
Banaanbax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Boorama.
.
Banaanbax looga soo horjeedo go’aan ay Xukuumadda Somaliland ku fasaxday qabashada Xaflad lagu soo bandhigayo buug ka hadlaya Xeerka Ciisaha, ayaa xalay ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Dhalinyaro, haween iyo odayaal ka gadoodsan go’aankan, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada,halkaas oo ay jidadka taayiro ku gubeen, iyaga oo waddooyinka qaarna xiray.
Dadkan Mudaharaadayey, ayey isku dhaceen Ciidanka Booliska, iyada oo isku dhacu sababay dhimashada 2 qof iyo dhawaaca dad gaaraya 10 qof.
Sidoo kale, Dadka banaanbaxa dhigay ayaa dab qabad siisay Xarumaha maamulka qaarkood oo uu ka mid yahay xaruunta Banka dhexe.


0 




Banaanbax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Boorama.
.