DF oo war kasoo saartay cudur ay u dhinteen 50 carruur

0
Sunday December 07, 2025 - 11:28:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo war kasoo saartay cudur ay u dhinteen 50 carruur

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay faafitaanka cudurka Gowrcatada oo haatan fara ba’an ku hayo carruurta Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda oo ogeysiis guud u dirtay shacabka ayaa sheegtay in xanuunka ay hadda la’il daran yihiin in ka badan kun carruur ah, kuwaas oo lala tacaalayo xaaladooda.

 

 

Sida lagu sheegay bayaanka waxaa cudurka Gowrcatada u dhimatay carruur kor u dhaafeyso illaa 50, kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso 5 jir ilaa 15 sano.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in bulshada ay la wadaageyso farriimo wacyigelin ah oo ku aadan talooyin la xiriira sida looga hortagayo cudurkan oo dilaa ah.

"Sanadkan, Wasaaraddu waxay la tacaalaysay cudurka Gowracatada, waxaana ilaa hadda cudurkan uu ku dhacay in ka badan 1,000 carruur ah, halka ay u geeriyoodeen in ka badan 50 carruur ah. Da’da ugu badan ee uu cudurku saameeyay waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 15 sano”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS.

 

 

Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in bartamaha bishaan ay billaabi doonto olole lagu tallaalayo carruurta, si wax laga qabto xaaladda carruurta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed in carruurtooda ay geeyaan goobaha tallaalka, ayna u hoggaansamaan habraacyada ay dajisay wasaaraddu.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip