
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safri doona Doha Forum 2025
Shirka Doha Forum waa mid ka mid ah madalaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ee lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.
Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kasbashada taageero caalami ah.
Inta uu ku jiro shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo doodaha heer sare ee arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyo inuu kulamo gaar ah la yeesho hoggaamiyeyaasha dalalka ka soo qeybgalaya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale fursad u heli doona inuu xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka Qatar iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya, isaga oo soo bandhigi doona qorshayaasha dalka ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah.
Doha Forum 2025 wuxuu noqon doonaa fursad muhiim ah oo ay Soomaaliya ku xoojin karto mowqifkeeda caalamiga ah, iyadoo raadinaysa taageero dheeraad ah oo caalami ah iyo xal u helidda caqabadaha soo wajahaya dalka.
Xigsho:-radi risaala.net


0 



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safri doona Doha Forum 2025
.