
Wiil dhalinyaro ah oo calanka Awdal State ka taagay Boorama oo la toogtay
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ayaa sheegaya in la toogtay wiil dhalinyaro ah oo maanta calanka Awdal State ka taagay gudaha magaalada.
Wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Mahdi Axmed Samaale ayaa ka mid noqday in ka badan 10 ruux oo ku dhintayrabshadahaka socda Boorama.
Rabshadaha socda ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aanka xukuumadda Somaliland ay ka qaadatay bandhigga xeer Ciise ee magaalada Saylac, kaas oo markii hore ay joojisay, balse xalay dib u fasaxday.
Waxaa marba marka ka sii dambaysa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhalanaya rabshadaha, iyadoo shacab careysan ay xirteen waddooyinka halbowlayaasha ah ee magaalada, kuwaas oo ay ku gubeen taayiro.
Waxaa la maqlayaa dhawaaqa noocyada kala duwan ee hubka, oo ciidamada boolisku u adeegsanayaan shacabka.
Sidoo kale waxaa jirta jabhad hubaysan oo ayadu ka dilaacday gobolka, taas oo ka dhan ah go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise.
Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah ku soo daabuleysa magaalada Boorama, halka dibadbaxayaashu ay sheegeen inaanay aqbali doonin in buugga ay xukuumaddu ku soo bandhigto magaalada Saylac.
Si kastaba, xaaladdu waxay u muuqataa mid faraha ka sii baxaysa, iyadoo rabshaduhu isu beddeli karaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Waqooyi Bari.


0 




Wiil dhalinyaro ah oo calanka Awdal State ka taagay Boorama oo la toogtay
.