ku andacootay inuusan ad eeggu buuxin shuruudaha amniga dijitaalka ah.
Wasiirka Warfaafinta Puntla nd, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in nidaamka E-VISA uu leeyahay tabar-darro amni oo keeni karta in xogta dadka adeegsanaya ay gasho gacmo aan la isku hallayn karin.Wuxuu xusay in weerarkii dhawaan lagu qaaday nidaamka E-VISA uu muujinayo in dowladda Federaalka ay mudnaanta koowaad siisay ururinta dhaqaalaha, halkii ay wax ka qaban lahayd ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo dadka kale ee lagu qasbayo inay adeeg gaan isticmaalaan
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha kasoo xaroo da E-VISA aanu noqon karin mid si gaar ah gacanta ugu jira Dowladda Federaalka, maaddaa ma uusan jirin xeer qeexaya sida loo wadaago dakhligan.
"Waa mashruuc boob lacage ed ah oo aan lahayn nidaamyo amni oo xogta lagu ilaaliyo, ma na jiraan backup-yo. Xogaha la helay waxay muujinayaan in la jabsaday oo xogtii dadku lahaay een lagu faafiyay internet-ka,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Hadalkan ka soo yeeray Punt land ayaa imaanaya iyadoo dowl adda Federaalka Soomaal iya ay beenisay wararka ku saabsan khataraha amni ee E-VISA, wax ayna ku tilshalayy dacaayad ay faafinayaan kooxo ay sheegtay in aanay dooneyn horumar kasta oo lagu xoojinayo midnimada dalka.
Booliiska degmada Dhoobley oo shaaciyay iney gacanta kusoo dhigeen nin Gowracay wiil 14 sano jir ahaa
Ciidamada amaanka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil yar oo 14 sano jir ahaa, islamarkaana dhaawac daran u geystay wiil kale.
Ninkan eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Jeelle Maxamed Cusmaan, kaasoo la tilmaamay inuu falkan naxdinta leh u geystay labada xili habeen ah, iyagoo ka yimid dugsi Quraan.
Wiilka Dhaawaca ah ayaa haatan lagu daweynaya mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu beegsato ninkaan labada wiil ee midna dhintay midna dhaawaca yahay.
Laamaha amniga magaalada Dhoobley ayaa mudo saaacado ah ku raad joogay eedaysanahan oo ay ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan, waxayna sheegeen in hada ay socdaan baaritaan dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo sababaha ka dambeeyay falka naxdinta leh.
Saraakiisha Booliiska degmada Dhoobley ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanadaas iney la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah, si sharciga loo horkeeno dadka dambiyada ka gala deegaanka.
Si kastaba ha ahaate sanadahii ugu dambeeyay waxaa qeybo badan oo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada dalka kusoo kordhaayay dilalka aragagaxa badan ee ka dhex dhacaya dadka Soomaaliyeed, waxaana u dambeeyay falkii naxdinta lahaa ee dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo aano qabiil darteed loogu gubay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray Bahrain
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa soo afjaray muddo dheer oo guul la’aan ah, kadib markii ay 2–1 kaga adkaadeen xulka Bahrain ciyaar saaxiibtinimo oo loogu diyaar garoobayay isreeb-reebka Koobka Carabta FIFA 2025.
Guudhaan ayaa waxay noqotay guushii ugu horreysay ee Ocean Stars gaaraan tan iyo 2019-kii, markaas oo ay ka badiyeen Burundi tartanka CECAFA.
Kooxda uu hoggaamiyo Yusuf Cali Nuuri ayaa kulankan u galay iyagoo kasoo baxay kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, halkaas oo ay lumiyeen shan kulan oo xiriir ah. Bahrain ayaa goolka hore dhalisay, balse Soomaaliya ayaa soo laabatay. Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore, Mohamed Omar ayaa dhaliyay goolka barbardhaca kaddib kubbad uu si qurux badan u diyaariyay ciyaaryahan Hassan Sak. Daqiiqaddii 80-aad, Essa Adan ayaa shabaqa ku hubsaday goolka guusha ee Soomaaliya.
Soomaaliya waxay 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ku heshay afar barbaro, waxaana natiijadoodii ugu fiicnayd ay ahayd barbaro ay ka heleen Guinea.
Hase yeeshee, guushan ay ka gaareen Bahrain oo ka sarreeya qiimeynta FIFA waxay Soomaaliya u tahay horumar muuqda in xulka Soomaaliya ay ka soo kabanayaan guul darrooyinkii hore.
Ocean Stars ayaa wajahaya Oman 26-ka November, kulanka koowaad ee isreeb-reebka Koobka Carabta. Guushan ayaa siinaysa kalsooni ay ku galaan wajiga xiga ee tartanka, iyadoo taageerayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen soo laabashadan taariikhiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Ku Baaqay Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah si Loo Badbaadiyo Midnimada Dalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku muujiyey walaaca sii kordhaya oo uu sheegay inuu ka dhex jiro hay’adaha siyaasadda dalka, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya wali la daala dhaceyso caqabado culus oo u baahan xal qaran oo mideeya.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in aan weli dalka helin hoggaan danta guud ka hormariya danaha gaar ahaaneed, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid hor taagan dib u dhiska dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.
Maxamuud Sayid Aaden wuxuu soo jeediyey saddex qodob oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa deg-deg u baahan in la qaado, si looga hortago kala fogaanshaha siyaasadeed ee soo xoogeysanaya.
Marka hore Wuxuu ku baaqay in la isugu yimaado shir aan shuruudo lahayn oo ay ka soo qayb galaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee khilaafaadka dhalinaya, Shirku, ayuu yiri, wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka.
Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu sheegay in musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka ee 2026 loo baahan yahay in lagu qanciyo muhiimadda go’aannada Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn weyn ku leeyihiin jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aaden wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu si "geesinimo leh” u wajaho xaaladda guud ee dalka, una hoggaamiyo shacabka isagoo ka duulaya waxa shalay macquul ah.
Howlgallo lagu dilay in kabadan 50 Dagaalame Al shabaab ah oo ka dhacay Jamaame
Ciidamada Dowlad Gob oleedka Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliyeed iyo Kumaand ooska Danab ayaa fuliyey how lgal qorsheysan oo ballaaran ka dhacay tuul ooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jama ame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo la sheegay in si heer sare ah loo qorsheynayey ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo
Al-Shabaab ku lahaay een tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni, iyo Mal eyleey oo ay u adeegsan jireen sidii ay uga soo abaabuli lah aay een weerarro ay ku dhiba ateey aan shacabka deegaanka iyo isku socodka bulshada.
newsinsideIntii uu howlgal ka socday, ciidam ada isgarabs ana ya ayaa weeraray fariisimihii Ko oxdaan Sida ay xaqiijiyeen sa ra akiisha hoggaam ineysa hawlg alka, waxaa halkaas lagu dilay 56 Dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale oo daga alamayay nolosha lagu soo qabtay.
Saldhigyadii kooxda ee ku yaa llay tuulooyinka la beegsaday ay aa gabi ahaanba la burburi yey, taas oo dhabar-jab weyn ku noq otay awooddii iyo dhaq-dhaq aaqii ay Al shabaab halk aasi ku lahayd sida ay xustay warbaahi nta Jubaland.
araakiisha ciidanka ayaa shee gay in howlga lladu sii socon doo naan ilaa laga xaqiijiyo in deega anka laga sifeynayo kha tarta argagixisada, loona soo celinayo nabadda iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka reer Jubbo oyinka.


0 



HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18 NOV 2025
.