
Madaxweyne Xasan oo u baxay safar dibadeed + Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Qatar, halkaasi oo uga qeyb-galayo shir heer caalami ah.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qatar ayaa la xiriira madasha Dooxa Forum oo lagu qabanayo magaalada Dooxa, taas oo qabsoomi doonta 6–7 December, sida uu qorshuhu yahay.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Inta uu joogo Qatar, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale yeelan doonaa kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo hoggaanka ugu sarreeya dalkaasi, sida Amiirka, iyo masuuliyiin kale oo ka socda dalal kala duwan.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.
Dooxa Forum ayaa ah shir sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka.
Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dalka ka fulisa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Xigasho:Caasimadda.net


0 



Madaxweyne Xasan oo u baxay safar dibadeed + Dalka
..