Israa'iil oo weerar ku dishay dad Falastiiniyiin ah iyo Xamaas oo ka hadashay

0
Thursday December 04, 2025 - 16:20:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo weerar ku dishay dad Falastiiniyiin ah iyo Xamaas oo ka hadashay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Difaaca Rayidka ee Qasa ayaa ku dhawaaqay in shan Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qasa.

Afhayeenka hay’addaas, Maxamuud Bassal, ayaa u xaqiijiyay AFP in "shan qof oo rayid ah, oo labo carruur ah ku jiraan, la dilay, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa dhaawacoodu culusyahay, sababo la xiriira gantaallo badan oo Israa’iil ku garaacday xero barakacayaal oo ku taal aaggaMawasi Khan Younisee ku dhow Isbitaal” ku yaalla koonfurta Qasa.

Xamaas ayaa duqeynta Israa’iil ku tilmaantay "dambi dagaal oo cad, iyo ku xadgudub heshiiska xabbad-joojinta, iyo isku day lagu doonayo in lagaga baxsado waajibaadkeeda ka saran heshiiska.”

Dhankooda, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay weerar ka fuliyeen Khan Younis kadib markii askartooda lagu weeraray halkaas.

Waxay intaas ku dareen in duqeyntu bartilmaameedsaden xubno ka tirsan Xamaas,” iyaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Waxay xaqiijiyeen in weerarku uu aargudasho u ahaa weerar hore oo ciidamadooda looga qaaday Rafax Arbacadii, kaas oo dhaawacay shan askari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip